HomeMaamulka iyo Ciyaaryahanada Xulka Gobolka Maroodi Jeex Ayaa Ku Hanjabay In Aannay...

Maamulka iyo Ciyaaryahanada Xulka Gobolka Maroodi Jeex Ayaa Ku Hanjabay In Aannay Hadhin Ee ay Iyagu Badiyeen

Date:

Related stories

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

 

Hargeysa(SLpost)-Xulka gobolka maroodi Jeex ayaa cod dheer ku sheegay in aannay koobka ka hadhin, islamarkaana aan laga badin ee ay iyagu ka badiyeen xulka gobolka Awdal. Waxa kale oo ay sheegeen in cadaalad daro cad lagu sameeyey, aynna soo baxeen oo ay ciyaarayaan wareegga sideed-dhammaadka ee Hargeysa ka bilaabmi doona.

Isuduwaha ciyaaraha ee gobolka Maroodijeex ayaa sheegay in gobolka Awdal lagu saaray sifo aan sharci ahayn oo baal marsan nidaamkeenna iyo caalamkaba. Isaga oo ka hadlaya hawshaasna waxa uu yidhi “Waxaynu arkaynay in uu calan waduhu soo cararay oo uu awoodii garsooraha dhexe ugu yimid oo uu isagu u tilmaamay rikoodhe, kumaynaan arag khaladka noocaas. Waxa aannu aamminsanahay in Xulka gobolka Maroodi Jeex ay leeyihiin 6 dhibcood oo aannay hadhin, oo cadaalad daro lagaga qaaday. Haddii aannu nahay maamulka ciyaaraha ee gobolka maroodi jeex ma yeelayno, waxaanaanu cadaynaynaa in aannay waxba ka jirin waxaa saxaafadda laga sheegay”

“Iyaga oo cabsi dareemayey ayey xidhiidhka ciyaaruhu soo saareen go’aan kala laba ah, mar waxa ay sheegeen in ay hal iyo hal ciyaartu ku dhammaatay, waxana aynnu ognahay in aan wax rikoodhe ah la laadan. Cod dheer baannu ku sheegaynaa ciyaartoyga Gobolka Maroodi jeex in aannay hadhin oo la doonayo in af lagu reebo. Waxaanna aannu wasaaradda iyo xidhiidhka ciyaarahaba ka codsanaynaa in ay wax sharciya nagu sheegaan oo na qanciyaan” ayuu yidhi Isuduwaha gobolka Maroodijeex.

Tababaraha xulka gobolka Maroodijeex Maxamed Maxamuud Dhiridaba oo isagu shirkan jaraa’id ka hadlay ayaa sheegay in aan gobolna gobolka kale dhibcihiisa looga qaadi Karin, guusha Awdalna ku sheegay sharci daro.

Tababare Diridhabe isaga oo ka hadlaya waxa uu yidhi “Xulka gobolka Maroodijeex waxa lagu sameeyey cadaalad darro weyn oo aan aduunka lagu arag, taasoo nagaga timid xidhiidhkii, dadweynihii, ciyaaryahanadii iyo askartiiba naga yimid. Waxa aynnu la wada soconay intii uu yidhi badhasaabka Awdal intii aannay ciyaaruhu bilaabmin ma qaban karayo gobolka Awdale naga daaya, isaga oo garanayey in aannu gobolkiisu ammaan ahayn”.

“Ciyaartayadii ka hor ayaabay magaalada kusii jirtay in dadweynaha reer Awdal oo dhani noo dhaaranayaan annaga. Taasi waannu u dhabar adaygnay lkn markii ay sidaa ciyaartu u bilaabantay ayaa la nagu bilaabay handadaad iyo shiid, ciyaarta inteedii hore oodhan annaga ayaa ka gacan saraynay intii dambe ee rikoodhaha khaladka loo dhigayna waa raaligalin lagu sasabayo gobol khaakhuul ka taagan yahay” ayuu yidhi Tababare Diridhaba

Ciyaaryahan Guji ayaa isaguna sheegay in khaladka laga lahaa, kuna dhaartay in uu gacanta ku horeeyay calanwadaha oo ku dhuftay calankii uu hayey kabtanka xulka Maroodi jeex. Waxa uu xusay in ay u hogaansameen dhammaan shuruucdii wasaaraddu fartay oodhan ee anshax iyo asluubba lahaa, laakiin aannay wasaaradda iyo gobolka Awdalba tixgelin siinin.

Ugu dambayn Xildhibaan Cagayare oo halkaa ka hadlay ayaa isaguna sheegay in ay barabogaando ahayd in ay dagaalameen ciyaaryahanada xulka gobolka Maroodijeex laakiin iyaga lala dagaalamay. Waxa kale oo uu xildhibaanku sheegay in kubaddii la is lahaa qabyaaladdu ha ku baaba’do ay iyadii ku sii abuurmayso imika.

Ciyaaryahanada, tababaraha, isuduwaha iyo xildhibaankuba waxa ay cod dheer ku sheegeen in aannu xulka gobolka maroodijeex hadhin oo ay soo baxeen  kana safanayaan oo ay ciyaarayaan ciyaaraha garoonka Hargeysa Stadium ka bilaabmi doona.

 

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories