HomeMaamulaha Guud ee Shirkadaha Dahabshiil oo sheegay in Shirkadda Dahabshiil la jaanqaaday...

Maamulaha Guud ee Shirkadaha Dahabshiil oo sheegay in Shirkadda Dahabshiil la jaanqaaday isbedellada uu keenayo ka bixitaanka Yurub ee Ingiriisku.

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Maamulaha Guud ee shirkadaha Dahabshiil Group Cabdirashiid Maxamed Siciid (Dahabshiil) ayaa ka faallooday xidhiidhka ganacsiga ee Ingiriiska iyo Maraykanka oo madaxweyne Donald Trump sheegay in kor loo qaadayo iyo arrinta ka bixitaanka Britain ee midawga Yurub.

blankMadaxweynaha Maraykanka oo maalmihii la soo dhaafay safar ku joogay dalka Ingiriiska ayaa sheegay in waddanka Ingiriiska ay u fiican tahay in uu ka sii mid ahaado Midawga Yurub, sidoo kalena la dardar gelinayo xidhiidhka ganacsi ee Maraykanka iyo Ingiriiska.

Cabdirashiid Dahabshiil oo laanta Af Soomaaliga ee BBC-du faahfaahin dheeraad ah ka waydiisay hadalka Madaxweynaha Maraykanka ayaa sheegay in Ingiriiska ay u fiicnayd ka mid ahaanshaha Yurub marka laga eegayo dhanka furfurnaanta ganacsiga laakiin, la ixtiraamayo go’aanka bulshada Ingiriiska.

Cabdirashiid oo sharaxaad ka bixinaya waxyaabaha uu ku qotomo heshiiska lagu dardar gelinayo ganacsiga Maraykanka iyo Ingiriisku waxa uu yidhi “ Madaxweynaha Maraykanka iyo Ra’isal wasaaraha Ingiriiska labaduba waxay wateen ganacsato badan oo dalka Maraykanka ka yimid iyo kuwo dalka Ingiriiskaba ka yimid oo waxa lagu shiray xafiiska Ra’isal wasaaraha. Waxa laga hadlayay sidii dhaqaalaha iyo isku xidhka Ingiriiska iyo Maraykanku u sii balaadhan lahaa ee shirkadaha ganacsiga ee gaarka loo leeyahay sida Dahabshiil oo kale iyo kuwo kaleba uga qayb qaadan lahaayeen horumarkaa soo kordhay,” Waxaanu intaasi raaciyay in ay Maraykanka iyo Ingiriisku yihiin bahwadaagta ugu weyn ee dhanka ganacsiga oo dadka Ingiriisku maalgashi badan Maraykanka gashadaan taa bedelkeedana dadka Maraykanku maalgashadaan Ingiriiska.

Geesta kale Madaxweyne Trump oo sheegay in Ingiriiska ay u fiican tahay ka sii mid ahaanshaha Midawga Yurub ayaa hadalkiisa wax laga waydiiyay Cabdirashiid Dahabshiil waxaanu yidhi “Runtii ganacsigu isu furfurnaansho ayuu ku fiican yahay, in meel walba shirkaduhu ka shaqeeyaan bay ku haboon tahay, in ay waddan walba shaqo ka abuuraan bay ku haboon tahay laakiin, mar walba waxay ku xidhan tahay dadka codaynaya, sida aad la socotaan dadka Ingiriisku waxay u codeeyeen in ay ka baxaan Yurub, siyaasiyiinta iyo ganacsatada Waddankan Ingiriiskana waa lagu kala qaybsan yahay dood badan baa ka socota qaar badan waxay leeyihiin ha lagu ixtiraamo dadku wixii ay doorteen waxaanay u badan tahay in waddanka Ingiriisku bisha October ka bixi doono Midawga Yurub, waxyaabaha ay Maraykan ula hadlayaana waxa ka mid ah ganacsi furfuran oo Ingiriisku la yeesho Maraykanka, Yurub, Afrika taas oo fursad muhiim ah u dhalinaysa ganacsatada Soomaaliyeed ee Adduunka oo dhan joogta iyo dadka shaqo abuurka leh, Dahabshiil haddii aanu nahayna waanu ku faraxsan nahay fursadahaas maaddaama aanu Yurub ka shaqayno, UK iyo Maraykan ka shaqayno.”

Cabdirashiid waxa uu sheegay in durba Dahabshiil la jaanqaaday isbedellada uu keenayo ka bixitaanka Yurub ee Ingiriisku, islamarkaana aanay wax saamayn ah ku yeelanayn maalgashiga ay Yurub ka waddo iyo u adeegga macaamiisha “ Kuwa Yurub jooga iyo Ingiriiska jooga ee imikaba adeegga wax saamayn ah kuma qaadanayso waayo waanu ka sii taxadarnay wakhti badan baanu galinay waanan u aragnaa runtii in Waddan walba lacagtiisii caadi u diri doono,” ayuu yidhi Maareeyaha Dahabshiil Group cabdirashiid Dahabshiil.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories