HomeMaamulka Khaatumo Oo Sheegtay In ay Ka Dambeeyeen Maxaabiistii Xabsiga Laascaanood Ka...

Maamulka Khaatumo Oo Sheegtay In ay Ka Dambeeyeen Maxaabiistii Xabsiga Laascaanood Ka Baxsaday

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

 

Laascaanood(SLpost)-Maamulka Khaatumo ayaa markii ugu horraysay ka hadlay maxaabiis ka baxsatay xabsiga magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool bishii lasoo dhaafay, kuwaasoo la sheegay inay Buuhoodle u baxsadeen.

Madaxwayne ku xigeenka maamulka Khaatumo, Cabdalle Maxamuud Haybe ayaa sheegay in maamulkiisu uu ka dambeeyay baxsashada maxaabista oo uu ku tilmaamay kuwo si sharci-darro ku xidhnaa, sidoo kalena tilmaamay inay iska kaashadeen baxsashada maxaabiistan qaar ka mid ah saraakiisha xabsigaas xukuma.

Sidoo kale, Madaxwayne ku xigeenka maamulka Khaatumo ayaa intaas ku daray inay iska kaashadeen howshan dhallinyaro is xilqaantay oo ku sugan Laascaanood iyo xubno ka tirsan maamulka Khaatumo; taasoo ay ku guulaysteen. Wuxuuna ku daray hadalkiisa inay xabadeeyeen xabsiga taasoo ahayd mid lagu jahwareerinayay ciidanka Somaliland xiligaas maxaabiistani baxsanayeen.

Dhanka kale, Cismaan Maxamed Guuleed oo ah sarkaal ka tirsan ciidamada Somaliland ee saldhigga magaalada Laascaanood ayaa xusay inuu ka qayb qaatay fakinta maxaabistan oo qaarkood uu sheegay in si sharci darro ah ay ugu xirnaayeen xabsiga.

Guddoomiyaha baarlamaanka Khaatumo oo ku sugnaa kulankaan lagu soo bandhigayay maxaabistii ka fakatay xabsiga Laascaanood ayaa tilmaamay inay maamulkiisu ku guda-jiraan sidii ay u soo furan lahaayeen maxaabiis kale oo ku xidhan magaalooyin dhawr ah kuwaasoo shacabkooda ka mid ah.

Ugu dambeyn, dhawaan ayay ahayd markii 35 maxbuus oo dambiyo kala duwan ugu xirnaa xabsiga Laascaanood ay ka baxsadeen xili ay is-rasaasani socotay; waxaana ku geeriyooday iska-horimaadkaas mid ka mid ahaa maxaabistii halka uu mid kalana ku dhaawacmay.

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories