HomeMaamulihii Kastamka Berbera oo Shil Baabuur Ku Geeriyooday iyo Madaxweynaha oo Tacsi...

Maamulihii Kastamka Berbera oo Shil Baabuur Ku Geeriyooday iyo Madaxweynaha oo Tacsi u diraya

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Hargeysa  (SLpost)- Alle ha u naxariistee waxa maanta shil-baabuur oo ka dhacay deeganka Jiifto ee Jidka u dhaxeeya Hargeysa iyo Berbera ku geeriyooday Agaasimihii Kastamka Berbera isla markaana ahaa isu-duwihii wasaaradda Maaliyadda ee gobolka Saaxil Marxuum Cali Axmed Bul-bul, ka dib markii Gaadhigiisii oo uu isagu watay kula qalibmay jidkaasi.

blankAlle ha u naxariistee waxa ay maqaadiirtu asiibtay Marxuumka isaga oo maanta ka ambo-baxay magaaladda Hargeysa si uu u shaqo tago xafiiskiisa magaaladda Berbera oo uu shalay ka yimi si uu maalinta Jimcaha ah (maanta) ula joogo qoyskiisa. Isla maantaba waxa maydkiisa la keenay magaaladda Hargeysa oo berri lagu aasi doono. Ma jirto cid kale oo wax ku noqotay Shilkan waxaana la sheegay in Marxuum Cali Bul-bul oo kaliyi uu saarnaa baabuurkiisa oo ahaa Surf.

Dhinaca kale, Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa  dhambaal tacsi ah u diray qoyskii, qaraabadii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Marxuum- Cali Axmed Bul-bul oo ku geeriyooday Shil baabuur. Madaxweynuhu wuxuu ILAAHAY uga baryay marxuumka inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, qoyskii qaraabadii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka geeriyoodayna samir iyo iimaan ka siiyo. Dhambaalka tacsi ah ee madaxweynuhu u diray qoyskii Marxuum- Cali Axmed Bul-bul wuxuu u dhignaa sidan:-
“Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu tacsi Tiiraanyo leh u dirayaa Guud ahaan Shacbiga Somaliland, Qoyska Reer Bulbul, Eheladii, Qaraabadii, iyo Asxaabtii uu ka baxay ALLE ha u naxariistee Maamulihii Kastamka Berbera, MARXUUM CALI AXMED BULBUL, oo ku geeriyooday (01.06.2012) Shil Baabuur oo ka dhacay Wadada u dhaxaysa Hargeysa iyo Berbera gaar ahaan Meel u dhaw Kantaroolka Berbera Abaaro 4:00 PM (Galabnimo).

Madaxweynuhu waxa ILLAAHAY uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo MARXUUM CALI AXMED BULBUL, waxa uu ka mid ahaa dadka fara ku tiriska ah ee dhinaca dhaqaalaha ku xeel dheer ee u dhashay Dalka Qiimo weyna ugu fadhiyey bulshada iyo Qaranka Somaliland, waxaanan illaahay ka baryayaa inuu dhamaanteenba Samir iyo iimaan inaga siiyo.

Marxuumka wuxuu ahaa masuuliyiinta ugu aaminsan saraakiisha wasaaradda maaliyadda waxaanu xilkan hayay labadii sanadood ee la soo dhaafay, waxaana xilkan u magacaabay Wasiirkii hore ee Maaliyadda Md. Maxamed Xaashi Cilmi.

SLpost News/Hargeysa

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories