HomeMaamulka Dekedda Berbera oo Beeniyey warbixin lagu dhaliiley hawl-qabadka iyo Maamulka Dekedda

Maamulka Dekedda Berbera oo Beeniyey warbixin lagu dhaliiley hawl-qabadka iyo Maamulka Dekedda

Date:

Related stories

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Berbera (SLpost)- Maamulka Dekedda Berbera, ayaa beeniyey warbixin lagu dhaliilay nidaamka iyo hawl-qabadka adeegyada Dekedda taas oo lagu baahiyey warbaahinta dalka qaarkood.

Warsaxaafadeed ay wada-jir ugu saxeexan yihiin Xisaabiyaha sare ee Dekedda Cismaan Axmed Cali iyo Xisaabiyaha Dekedda Cabdirisaaq Cali Xuseen, ayaa lagu dedafeeyey dhaliisha lagu soo bandhigay warbixintaas, iyaga oo ka hadlay wax-qabadyada maamulka iyo horumarka dekeddu ku tallaabsatay.

Warsaxaafadeedkaas ayaa u dhignaa sidan: “Anagoo ah maamulka Xisaabaadka Dekedda,waxa fajiciso iyo layaab nagu noqotay in Wargeys aanu aad ula hanweynayn oo aanu runtii aad u xushmayn jirnay uu iska qorqoro warbixin ku dhisan been iyo mala’awaal aan sal iyo raad toona lahayn, iyadoo waliba uu ku weeraro dhamaan hay’adaha dawlada kuwa qaabilsan adeega iyo dakhliga mid dhexe iyo mid degmo ama gobolba, isla markaana aanu habayaraatee waxba ka weydiin jiritaanka warbixintan hay’adihii ay ka hadlaysay, madaama asluubka saxaafadeed yahay inay warkasta oo ay hesho wax ka weydiiso cida uu saamaynta ku leeyahay, hadii kale warkaas uu ka baxayo dhexdhexaadnimadii saaxafada lagu yiqiinay, sidaa awgeed si deg-deg ah. waxaanu cadayn buuxda uga fadhinaa maamulka wargeyskan qoray warbixintan beenta ku dhisan.

Xisaabiyaha Dekedda BerberaHadaan u gunda dego nuxurka qormadayadan, waxaanu si adag halkan ugu beeninaynaa warbixin been abuura oo aan sal iyo raad toona lahayn oo uu qoray Wargeyska Saxafi shalay oo jimca ah bishuna tahay March 15, 2013, taas oo uu ka been abuurtay dhaqaaqa badeecadaha ka soo dega iyo kuwa dhoofaba dekedda iyo sidoo kale dhaqaaq maaliyadeed ee xafiisyada qasnada iyo xisaabaadka.

Hadaba, waxaanu la socodsiinaynaa cidii warkaa beenta ahi uu gaadhay in aanay waxba ka jirin habayaraatee warbixintaa uu qoray inanka Berbera u joogaa Wargeyskaa Saaxafi ee wargeyskuna daabacay shalay.

 hadaan ku horeeyo dhaqaaqa xafiisyada xisaabaadka iyo qasnada ee aan anigu maamulo, waxaan cadaynayaa in aanay jirin cid kharash nagu leh oo dekedda culays ku haysaa amaba aan helin kharash ka soo galay xafiiska xisaabaadka, waxaana hab dhaqan u ah in qof walba la siiyo wixiisa marka uu soo cashuurto qaan sheegtiisa, iyadoo isla markaa process-keedu dhamaystirmo, xafiiska xisaabaadkuna degdeg u bixiyo. sidoo kale shaqaalaha faraha badan ee dekedda ka shaqeeyaana si joogto ah ayay u helaan mushaharkooda iyo guna biloodkooda, cid wax ku lihi ama kharash ka yaalaana ma jirto xafiiska xisaabaadka.

Waxa marag ma doonta u ah in aanay jirin arimahaa wargeysku daabacay qodobadan soo socda:

 In aanay dakhli la’aani ka jirin account-nada dekedda waxa markhaati u ah, dekeddu waxay wadaa mashaariic horumarineed oo si xawli ku socda dekedda gudaheeda iyo qaar ka baxsan oo samafaleedba sida ;

1- DHISMAYAASHA

a) dhismaha balaadhinta barxada dekedda oo si xawliya ku socota.

b) dhismaha masaajidka weyn ee dekedda dhexdeeda ee fooqa ah.

c)  Dhismaha iyo dayactirka masaajidkii turkigii dhisay .

Sidoo kale, waxay dekeddu faraha ka qaaday dhamaystirkooda dabayaaqaddii sanadkii 2012 iyo horaantii sanadkan bishii January dhismaha wado weyn oo halbowle u ah isku xidhka afaafyada dekeda laga soo galo, iyo dhismayaal laga sameeyay oo xadhiga laga jaray.

2-QALABKA IYO GAADIIDKA

1- Waxa iyana aan indhaha laga qarsan karin in ay dekeddu soo gadatay lana soo degtay qalab casriya oo isugu jira qalabka culus ee wax lagu dejiya iyo kuwa yar yar ee fududeeya nidaaminta badeecadaha.

2- waxa kale oo ay dekeddu iminka la soo degtay dabdamis casriya oo kuwa iminka dunida laga isticmaalo oo baahi weyn loo qabay, kuna biiraysa dabdamisyadii hore u jiray.

3- Waxa kale oo ay dekeddu soo kordhisay labadii bilood ee u danbeeyay gaadiid ay ugu talo gashay shaqaalaha in ay qaadaan.

4- Waxa kale oo ay iminka dekeddu gacanta ku haysaa  keenida TAAG weyn oo casriya oo ay markii hore World Bank ku balan qaaday laakiin aad moodo in ay ka cago jiidayaan iminka iyo qalab kale oo kuwa wax dejiya ah oo hore dekedda ugu qorshaysnaa keenidoodu.

5) Waxa dayactir iyo qalabeyn xoogan lagu soo meeyay dhamaan xafiisyada dekedda.

3-KEYDKA MAALIYADEED

Waxa xusid mudan in account-ka horumarinta dekedda ay iminka ay ugu jirto lacag farabadan oo ay ugu talo gashay mashaariicda horumarineed ee dekeda iyo in loogu soo gado wixii qalab ka dhiman, waxaanay miisaaniyadeeda 30% ugu talo gashay horumarinta iyo qalabaynta dekedda .

Taas oo markaanu iminka eegnay xisaabaad ahaan dakhli xisaabeedkayagii ku talagalka miisaaniyadayada aanay jirin wax iska kaaya dhimay.

Waxan filayaa mashaariicdaa kor ku xusan iyo qaar kale oo aanan halkan ka xusin,  oo ka mid tahay qaar lagu horumarinayo shaqaalaha dekedda ay cadaymo cad u yihiin in aanay waxba ka jirin warbixintaas wargeysku qoray. maamulka dekeduna uga fadhiyo in ay soo cadeeyaan warkaas halka ay keeneen iyo caydayntiisa waxan ay ku sheegeen warbixintooda qodob qodob wixii beenana ka daayaan warbixinahooda ay qorayaan.

4- DHAQAAQA BADEECADAHA DEKEDDA SOO MARTA

Waxa ah waxaan cidina dafiri karin ah in aanay bilina bil la dhaqaaq ahayn dhinaca socodka badeecadaha, bilaha January iyo february ay yihiin kuwa ugu dakhliga yar sanadkasta, taasina waxaanu mar walba ognahay oo aanu ku xisaabtano sida ka muuqata statistics soo jireenka ah ee 20 sanadood ee u danbeeyay u rikoodh garaysnaa. taasina aanay ahayn wax nagu cusub. Waxaananu ku faraxsanahay in aanay jirin wax iska kaaya dhimay habayaraatee dakhligii aanu filanay in ay noo soo xaroodaan sadex biloodkan aynu iminka ku jirno dabayaaqadiisii iyadoo waliba bishii January ka badnayd sidii aanu filanay.”

Somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories