HomeMaamulka Madaarka Hargeysa oo ka Jawaab-celiyey Eedo ay Masuuliyiinta xisbiga UCID u...

Maamulka Madaarka Hargeysa oo ka Jawaab-celiyey Eedo ay Masuuliyiinta xisbiga UCID u Jeediyeen

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Maamulaha Madaarka Diyaaradaha HargeysaHargeysa (SLpost)- Maamulaha Madaarka Diyaaradaha Cigaal International Airport ee Magaalada Hargeysa Maxamed Yuusuf Ismaaciil ayaa ka-jawaab celiyey eedo uga yimid Masuuliyiinta Xisbiga UCID oo sheegay in loo diiday in Madaarka ay galaan si ay u soo dhaweyaan Guddomiyaha Xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe oo maanta dalka dib ugu soo laabtay, waxaanu sheegay in aanay soo marin nidaamkii sharciga ahaa ee la soo amri jiray marka Masuuliyiinta qaranku imanayso.

Murashaxa Madaxweynaha ee Xisbiga UCID Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen oo ay weheliyaan masuuliyiin kale oo xisbigaas ka tirsan oo Guddoomiyaha UCID ka hortagay si ay u soo dhaweeyaan, ayaa iyaga oo ku sugan madaarka kedinkiisa, waxa ay warbaahinta u sheegeen in laga horjoogsaday inay gudaha u galaan madaarka si ay u qaabilaan guddoomiyahooda oo muddo bil kudhow socdaal ugu maqnaa dalka Turkiga oo uu kaga qayb-galay Shirweyne lagu soo casuumay oo ay sannadkiiba mar ku kulmaan Axsaabta ku dhisan mabda’a Socialist Democratics ee Caalamka.

Maamulaha oo maanta Shir jaraa’id ku qabtay Xafiiska Wasaaradda Duulista ee Hargeysa, waxaanu yidhi, “Waxaan Doonayaa in aan ka jawaabo Eedeymo nooga yimid Musharax Madaxweynaha ee Xisbiga UCID Jamaal cali Xusen oo Maamulka madaarka Cigaal ku eedeyey in loo diiday madaarka isaga oo soo dhaweynayey guddomiyaha Xisbiga UCID, runtii xisbiga UCID Arrintii waxay ka dhigeen arrin siyaasadeysan, lakiin halkan waxaan ka cadeynayaa in aanay jirin cid aan ka hor istaagnay in madaarka ay gasho haddii ay noqoto xisbi mucaarid ah ama cid kale ba, waliba waxaan cadeynayaa aniga oo ah maamulihii madaarka in aanay jirin qof aanu madaarka u diidnay oo soo maray Sifihii sharciga ahaa ee madaarad loo soo mari jiray.”

Maamuluhu isagoo hadalkiisa sii watay waxa uu yidhi “Runtii Annagu waxaanu nahay Madaar waxaanuna ku shaqeynaa sida ay madaarrada caalamku ku shaqeeyaan, madaarkuna waa mid u furan cid kasta oo reer Somaliland iyo dhammaan dadweynaha Caalamka u kala goosha, ma jirto madaarka cid gaar ah loo diid, habayaraate wax cod si ah oo Xisbiga Mucaaridka ee Ucid uu noo soo gudbiyey oo lanoogu sheegay oo la yidhi guddomiyihii Ucid ayaa imanaya ma jirto, runtii waxa jira xafiis Bartakool iyo mid warbaahineed oo la soo maro xisbiga Ucidna intiina midna muu soo marin, Aniga oo ah Maamulihii Madaarka Markii lay sheegay in uu Diyaarada uu la socdo Guddomiyihii Xisbiga Ucid waxaan Inamadii shaqaalaha ahaa Amray in si maamus leh loo soo dhaweyo oo qolka V.I.P la geeyo, laakiin haddii Masuuliyiinta UCID noo sheegi lahayn in Guddomiyahoogii uu imanayo dee waxwalba waanu u diyarin lahayn haddii ay noqoto Amnigooda iyo hawlaha kale ee ay u baahan yihiin.”

Maamulaha Madaarka Caalamiga ah ee Cigaal ee Magaalada Hargeysa Maxamed Yuusuf Ismaaciil waxa kale oo uu sheegay in Maalinta Arbacada uu imanayo Guddomiyaha Xisbiga Waddani ahna Guddomiyaha Golaha Wakiilada sidaasi daradeedna Masuuliyiinta Xisbiga Waddani ay u soo gudbiyeen qoraal ku saabsan soo dhaweynta Guddomiyahooda iyo cidda ay doonaayan in loo sii daayo.

“Halkan waxaan ku hayaa Xisbiga Waddani Cod si uu soo qortay oo ku saabsan Guddomiyahoodii oo Imanaya Arbacada, marka waxay soo gudbiyeen Masuuliyiinta Xisbiga ee Imanaysa Tiradooda iyo Waliba Xildhibaanada Golaha ee Imanaya maadaama oo uu guddomiyihii Golaha wakiilada u yahay,” ayuu yidhi Maamulaha Madaarka Caalamiga ah ee Hargeysa.

SOMALILANDPOST.NET

Conctact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories