HomeMaamulka Galmudug Iyo Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya Oo Xal Ka Gaadhay Colaad...

Maamulka Galmudug Iyo Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya Oo Xal Ka Gaadhay Colaad Ka Dhacday Deegaanka Dac-dheer

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Hargeysa  (Slpost) Magaalada Jig-jiga ee caasimadda Dowlad-deegaanka Soomaalida-Itoobiya, ayaa waxaa maanta lagu saxeexay heshiis laga gaadhay Colaadihii ka dhacday deegaanka Daac-dheer oo ku yaalla Xadka ay labada waddan ee Soomaaliya iyo Itoobiya.

 

 

Guuleed-iyo-Iley

 

 

 

 

 

 

 

 

Heshiiskan saxiixiisa ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Madaxwaynaha DDS Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar iyo Madaxweynaha Maamulka Maamulka Gal-mudug ee Soomaaliya Cabdikariin Xuseen Guuleed.

 

 

 

Qodobbada lagu heshiiyay ayaa waxaa ka mid ah sidii colaada lagu soo afjari lahaa iyo in la saaro guddi labada dhinac ah oo ka shaqeeya Ammaanka deegaannada ku yaalla Xadka Somalia iyo Itoobiya.

 

 

“Waxaa wadahadalladii aan u imid magaalada Jigjiga ee DDS dalka Itoobiya, kasoo baxay qodobbo aad muhiim u ah oo ay ka mid ahaayeen; Inaanay qulqulatadii ka dhacday xadka Soomaaliya iyo Itoobiya aanay mar kale soo laaban. In Dadka ku nool Xadka labada dal la walaaleeyo. Inaan Iskaashi ka yeellano innaga Galmudug ah iyo DDS Itoobiya arrimaha xuduudaha iyo wax walba oo amni-darro keeni kara,” ayuu yidhi Madaxweynaha Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed oo la hadlay BBC-da.

 

 

 

Madaxweyne  Guuleed ayaa  sidoo kale in qodobbada lagu heshiiyay inay wax-tar u noqon doonaan colaadaha soo laalabtay ee ka dhaca deegaannada xadka ku dhaw, isgaoo sheegay in wixii hadda ka dambeeya ay ku daaali doonaan sidii nabadda ay u xoojin lahaayeen.

 

 

 

Mar la weydiiyay su’aal ah; in deegaannada ay colaaduhu ka dhacaan in dhanka Galmudug ay ku yaallaan iyo inay dhanka Itoobiya xigaan, ayuu ku Jawaabay. “Waxay u badan yihiin dhinaca Itoobiya, laakiin wax dhibaato ah hadda ma jiraan, waxaana ku dadaali doonnaa in aanay mar kale dhibaatadu soo laaban.”

 

 

 

Ugu dambayntii Cabdikariin Guuleed oo la weydiiyay, marka lsaga soo tago heshiiskaan  aad saxiideen, waxaa jira dad ay dhibaato kasoo gaartay colaadahaan Dhinicii ay doonaanba ha kasoo jeedaanne, marka maxaad dadkaas la hortagaysaan, ayuu kaga jawaabay.

 

 

 

 

“Waxaan la hor-tagaynaa inaan nabad u soo qaadnay, inaysan dhibaatada hadda soo gaaray mid ka weyn aysan soo gaarin. Marka labaad waxaan u soo qaadnay in deegaannadoodii ay si nabad ah ku deggenaadaan, dadkii colaaddu saameyeen ee deegaannadii ka barakacayna ay dib ugu soo laabtaan, dib u walaaloobaan, dib u heshiiyaan, dhibaato dambena aysan ka dhex-dhicin, iyadoo Arrintaan ay kawada shaqeyn doonaan guddi gaar ah oo labada dhinac ka socda.”

 

 

 

Somalilandpost.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories