HomeMaamulaha Guud ee Dahabshiil oo ka hadlay Ujeeddada laga leeyahay Muhiimadda ay...

Maamulaha Guud ee Dahabshiil oo ka hadlay Ujeeddada laga leeyahay Muhiimadda ay Bulshada Soomaaliyeed u leeyihiin Aqoonyahanno ay Shirkaddu soo saartay

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

London (SLpost)- Maamulaha Guud ee Shirkadaha Dahabshiil Group, Cabdirashiid, ayaa sharraxay sida ay shirkadoodu mar kasta u garab taagan tahay bulshada afka soomaaliga ku hadasha meel kasta oo ay joogaan, taas oo uu sheegay in ay mar kasta garab iyo gaashaan u yihiin sidii ay ugu adeegi lahaayeen.

dahabshiil intellectualsMr. Cabdirashiid Maxamed Siciid Dahabshiil, waxaa uu ka warramay natiijada barnaamij midha dhalay oo ay shirkadda Dahabshiil maalgalisay kaasi oo ku saabsanaa kulan uu la qaatay 27 aqoonyahan oo wax ka bartay barnaamij ay Dahabshiil gacan ka geysatay oo ku saabsanaa hoggaaminta [Leadership].

“Waxbartaha Soomaaliyeed ee dadkiisa kula noqonaya aqoontiisa waxa uu mudan yahay dhiirrigelin kasta oo ka kaalmaynaysa gaadhidda hadafkiisa waxbarasho – heer kasta oo ay tahayba,” sidaa waxa yidhi Cabdirashiid MS Ducaale, oo lagu waraysatay barnaamijka Martida Makarafoonka ee ka baxa laanta afsoomaaliga ee idaacadda codka maraykanka [VOA], sabtidii la soo dhaafay, kaasi oo uu kaga jawaabay su’aalo ku saabsan doorka ay shirkadda Dahabshiil ka qaadato horumarinta dhinaca cilmiga hoggaaminta bulshada, waxaanu hoosta ka xariiqay in ay u arkeen mid wax ka qaban kara mashaakilaadka waqtigan ku gedaaman bulshada.

“Cilmiga bulshada si toos ah ugu laabanaya ee mashaakillada maanta haysta abbaaraya waa mudan yahay in la garab istaago,” ayuu yidhi Cabdirashid.waxana uu intaa ku ladhay “Ardaydaas markii u horreysey ee aannu kulanno, waxa na mideeyey waxa ay ahayd hadafka waxbarasho ee ay sheegteen oo na soo jiitey. Cid ay yihiin iyo gobollo ay ka yimaaddeen midina muhim nooma ahayn oo ma aan xiiseyneyn – keli ah yoolkooda waxbarasho ee ay ii soo bandhigeen,” ayuu yidhi Cabdirashiid.

abdirashidWaxa uu Cabdirashiid sheegay in ardaydaas ballanka xilligaa dhex maray uu ahaa inay iyaguna oggolaanshaha Jaamacadaha doontaan oo culays saaraan sidii ay u aqbali lahaayeen (acceptance), shirkadduna uga taageeri lahayd dhammaystirka culuumta ay baranayeen ee saamaynta togan ku leh bulshada. Waxa uu Maamuluhu tibaaxay in ardaydaas, marka ay soo afjaraan aqoonta ay barteen, ay bulshada kula noqon doonaan waxtar saamayn hoggaamineed ku biiriya dhinacyada amniga dhaqaalaha, siyaasadda, IWM, bulshadaa aqoontoodu anfacaysaana aanay ahayn oo qudha tii dhulalka Soomaalida ee bulshada Soomaaliyeed ee, tusaale ahaan, Ingiriiska ku nool lafteedu u baahan tahay wax ka Kaaba ama la hatateeliya mashaakillada badan eek u haysta carrigan. “Halkan aynu joogno ee Ingiriiska laftiisa waxa jira dhallinyaro badan oo xidhan, kuwo dhibaatooyin ka haystaan dhinaca sharciyada, qaar kale oo luqadda ay isku dhibban yihiin. Dhallinyaradan wax aka mid ah qaar hore uga shaqaynayey ama hadda shaqo ka helay hay’ado dadka ka kaalmeeya dhibaatooyinka bulsho eek u taagan. Qaar badani waddankii ayay tageen oo aqoontoodii ay la wadaagaan,” ayuu yidhi. “Maanta qofkii aqoon leh, qofkii dedaala, qofkii karti leh ayaa wax badani u fududaanayaan, cid kalena wax tari kara,” ayuu tilmaamay Cabdirashiid. Waxana uu intaa ku daray “Dhallinyaradan wax baratay, waxa ay tusaale u noqon karaan kumanaan kale oo arkaya in qofkii wax bartaa aanu ku dhici Karin dhibaatooyinka in badan oo dhallinyarada ah hadda haysta, wax wanaagsanna ku soo kordhin karo bulshada uu ka dhashay ama ku dhaqan yahay. Waxa qofka dhallinyarada ahi is tusayaa aqoonta iyo waxbarashada walaalkaa ama walaashaa samaysay maxaad ugu dayan weydey, taas oo uu fahmayo in haddii aanu sidaa yeelin noloshu ciil iyo carcaraaf iyo jeel u horseedi doonto” ayuu yidhi Maamuluhu.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories