HomeMaamulka Shirkadda SOMPOWER Oo Waxba Kama Jiraan Ku Tilmaamay In Xukuumadda Somaliland...

Maamulka Shirkadda SOMPOWER Oo Waxba Kama Jiraan Ku Tilmaamay In Xukuumadda Somaliland Kooto ugu Xidhay Laydhka Dalka

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Maamulka Shirkadda SOMPOWER Oo Waxba Kama Jiraan Ku Tilmaamay In Xukuumadda Somaliland Kooto ugu Xidhay Laydhka DalkaHargeysa (SLpost)- Shirkadda Korontada ee SOMPOWER ayaa ka warbixisay adeegyada  muhiimka ah ee ay bulshada u hayso,waxaanay tilmaantay in adeega shirkaddu bixisaa uu yahay mid macaamiisha iyo bulshada ku dhaqan caasimadda Hargeysa ay kaga raysteen caqabadihii iyo dhibaatooyinkii ka haystay dhinaca adeega laydhka,sidoo kale shirkadda Sompower ay qiimo aad u jaban adeega laydhka ku siiso bulshada,islamarkaana muwaadiniintu ay aad u soo dhaweeyeen adeegan hufan ee shirkadda Sompower bulshada u qabato.

Shirkadda Sompower waxa ay dhinaca kale waxba kama jiraan ku tilmaameen warar sheegayay in xukuumadihii kala dambeeyay ee Somaliland ay kooto ugu xidheen adeega laydhka,gaar ahaan shirkadda Telesom oo Sompower ku eedaysay in bixinta laydhka kooto loogu xidhay.

Mid ka mid ah saraakiisha sar sare ee shirkadda Sompower oo warbaahinta la hadlay ayaa si qoto dheer u faah-faahiyay kaalinta laxaadka leh ee shirkadoodu u hayso bulshada,waxa kale oo uu waxba kama jiraan ku tilmaamay eedaymo ay xubno ka mid ah shirkadda Telesom usoo jeediyeen shirkadda Sompower,wararkaas oo ay ku sheegeen in xukuumadihii kala dambeeyay ee Kulmiye adeega laydhka ay kooto ugu xidheen shirkaddan.

C/salaam C/llaahi Aw-Cali oo ka mid ah masuuliyiinta shirkadda Sompower ayaa sharraxay waxqabadka iyo adeegyada muhiimka ah ee shirkaddani u hayso bulshada isagoo arrimahaas ka hadlayana waxa uu yidhi,”Shirkan jaraa’id waxan kaga hadlayaa shirkadda Sompower iyo marxaladihii ay soo martay,shirkadda Sompower waxay ka koobantahay 35 shirkadood oo yaryar oo markii hore laydhka ka shidi jiray magaalada islamarkaana isutagay, si loo horumariyo adeega koronto ee Somaliland loona yareeyo khataraha ka dhalan kara isdhexyaaca korontada ee dabka sida, kuwaas oo markii hore shirkadaha yaryar dhibaato wayn ku hayay oo khasaare naf iyo maalba lehna soo gaadhsiiyay, taasina waxay sababtay in shirkadahaasi ay isku biiraan oo midoobaan,waxa kale oo shirkadda Sompower ay qayb laxaadle ka qaadatay shaqo abuurka dalka iyadoo shaqaalaysiisay in ka badan 1000 shaqaale ah oo si joogto ah uga hawl gala shirkadda,iyadoo ay jiraan shaqaale kale oo wakhtiyo gaar ah shaqeeya”Ayuu yidhi.

Sidoo kale waxa uu waxba kama jiraan ku tilmaamay eedaymo ay usoo jeediyeen shirkadda Telesom oo sheegayay in kooto loogu xidhay shirkadda Sompower waxaana hadalkiisii ka mid ahaa:

“Waxa caddayn idiin ku filan oo aad aragteen xadho ay leedahay shirkaddu oo dhulka daadsan una baahan in la dhamaystir o oo dhulka laga qaado,sidaa darteed haddii ay jirto in korantada kooto loogu xidhay Sompower xadhkahaas daadsan ayaanu dhulka ka qaadi lahayn oo aanu hagaajin lahayn,hadalka ka soo yeedhay Telesom-na waa mid aanay waxba ka jirin oo shirkadda waxa ka mid ah dadkii ugu horreeyay ee dalka ka hirgaliya adeega laydhka”.

Muuqaalkan Hoose Ka Daawo Nuxurka Warkaasi Oo Faahfaahsan.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories