HomeMaamulka gobolka Togdheer iyo Degmada Burco oo Hanjabaad iyo Digniin is-xambaarsan u...

Maamulka gobolka Togdheer iyo Degmada Burco oo Hanjabaad iyo Digniin is-xambaarsan u jeediyey urur-siyaasadeedyada ku fashilmay inay soo baxaan

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Maamulka gobolka Togdheer iyo kan degmada Burco ayaa ururrada siyaasadda ee dhawaan ku hadhay qiimaynta guddiga diiwaangelinta uga digay  inaanay ku dhaqaaqin tallaabo wax u dhimi karta Nabadgalyada Guud ee Qaranka.

blankBadhasaabka Gobolka Togdheer oo isaga oo ay weheliyaan ku xigeenkiisa iyo Maayarka Magaalada Burco oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada ayaa si cad u qaadacay inaan loo ogolaan doonin ururadii is diiwaangeliyay balse ku hadhay inay u gudbaan marxalada ka qayb galka tartanka doorashada golayaasha deegaanka ay abaabulaan banaan baxyo aanay wax sharci ah u haysan.

Duqa Magaalada Burco Maxamud Axmed Xasan “Dhego laab” ayaa iftiimiyay inay soo baxayaan warar sheegaya in qaar ka mid ah ururada siyaasada ee hadhay isla markaana carabka ku dhuftay Ururada Gurmad iyo Udhis ay doonayaan mudaharaad ay ka abaabulaan magaalada Burco,isagoo intaas ku daray inaan la ogolaan doonin isu soo bax aan wax ruqsad ama ogolaansho loo haysan.

Maayarka Magaalada Burco waxa uu u soo jeediyay ururadii lagu dhawaaqay inay ku hadheen ka qayb galka doorashada golayaasha deegaamada inay wixii tabasho ah ee ay tirsanayaan ay kala xidhiidhaan dhinaca caasimada dalka ee hargaysa .

Badhasaabka Gobolka Togdheer Cabdoo Axmed Aayir ayaa sheegay inay maamul ahaan mas’uuliyadi ka saaran tahay wax kastoo taabanaya Xasiloonoda Gobolka waxaanu daboolka ka qaaday inay talaabo sharci ah ka qaadi doonaan cid kastoo ku hadhay sida uu sheegay marxaladii ay ugu gudbi lahaayeen ka qayb galka doorashada Golayaasha deegaanka.

Gudoomiyaha Gobolka Togdheer waxa uu xusay inay maamul ahaan ka hortagi doonaan ururada damacsan inay sameeyaan banaan bax sharciga khilaafsan isla markaana ka hor imanaya maslaxada iyo nabad galyada guud ee qaranka waxa uu Gudoomiyuhu ku booriyay bulshada ku nool magaalada Burco inay dhegaha ka furaystaan dhawaaqyada ka soo hor jeeda degenaanshaha Gobolka ee  uga imanaya sida uu sheegay Siyaasiyiin gaadhi kari waayay halkii ay higsanayeen.

SLpost News

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories