HomeMaamulka Dugsiyada Noradin Oo war ka soo saaray Dhacdadii maanta

Maamulka Dugsiyada Noradin Oo war ka soo saaray Dhacdadii maanta

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Xaqiiqo ku saabsan dhacdadii koobnayd ee ka dhacday maanta Dugsiga Sare ee Hablaha ee Noradin

Waxa maanta oo ah maalin Arbaca ah taariikhduna ay tahay 06/10/2021, Dugsiga sare ee Hablaha ee Noradin fasal gudihii isku laayay laba hablood oo ka mid ah ardayda Dugsiga dhigata. Labada hablood ee islaayay mid ka mid ah ayaa waxa ay soo qaatay (Defence Spray) magaceeda layidhaahdo (PFEFFER KO JET). Haddii aan sharax kooban ka bixiyo Spray gan, waxa loo isticmaalaa aduunka difaaca shakhsiga ah sida marka uu qofku iska difaacayo tuug soo weerartay iyo wixii dhibaataynaaya, waxyaabaha ay ka samaysan tahay waxa ka mid ah BASBAAS DABIICI AH oo dadka ka ilmaysiiya, qufac iyo hindhisona keena.

blank

Labadii hablood markii ay dagaalameen isna gaadhsiiyeen xagtimo wajiga ah ka dib ayay mid ka mid ah lasoo baxday Spray ga la buufiyo oo aan kor ku soo sharaxnay, kuna buufisay fasalka dhexdiisii iyadoo ula jeeday ardayada ay is laayeen in ay ku buufiso, ka dib waxa ay u dhiibtay Spray gii ardayad kale, ardayadii kale ayaa mar labaad Spray- gii buufisay, waxa uu saameeyay ardaydii fasalka ku jirtay, iyadoo islamarkaas arday kooban oo fasalka ah ay ku sababtay in ay neef qabatoobaan.

Markii ay xaaladaasi dhacday waxa maamulka iyo macalimiintu waxa ay ku dadaaleen in ay maareeyaan xaalada ardayda lasoo gudboonaatay. Waxaan la xidhiidhnay waalidiintii ardaydaas neef qabatoobay si ay noogu yimaadaan, qaar ka mid ah ardaydiina waxaanu u qaadnay dhaktarka wayn si degdeg loogu daweeyo. Sidoo kale waxaanu la xidhiidhnay taliyaha saldhiga booliska ee Ibraahim Kood buur, taliyaha iyo xaajiyad boolis ah oo uu wato ayaa deg-deg noosoo gaadhay, halkaas oo ay kula wareegeen labadii hablood ee dagaalamay iyo ardayadii lagu qabtay Spray gii la buufiyay. Waxa xusid mudan in aan habsami u socodkii waxbarsho ee dugsiga aan wax hakad ahi ku iman oo ay sidoodii usii socdeen.

Waxaa sidoo kale dhakhtarka ku booqday ardaydii dhibtu gaadhay Wasiirka Wasaarada Waxbarashada iyo xubno agaasimayaal ah oo ka tirsan wasaarada.
Waxa gacanta ku haya kiiskii laanta amniga ee booliska oo samayn doonaa baadhitaan buuxa oo ku saabsan sida ay wax u dheceen. Waxa aan ilaahay uga mahad celinaynaa In ay wayeeladu koobantahay, ardaydii ay dhibta soo gaadhay intooda badan ay aad u fiican yihiin marka laga reebo laba arday oo dhaktarka ku jira oo iyagana xaaladoodu fiicantahay.

Haddaba war ka la qoray ee sheegaya in ay macalimiinta iyo maamulku sun ku buufiyeen ay ku kala kaxaynayaan waa war aan sal iyo raad toona lahayn ahna been abuur cad. Waxa aanu waalidiinta, ardayda iyo dhamaan bahda waxbarashada u sheegaynaa in dhacdadu ahayn arintaas fudud ee aan kor kagasoo waranay.

Waxa aynu ogsoonahay in laba arday oo dugsi ku dagaalamaa ay tahay arin caam ah oo marwalba ka dhacda dugsiyada xalkeeduna fududyahay oo aanay u qalmin wax la buunbuuniyo oo laga dhex raadiyo arimo aan munaasib ahayn.

Xafiiska Maamulka Dugsiga Sare ee Hablaha ee Noradin

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories