HomeMaamulaha Shirkadda Dahabshiil oo Khudbad Qiime leh ka jeediyey Shir Qaramada Midoobay...

Maamulaha Shirkadda Dahabshiil oo Khudbad Qiime leh ka jeediyey Shir Qaramada Midoobay iyo Saxaafadda Somaliland uga qabsoomay magaalada Haregysa

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Hargeysa, 07 March, 2012 (SLpost)- Maamulaha Guud ee shirkadaha Dahabshiil Cabdirashiid Maxamed Siciid Ducaale ayaa maanta khudbad qiimo badan oo dhinacyo badan tabanaysay ka jeediyey shir lagaga Hadlayey Wax-qabadka Hay’adaha Qaramada midoobay iyo doorka Saxaafadda Somaliland  oo maanta ka qabsoomay magaalada Hargeysa.

Maamulaha Dahabshiil waxa uu khudbaddiisa kaga hadlay dhawr arrimood oo kala duwan oo ay ka mid yihiin kaalinta waxqabadka hay’adaha Qaramada Midoobay ee Somaliland isaga oo xusay in waxqabadka UN-ka ee Somaliland uu muuqdo isla markaana ay wax badan ka fuliyeen gudaha Somaliland, “anigu ma jecli inaan ka hadlo arrimaha siyaasadda balse waxaan ka hadlayaa dhinacyada mashaariicda ee UN ku ka qabteen Somaliland sanadihii ina dhaafay,” ayuu yidhi Cabdirashiid Maxamed Siciid Ducaale.

blankMr Ducaale waxa uu tusaale usoo qaatay sida ay mayshaariicda Qaramada Midoobay uga muuqdaan taakulada qaybaha kala duwan ee bulshada gaar ahaan adeegyada  bulshada sida Caafimaadka, waxbarashada, biyaha, waddooyinka iyo kuwo kale waxaanu sheegay inay ku faraxsan yihiin ka shirkad ahaan shaqada fiican ee ay UN ku ka qabteen Somaliland isaga oo ka hadlayana waxa uu yidhi, “Aad baan ugu faraxsanahay mashaariicda wanaagsan ee ay UN ku ka qabteen Somaliland sida annaguba aanu ka Dahabshiil ahaan ula shaqayno bulshada Somaliland.”

Waxa kale uu Mr. Ducaale ka hadlay qodobbo khuseeya warbaahinta Somaliland sida waxybaaha ay qoraan ama ay baahiyaan isaga oo uu sheegay inuu aad ula socodo wararkooda isla markaana uu kala garanayo meelaha ay dhaliilaha ku leeyihiin iyo meelaha ay ammaanta ku leeyihiin, “anigu waxaan aad ula socdaa waxyaabaha aad qortaan ama aad baahinaysaan waayo  maalin kastaba waxaan akhriyaa dhamaan jaraa’iddada iyo Website-yada aad wax ku qortaan,” ayuu yidhi Maamulaha Dahabshiil.

Cabdirashiid waxa uu sheegay dhaliilaha warbaahinta Somaliland iyo wararkooda inay ka mid tahay iyada oo  inta badan ay suxufiyiinta ka hawlgala warbaahinta qaybaheeda kala duwani ku degdegaan baahinta wararka qaarkood oo u baahan in baadhitaan lagu sameeyo xaqiiqadooda iyo meesha ay ka soo baxeen saxnimadeeda ka hor inta aan la baahin wararkaasi. Waxaanu ku booriyey suxufiyiinta inay isu dheeli tiraan wararka ay qorayaan.

blankWaxa uu sidoo kale ka hadlaya baahiyaha ay qabaan iyo duruufaha qallafsan ee ay ku shaqeeyaan warbaahinta Somaliland isaga oo tilmaamay inay fiicnaan lahayd inay QM ka caawiyaan Suxufiyiinta Somaliland  inay ka qaybgalaan shirarka caalamiga ah ee ka dhacaya waddamada kale ee caalamka kale si ay uga soo korodhsadaan waayo aragnimo dheeraad ah shirarkaasi, “Qaramada midoobay waxaan u soo jeedinayaa inay caawiyaan Saxaafadda Somaliland isla markaana waxaan soo jeedin lahaa inay  ku martiqaadaan shirarka caalamiga ah si ay uga soo korodhsadaan waayo aragnimo iyo khibarad dheeraad ah” ayuu yidhi.

Dhanka kalan maareeyaha Shiradda Dahabshiil groups waxa uu sheegay in ay fiicnaan lahayd in wariya yaasha waddamada kale ka shaqeeya la keeno Somaliland si ay iyaguna khibrad taa la mida uga qaataan Somaliland iyo warbaahinteeda isla  markaana xog ogaal ugu noqdaan duruufaha qallafsan ee ay ku shaqeeyaan suxufiyiinta Somaliland, isaga oo arrintan ka hadlaya waxa uu yidhi, “UN-ka waxaan odhan lahaa wariyaasha caalamiga ah ee ka hawlgala waddamada kale waa inaad keentaan Somaliland si ay kuwa Somaliland isu dhaafsadaan waayo aragnimada iyo siyaabaha ay ku shaqeeyaan.”

Markii uu maamulaha Dahabshiil erayadaasi ku dhawaaqay waxaa madasha markaliya is qabsaday sacabka iyo dhoollo cadaynta ka soo qaybgalayaashii shirkaasi gaar ahaan suxufiyiinta Somaliland oo u arkayey khudbadda uu jeediyey maamulaha Dahabshiil inay ahayd mid iyaga si gaar ah ugu hiilinaysay.

Ugu dambeytiina maamulaha Dahashiil groups Cabdirashiid Ducaale waxa uu sheegay Saxaafadda Somaliland inay sabab u tahay horumarka ballaadhan ee ay ku tallaabsatay waxaanu sheegay inay ka shirkad ahaan qaybaha  kala duwan ee warbaahinta Somaliland oo dhan uu ka dhexeeyo xidhiidh wanaagsan iyo wadashaqayn buuxda.

SOMALILANDPOST.NET

webmaster@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories