HomeMaamulka Egal International Airport oo tafaasiil ka bixiyey Saamaynta Jewiga Cimilladu ku...

Maamulka Egal International Airport oo tafaasiil ka bixiyey Saamaynta Jewiga Cimilladu ku Keenay Qaybo ka mid ah Duullimaadyada Diyaaradaha

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

maamulaha madaarka HargeysaHargeysa (SLpost)- Maamulaha Madaarka Diyaaradaha Egal International Airport ee magaalada Hargeysa Maxamed Yuusuf Ismail, ayaa faahfaahin ka bixiyey saamaynta Jewiga Cimillada ee Roobbani ku yeesheen Duullimaadyada diyaaradaha ee Madaarka.

Maamulaha Madaarka Diyaaradaha ee Hargeysa oo shalay war-saxaafadeed kaga hadlay arrintan, ayaa sheegay in jewiga roobbanaanta ee ka jirta hawada Dalka, gaar ahaan caasimadda Hargeysa, ay sababtay inay hakad galaan duullimaadyadii maalinlaha ahaa ee madaarka, isla markaana ay shirkadaha diyaaradaha ee madaarka Isticmaalaa ay duullimadyada u leexiyeen garoomada diyaaradaha ee qaar ka mid ah waddamada deriska ah.

Md Maxamed Yuusuf waxa uu War-saxaafadeedkiisa ku xusay inay jiri karaan xaalado sababi kara hakad ku yimaadda duullimaadyada ilaa maalinta Sabtida ee bilowga todobaadka dambe.

War-saxaafadeedkaas, ayaa u qornaa sidan: “Sidaad la wada socotaan waxa dalkeena saamaysay dabaysha  ( Cyclone), taasi oo keentay in roobab aan kala joogsi lahayni ka da’aan gobolada somaliland badankooda oo ay caasimada Hargeysana ka mid tahay.

Taasi waxay sababtay in shalay oo salaasa ahayd kuna beegnayd 12/11/13  in daruuro  waa weyn oo aragtida xadidaya (over cast) isku gadaamaan hawada caasimada isla markaana aragtida (Visibilty) ay ka hoos marto 1000 M.

Taasi oo keentay in afar duulimaad ay hakad galaan kuwaas oo  kala ah sidan:- .

1: African express oo ka dagtay berbera airport

2: Jubba Airways  oo ka dagtay djbouti

3: Ethiopian Airlines  oo ka dagtay diridhaba

4: UNHAS   oo ku noqotay nairobi

 Kadib markii Ay ku dagi kari waayeen madaarka Caasimada, sababo la xidhiidha arargtida oo aan  fiicnayn ( low vision), madaarka  oo ku yaala joog sare (4462 Feet above sea level ) iyo ceer yaamo saa’id ah oo dhulka ku jiiftay.

Duulimaadyadaasi waxay u kala wareegeen madarada aanu kor ku xusanay  oo iyaga roobabkani aanay saamayn ku yeelan, Iyo Madaarka caalamiga ah ee Berbera oo ku yaala joog hoose (Sea level)isla markaana aan ceeryaamo lahayn oo  xaga aragtida fog( visibility) ka fiicanyahay  madaarka Caasimada ( Egal international Airport).

Arintaasina waa mid dabiici ah oo dunida oo dhan ka jirta in duulimaadyada hakad ku yimaado sababo la xidhiidha cimilada oo xumaata awgeed taas oo ay kadhacaan isda wadamada reer galbeedka ee dhaqaalaha horu maray sida Egaland, France, iyo Marakanka-ba.

Sideedaba  xaladaasi waa xaalad iska dabiiciya waana Awood Ilaahay, waana arin ay ku tala galaan diyaaraduhu sidoodaba iyagoo sita shidaalkooda  Mana aha arin ku saabsan dhabada diyaaraduhu ka haadaan tayadadeeda,  sida warbaahinta qaar aan beenta ka xishoon ay baahiyeen.

Dhabada diyaaraduhu ka haaadaan ee Madaarka Caasimadu waa mid loo dhisay qaabkii ugu casrisanaa, mana aha mid looga baqayo roob kasta oo yimaada.

Maanta cimilada madaarka caasimadu way fiican tahay, iyada oo nooca daruuraha  dul hoganayaa ay yihiin qaar furfuran afka qaladna loogu yaqaano  ( Broken clouds) aragtiduna ama (Visibility) waxa ay ka badantahay 10 km More than 10,000 M).

Sidaas darteed  saakaba si caadi ah ayay u yimaadeen dhamaan duulimaadyadii madaarka caasimada iman jiray, iyo kuwii shalay baaqdayba.

Iyada oo shirkad walba ay maanta samaysay laba duulimaad oo kala ah kii maanta jadwalka ugu jiray, iyo kii shalay baaqday.

Tusaale ahaan diyarada Ethopian Airline oo kaso kiciintintay saaka  diridhaba faleydkeedi shalay, kii maantuna direct Addis to Hargeisa ayuu ahaa.

Gabagabadi anagoo ka duuleyna jawiga saadasha hawada waxaanu dadweynaha ku wargelineynaa in ay dhici karto arintano kale ilaa iyo sabtida EEBBE inaguma keene.

Alla Mahad Leh

MOHOMED YOUSUF ISMAIL

MAAMULHA MADARKA EGAL INTERNATIONAL AIRPORT

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories