HomeMaamulka Kililka 5aad oo lagu eedeeyey inuu Dhaawacay Xidhiidhkii Ganacsi ee u...

Maamulka Kililka 5aad oo lagu eedeeyey inuu Dhaawacay Xidhiidhkii Ganacsi ee u dhexeeyay Somaliland & Itoobiya iyo Ganacsada Qaadka oo Hanjabay

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Shirkadaha ka ganacada Qaadka Somaliland looga soo waarido dalka Itoobiya, ayaa ku hanjabay inay joojinayaan Jaadka ay ka soo iibsadaan Beeralayda dalkaas, isla markaana ay u wareegi-doonaan waddanka Kenya, haddii la joojin waayo Tacaddiyo ay sheegeen inay kala kulmaan madaxda gobolka ismaamulka Soomaalida Itoobiya.

FARUURWaddanka Itoobiya, ayaa sannad kasta dhaqaale gaadhaya 480 Milyan oo Dollar ka hela Qaadka looga dhoofiyo waddamada Dibadda, waxaanu kaalinta labaad kaga jiraa Dakhliga Miisaaniyadda dawladda Itoobiya uga soo xerooda badeecadaha ay dhoofiyaan, waxaana ka horreeya oo kaliya Bunka oo ah badeecadda ugu dakhli badan ee Itoobiya dibadda u dhoofiso.

Afhayeenka Shirkadaha Qaadka u soo waarida Somaliland, Xasan Faarax Weerar (Xasan farruur) ayaa Dawladda Dhexe ee Itoobiya ugu baaqay inay soo faro-geliso isla markaana ay wax ka qabato tacaddiyo ay ka tirsanayaan maamulka Kililka Shanaan ee Itoobiya oo ganacsatada ka horjoogsaday inay deegaannada Ismaamulkaas geeyaan Jaadka, isla markaana ay beddelkooda keeneen ganacsto kale oo lagu wareejiyey Suuqyadii ganacsigooda.

Afhayeenka Ganacsada Jaadka oo shir-jaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa, waxa uu sheegay inay mar kale wefti u dirayaan dawladda Ethiopia ka hor inta aanay qaadan go’aankooda, ka dib markii sida uu sheegay ay Wasiirka Maaliyadda dawladda Federaalka Itoobiya ay hore ugu war-geliyeen tabashadooda iyo dhibaatooyinka haysta, balse ballan-qaad ka dib ay wax jawaab ah oo cabashadooda wax lagaga qabto ka waayeen, taasina ay sababtay inay maanta ka hadlaan.

“Shirkan Jaraa’id waxaanu u qabanaynaa in aanu soo bandhigno Dad Ganacsato ah oo Xuquuqdii ay ku lahaayeen Ismaamulka Somalida Itoobiya waayey, marka Sannadkan aanu ku jirno bishii Saddexaad Sagaalkeedii shirkadihii Jaadka Gaynayey Kililka Shanaad ee Itoobiya dhammaantood waa la joojiyey, waxa la keenay dad kale oo la yidhi waa Qurbajoog oo Jaadkii la siiyey.

Dastuurka Itoobiya ee Ganacsigu waxa uu dhigayaa in Ganacsigu xor yahay oo la Tartamayo Nooca uu doono ganacsigu ha ahaadee, sidaasi awgeed waxay yidhaahdeen Toban Cisho Qaata shirkadihii Qaadka gayn jiray Kilalka Shanaad dadkii kelana Labbaatan baanu siinay, runtii taasi arrin fool xun ayey nagu noqotay dhibweynbay-na nagu keentay iyo khasaare Faro badan,” ayuu yidhi Afhayeenku.

Xasan waxa Maamulka Kililka 5aad ku eedeeyey inay jabiyeen isla markaana ka hor yimaaddeen qodob ka mid ah Dastuurka Dawladda Federaalka Itoobiya, waxaanu yidhi, “Waxay arrintii soo socotaba xalay (habeen hore) Kowdii Habeenimo ayaa Qaadkii yimid loo kala dirayey Kilalka Shanaad iyo Qayb LC ah oo Somaliland loo Soo dirayey, dabadeedo qaadkii dib baa loo celiyey oo waxa la lumiyey xuquuqdii muwaadinkii ka ganacsanayey dhulka Kililka shanaad oo waxa lagu celiyey qaadkii Kililka Afraad ee Oromiya. Markaa Kililka Shanaad waxa uu jabiyey Dastuurkii Dalka Itoobiya ee Ganacsiga Muwaadinka Illaalinayey, waxaana arrintaasi ka danbeeya Maamulka Ismaamulka Somalida Itoobiya.”

Xasan waxa uu sheegay in tallaabadani dhaawac u geysatay Xidhiidhkii ganacsi ee ka dhexeeyey Somaliland iyo Itoobiya, isla markaana ay ganacsato ahaan ka fekerayaan inay gebi ahaanba joojiyaan xidhiidhkooda ganacsi ee Itoobiya una wareegayaan dalka Kenya.

“Marka waxaanu baaq u diraynaa Xukuumada Dhexe ee Itoobiya oo aanu leenahay Jigjiga waxa lagu Gubay qaadkii Cashuurnaa ee haystay liisanka Ganacsiga (LC) kaasi oo leh Sharciyadii dalka Itoobiya oo dhan lagu isticmaalayey, xalayna Qaadka la gubay LC buu ahaa, sidaasi awgeed Ganacsigii ka dhaxeeyey Somaliland iyo Itoobiya waxa uu qarka u saaran yahay in uu joogsado oo Qaadki aanu ka keenaynay Dalka itoobiya aanu u wareejino Dalka Kaniya oo jaadka dalkaasi ka dalbano,” Sidaas ayuu yidhi Afhayeenka Ganacsada Qaadka laga soo waarido dalka Itoobiya.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories