HomeMaamulka cusub Caasimada Hargeysa ma guulaysan doonaan inay Dab-demisyo u sameeyaan khatarta...

Maamulka cusub Caasimada Hargeysa ma guulaysan doonaan inay Dab-demisyo u sameeyaan khatarta Meheradaha & Guryaha ku gubta Magaalada

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Ascww,

damdamisyaal Hargeysa1Waxaa markasta dhacda in masiibo dab ahi ka kacdo ama ay ku habsato guud ahaanba S/land gaar ahaan caasimada hargeysa , ka ddib uu dab qabsado meherado iyo guryo dad deganyihiin oo nooc kasta ka sameysan, iyadoo aanay jirin wax gurmad ah oo dabkaasi markasta lagu dembinayo, hase yeeshee dabka kasta oo yimaada ayaa iskiis u dama , halkaasi oo ay ku bas beelaan dhammaanba meheradaha iyo guryaha halkaasi ku yaala iyo alaabooyinkii ku jiraaba.

Hadaba waxaan u sheegayaa golaha degaanka hargeysa siiba duqa iminka caasimada md yusuf xasan siciid  inaysan hargeysi weli helin wax gurmad ah oo lagu daminayo dabkasta oo kaca , taasina waxa ay keentaa in dabku u sii gudbo meheradaha iyo guryaha kale,isla markaana uu khasaare badani ka dhasho.

Dhinaca kale dadka degan magaalada hargeysa ayaa si aad ah ula yaaba, waxaa magaalada intaa leeg ee maalin kasta cashuurta laga qaado , loogu keeni waayey ilaayo 10xabo oo damdamis ah , madaama magaalada caasimada ah dadka degan lagu sheego qiyaas ahaan tiro ku socota 2milyan oo qof , sidaa daradeed ay dadku wanaagsan yihiin halka markasta dabku ka kacayo iyo waliba dadka ruuxooda ku aaminay magaalada intaa leeg ee aan wax dab bakhtiiye ah lahayn , waxayna dadka sida weyn ula socdaan isbedelka ka dhacay Somaliland sadexdii sano ee u dambeysay ay sheegeen in gurmad la’aantii weli lagu jiro , xukuumada kulmiye aanay waxqabkeeda iyo miisaaniyadeed ugu jirin arintaasi ka hortgeeda leh.

Hadaba golaha degaanka ee cusub waxay la socdaan in magaalada Hargeisa oo maalinba-maalinta ka dambaysa sii ballaadhanaysa ayaan lahayn wax dab-demis ah oo ka qayb-gala gurmadka haddiiba Gubasho dhacdo, marka laga reebo hal baabuur oo ay leedahay Shirkadda Dahabshiil, taas oo ay dadweynuhu walaac ka muujiyaan.

Waxaana la sugayaa inay arintaa Duqa cusub Md, Eng, yusuf Xasan Siciid uu qorshiisa ugu horeeya ku darsado, sidii arintaas uu xal ugu heli lahaa, magaalada ku kordhinlahaa baabuur tiro badan oo xaafadaha magaalada diyaar ku ahaada , marka loo baahdo in dab ka kaco caasimadaa intaa leeg , oo muga dadkaasi ku noolyihiin oo cashuurta ay dadka ka qaadayaan , muhiima kowaad siyaan in cashuurta lagu qaado , dadku xaq u leeyihiin in loogu gurmado , magaalada hargeysana yeelo ilaayo 12xabo damdamisyo ah si ay run u noqoto, dhaartii ay dhaarteen ,umadduna way ka sugaysaa.

 -Allaa mahadleh-

By, Daahir Caraale

Hargeysa , S/land

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories