HomeMaamulka Gobolka Maroodijeex Oo ka Dareen-celiyey Qaabka Shacabka ay Shacbigu isugu soo...

Maamulka Gobolka Maroodijeex Oo ka Dareen-celiyey Qaabka Shacabka ay Shacbigu isugu soo baxeen Xuska Maalinta Qaranimada Somaliland

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa(SLpost)- Maamulka Gobolka Maroodi-jeex ee Caasimadda Hargeysa ka mid tahay, ayaa muujiyey dareenkooda ku aaddan qaabka ay shacabka Somaliland, gaar ahaan kuwa Hargeysa, isugu soo baxeen xuska munaasibadda 22aad ee maalinta Qaranimada Somaliland.

Xoghayaha fulinta Gobolka Maroodijeex Md. Xamse Ciise Cabdi ayaa ku bogaadiyey guud ahaan shacabka reer Somaliland meelkasta oo ay joogaan, gaar ahaana shacbi-weynaha Gobolka Maroodi-jeex sidii qiimaha iyo maamuska weynayd ee ay ugu dabaal-dageen Xuska sanad-guurada 22aad ee ka soo wareegtey markii Somaliland xornimada dib ula soo noqotey 18 May, iyo sidii nabadgelyada ahayd ee ay ku soo gebogabowday.

Sidaa waxa uu Xoghaye Xamse ku sheegay qoraal kooban oo uu maanta soo saarey,isaga oo dhameystirana waxa uu u dhignaa sidan.

Waxa kale oo uu qoraalkiisan Xoghayuhu ku soo bandhigay kaalintii wax-qabad ee Gobolku ka qaatey xuska maalinta qaranimada Somaliland ee 18-May.

Xohaye Xamse Ciise waxa uu ku bogaadiyey shacabka reer Somaliland sidii weynayd ee ay cuddudooda ugu muujiyeen maalinta madax-banaanida Somaliland ee 18 May, waxaanu yidhi “Waxaan ku bogaadinayaa shacabka reer Somaliland meelkasta oo ay joogaan sidii muwaadininimada iyo waddaniyada lahayd ee ay ugu dabaal-dageen xuska maalinta qaranimada Somaliland 18 May oo ahayd 22-guuradii ka soo wareegtey markii ay Somaliland xorriyada dib ula soo noqotey., si gaar ah waxa aan hambalyo ugu dirayaa: Cuqaasha Gobolka Maroodijeex, oo kaalin mugleh kaa qaatay, dabaal degga xuskan, Ururada Bulshada rayidka ah Saxaafadda Madaxa bannaan iyo ta dawladda, Ganacsatada iyo guud ahaan ciidamada oo si firfircoon oo oo xilkasnimo leh u sugay amaanka. Shacabka reer Somaliland guddo iyo dibadba waxay sanadkan u xuseen 18 may sidii hore  si ka duwan oo cod dheer ayey bulshada caalamka wada-gaadhsiiyeen,iyaga oo mideysan, isla markaana ku dabaal-dagaya astaanka qaranka Somaliland oo ah calanka Somaliland ee sadexda midab leh oo ay dadka qaar dhamaantiiba ku la-bisteen, halka qaarka ay jeeniqaar u xidheen, baabuurtii oo lagu buufiyey calankii Somaliland, Koofiyado calankii Somaliland ah, dhamaan dadka shucuurtooda waxaad ka dheehanaysay farxad iyo niyadsami,iyaga oo midba midka kale ku salaamayey ‘Ciid Muraabig” “Macal-ciideyn”, waxa kale oo garab socotey heesaha waddaniga ah ee ay dadku dhageysanayeen oo dhamaan mobile-da lagu sitey. Xuskan sanadkan looma kala hadhin xukuumad, shicib yar iyo weyn, ciroole iyo caruur-ba , waxaan ILAAHAY uga baryayaa qaranka Somaliland inuu sanadkan sanadkiisa ku gaadhsiiyo Ictiraaf iyo horumar lagu badhaadho.

xuska 18may

Haddii aanu nahay xukuumadda Somaliland ee uu hogaaminayo Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxay muujisay kalsoonidii shacabka iyo weliba hankii iyo himiladii ay shacabku u igmadeen xukuumada,taas ay maanta qaadayna midhihiisa waad aragtaan, waa in xukuumada taageerada sahacabku sidan oo kale muujiyaan, taasina keenaysa horumarka iyo hiigsiga aynu hiigsanayno. 22-sanadood ee ay Somaliland jirteyna maanta ayuunbey  halkii la doonayey gaadhay, inta inoo hadhsana waxaynu kaga gudbi karnaa isku-duubni, iskaashi iyo wada-shaqeyn  xukuumada la isla garab-taago oo inoo horseedi doonta dhabaha”

Gobolka Maroodijeex ayaa shalay wacdaro ka muujiyey dabaal-dega xuska sanad-guuradii 22aad ee ka soo wareegtey dabaal-dega maalinta qaranimada Somaliland.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories