HomeMaamulka Togdheer Oo Iska Difaacay Eedo Uu Hore...

Maamulka Togdheer Oo Iska Difaacay Eedo Uu Hore Ugu Jeediyay Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolku

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Burco, (SLpost)- Maamulka gobolka Togdheer ayaa dhinac isaga leexiyay eedaymo uu hore ugu soo jeediyay guddoomiyaha maxkamadda gobolka Togdheer, kaasi oo u eedeeyay in xafiiska badhasaabka iyo ku xigeenku uu noqday  meel lagu qaado dacwadaha.

Badhasaab ku xigeenka gobolka Togdheer  Maxamed Diiriye Xayd, oo shalay shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay eedahaasi, waxaanu  ugu baaqay gudidda cadaaladda iyo guddoomiyaha maxkamadda sare in ay  u soo diraan guddi baadhiseed oo daba-gasha.

Maxamed Diiriye Xayd, waxa uu sheegay in arrinta uu guddoomiyaha maxkamadda Togdheer ku eedeeyay ay waxba kama jiraan yihiin, isla markaana aanay jirin meel uu wasiir ku xigeenka maaliyadu ku soo farro-geliyay , hase yeeshee  arrintaasi ay ahayd mid amniga la xidhiidhay sidaas darteedna ay iyagu ka maamul gobol ahaan fuliyeen.

“Waxaan ka jawaabayaa, hadallo eedayn ahaa oo uu  maalin dhawayd  guddoomiyaha maxkamadda goblku  u jeediyay maamulka gobolka badhasaabka iyo badhasaab ku xigeenka. Kaasi oo ahaa in aanu xafiiskii maamulka gobolka ka dhiganay  meel lagu qaado  kiisaska madaniga ah. Taasi oo aanan anigu hadda tafaasiil ka bixinaynin,  maadaama guddoomiyaha maxkamadu ka mid yahay hay’adaha na hoos yimaadda,  oo aanaan ka jawaabynin sidii uu u hadlay. Laakiin ah majac loo noqdo” ayuu yidhi guddoomiye ku xigeenka Togdheer.

Isagoo hadalkiisa sii watayna waxa uu yidhi “Kuwaasi oo uu u horeeyo guddoomiyaha maxkamadda sare, iyo gudidda cadaaladu ayuun baan codsi u jeedin lahaa, waxaanan ka codsanaynaa in uu guddi kormeerta arrintaasi guddoomiyaha maxkamadda gobolku ku hadlay  in ay noo soo diraan, si xaqiiqadda loo gaadho.  Oo sida uu masuulkaasi ku hadlay aanu noqono meel  dacwadihii maxkamadu  qaadi jirtay qaada iyo in aanu noqono  meel qaaday dawcado meesha yaalay oo nabadda waxyeelayay,  oo ay xaqiiqadda u ogaadaan si ay u ogaadaan wixii meesha yaalayba”.

Badhasaab ku xigeenka gobolka Togdheer , waxa kale oo uu sheegay in aanay jirin meel uu wasiir ku xigeenka maaliyadu ku soo farro-geliyay hawshaasi, isla markaana ay arrintaasi tahay mid been ah oo aan sal iyo raad toona lahayn. “Waxaan beeninayaa  in aanu wasiir ku xigeenka maaliyadda Cadaani soo farro-gashan  hawshaasi iyada ah, oo aanu aniga igala soo hadal, iyadoo weliba dadka qaar aniga igu eedaynayeen in  aan suuqa geliyay qoladii lacagta sheeganaysay in aan ku idhi wasiir cadaani ayaa soo farro-geliyay, taasi waa been cad, wasiir Cadaani ilama soo hadal, aniguna cidna  kumaan odhan wasiir Cadaani ayaa hawshiina soo farro-geliyay, taasina waxba kama jiraan. Cida hadalkaasi tidhina iyada ayay gaar u tahay, Wax alla wax naga khuseeyaana ma jirto, wax aanu gobol ahaan ka nidhina ma jirto”ayuu yidhi Maxamed Diiriye Xayd.

Somalilandpost.netguddoomiye ku-xigeenka togdheer

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories