HomeMaamulka Gobolka Gabiley oo Faafaahiyey Khasaaraha Dab Xooggan oo Galaaftay Meherado iyo...

Maamulka Gobolka Gabiley oo Faafaahiyey Khasaaraha Dab Xooggan oo Galaaftay Meherado iyo Guryo badan iyo Go’aan ay isla qaateen Ganacsatada Magaalada

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Gabiley (SLpost)- Guddoomiyaha Gobolka Gabiley Mustafe Cabdi Ciise (Shiine), ayaa nasiib-darro ku tilmaamay bannaan-bax maanta ka dhacay magaalada Wajaale, kaas oo ay sameeyeen dadweyne ka gadooday Dab xooggan oo khasaare badan u geystay mehero ganacsi iyo guryo dad danyar ahi leeyihiin, kaas oo shacabka magaaladaasi gacmaha ula tageen xakamayntiisa, ka dib markii la waaweyn dab-demis iyo wax lagu bakhtiiyo.

mustafe-shiineDabkan oo inta la ogyahay galaaftay inta ka badan 20 isugu jira meherado ganacsi iyo guryo, ayaa hawl-galka bakhtiintiisu socotay 9-kii Subaxnimo oo uu bilaabmay ilaa 12-kii Duhurnimo oo dadweynuhu demintiisa u adeegsanayeen Biyo iyo Ciid ay gacmaha ku gurayeen, waxaanay markii dambe ee demintiisu dhammaatay ay dareenkooda ku muujiyeen bannaan-bax salmi ah oo ay dhaliilo ugu jeediyeen Xukuumadda iyo maamulka degmada Wajaale oo ku fashilmay inay u gurmadaan magaalada gubanaysa.

Badhasaabka Gobolka Gabiley, waxa uu bannaan-baxa dadweynaha ku tilmaamay inay ka dambeeyeen shakhsiyaad aanu magac-dhabin balse uu sheegay inay dahooda gaar ahaaneed uga faa’idaysanayaan, waxa kale oo uu ku dooday in ujeeddada mudaharaadku ahaa mid qabyaaladaysan oo maayarka kursiga lagaga riixanayey.

Mr Shiina oo ugu horeyn faahfaahin ka bixiyey khasaaraha dabkaas ka dhashay, waxa uu yidhi, “Meheradaha gubtay waxay ahaayeen cooshado yar yar oo ilaa dhawr iyo toban ah ayuu dab qabsaday, oo dhinaca bari ee magaaladda Wajaale ku yaalay, alaabtiina waa laga gurtay oo wax hanta ahi kuma guban, cid wax ku noqotayna ma jirin, magaaladu malaha dab-damis, dadka shacabka ah ayaa la tacaalay, markii dambena Gabiley ayaanu ka dirnay dab-damiskii dawladda hoose, laakiin nasiib darradu waxay tahay qaar reer Wajaale ah oo ku kacsan maayarka ayaa bannaan- bax ku abaabulay oo kala hor yimid baabuurkii dab-damiska ahaa, oo soo celiyay dab-demiskii, anaguna booliska ayaanu u dirnay si aanu u joojino dadka mudaharaadka kala hor yimid dab-damiska iyadoo uu dabkii socdo.”

Isaga oo hadalkiisa sii watay, waxa uu intaas ku daray oo yidhi, “Qofna dhibaato ma gaadhin, meheradihiina badankoodii albaabta waa laga guray, waxa gubtay maaha bakhaaro ama dhismeyaal daar ah ee waxay ahaayeen cooshado, waxaa ku jiray qaar jiingado ahi, makhaayado, meelo qaad lagu iibin jiray ayay ahaayeen, laakiin qalab ku dhex gubtay ma jirin, dadka mudaharaaday meelo way shiideen sida saldhiga booliska iyo gaadhiga dab-damiska ah laakiin cidi waxba kuma noqon, Wajaale dab-damis ma yaallo oo waa run oo dalka ayay kala mid tahay.”

Badhasaabku waxa kale oo uu sheegay inay ganacsatada Wajaale isla qaateen in ay soo iibsadaan dab-damis, waxaanu yidhi, “Ganacsatada magaaladu iyadaa sideeda ganacsato u ah waxay ahayd inay inta ay wax isku darsadaan in ay dab-damis iibsadaan, haddii aanay dalwadda hoose ku filayn inay dab-damis u iibiso, waxay ahayd in iyagii is-abaabulaan oo ay dab-damis iibsadaan.”

Isaga oo hadalkiis sii watay, waxa uu intaas ku daray, “Markii aan anigu magaalada soo gaadhayna ganacsatada waanu ka wada hadalnay arrintaasi gaadhi bilays iyo dab-damis inay iibsan doonaan ayaanay balan qaadeen, magaaladana lacagtii dalka oo dhan ayaa taalla haddii aanay ganacsatadii iyagu isku quudhaynin wixii dantooda ahaa inay cid canaantaan maaha, anagu intii aanu qaban karaynay waanu qabanay dabkana Illaahay baa keenay,” Sidaas ayuu yidhi Badhasaabka Gobolka Gabiley oo u warramay warbaahinta dawladda.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories