HomeMaamulka gobolka Awdal oo soo bandhigay Tirada Tahriibayaal Ciidamada ammaanku Gacanta ku...

Maamulka gobolka Awdal oo soo bandhigay Tirada Tahriibayaal Ciidamada ammaanku Gacanta ku dhigeen iyo Deegaanada ay ka Soo Jeedaan

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Badhasaabka Gobolka Awdal iyo Taliyaha Laanta socdaalka ee Gobolkaas, ayaa ka hadlay baaxadda aafada tahriibtu ku hayso dhalinyarada Dalka iyo Marinnada dalka gudihiisa ee tahriibayaashu kaga baxaan dalka, kuwaas oo muddooyinkii u dambeeyey saamayntooda si xooggan looga dareemay gobolka Awdal.

Labadan Masuul oo maanta shir-jaraa’id ku qabtay xarunta maamulka gobolka Awdal ee magaalada Boorame,  waxa kale oo ay shaaca ka qaadeen tirada dhalinyaro ka soo kala jeedda gobollada kala duwan ee Somaliland oo ay ku qab-qabteen xuduudka gobolka Awdal la wadaago is-maamulka Somalida Itoobiya oo muddooyinkan dambe marin u noqday tahriibayaasha.

Guddoomiyaha Gobalka Awdal Cabdoo Axmed Aayar waxa uu ka hadlay dhibaatada tahriibtu ku hayso iyo sida ay saamaynteedu ugu baahday dhammaan dhalinyarada gobollada kala duwan ee dalka, waxaanu yidhi,  “Tahriibayaasha waxa u badan Carruurta ka soo tahriibaysa Laascaanood, Burco, Berbera, Hargeysa, Gabiley iyo Boorama oo intuba waxa ay soo dhex-maraan jidka iskaga gudbaya Goraya-Cawl iyo Awbarre.”

aayar“Aafo qaran  (Tahriibta) ayay ka noqotay dalkeena waayo da’yarteenii, ayaa ku dhimanaysa Saxaraha iyo badaha. Gobolkani waxa uu ahaa waqtiyadii hore mid ka yar Gobolada dhinaca tahriibka, maxaa yeelay da’yartu waxa ay ahaayeen kuwo ku baratami jiray aqoonta laakiin da’yartii markii ay jaamacaddihii dhamaysteen ka dibna aanay shaqo galin, waxa ay keentay inay sidaas tahriibka u bilabeen,” auu yidhi Md Cabdoo Axmed Aayar.

Taliyaha Laansta socdaalka ee Gobalka Awdal Maxamed Cilmi Sal-sal oo isaguna halkaas ka hadlay ayaa soo bandhigay Dhalinyarada ay gacanta ku soo dhigeen ee tahriibaysay, waxaanu yidhi,  “Waxaanu soo qabanay dhalinyaro tiradoodu gaadhayso 412 wiil, gabdhuhuna waxa gaadhayeen 35 hablood, kuwaas oo doonaayey inay Tahriibaan. Markaa waxaanu leenahay dhalinyarada waa inay dhulkooda ku samraan oo ay aaminaan.”

Waxa muddooyinkii u dambeeyey hoos u dhacay tirada dhalinyarada qarsoodiga kaga baxaysa dalka, ka dib markii xukuumadda Somaliland iyo dalalka Jaarka ee ay Marinka ka sii dhigtaan (Ethiopia) wada-shaqayn buuxda ka yeesheen xakamaynta dhalinyarada tahriibaysa, isla markaana la xoojiyey xuduudaha labada dal iyo marinnada ay ka tahriibaan dhalinyaradu.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories