HomeMaamulaha Guud ee Dahabshiil Group oo ku Baaqay in la Barbar Istaago...

Maamulaha Guud ee Dahabshiil Group oo ku Baaqay in la Barbar Istaago Dhallinta leh Hanka iyo Hibada Ciyaareed

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost) – Mudane Cabdirashiid Maxamed Siciid, Maamulaha Guud ee Dahabashiil Group, ayaa ugu baaqay ganacsatada, hoggaamiyeyaasha bulshada iyo guud ahaan cid kasta oo gacan ka geysan karta, in la barbar istaago oo si kasta oo ku habboonba loo gacan qabta dhallinyarada Soomaaliyeed eel eh hanka iyo hibada tartammada ciyaaraha.

7(592)Maamulaha Guud oo Jimcihii ka qayb galay tartan orodka dheer ee Marathonka loo yaqaanno iyo mid kale oo 10 kiloomitir ah oo caalami ag oo lagu qabtay Hargeysa, ayna ka soo qayb galeen tiro door ah oo ajaanib ah, ayaa isagu muujiyey sida shirkadaha Dahabshiil Group, oo door weyn ku lahaa qabanqaabinta barnaamijkan iyo taageeradiisaba, ugu heellan yihiin, uguna faanayaan dhallinyaro leh awood iyo hiigsi caalami ah oo ciyaareed.

“Hargeysa oo aynu maanta joogno iyo dunida inteeda kale, gaar haan meel kasta oo ay dhallinyaro Soomaali ahi isugu timaaddo isboortiga (kubbada cagta, orodada iyo atleetikada kaleba), waxa muhim ah in lagu taageero oo la dhiirrigeliyo si ay guulo la taaban karo uga soo hooyaan xirfadahooda iyo hibooyinka ay leeyihiin ciyaaraha,” ayuu yidhi mudane Cabdirashiid, oo ka hadlayey munaasibadda tartannadii Jimcaha loogu qabtay orodyahannada Istaadiyamka weyn ee Hargeisa Sports Stadium.

13(314)Waxa uu bogaadiyey mudane Cabdirashiid cid kasta oo door muuqda oo aasaasi ku lahayd qabanqaabada, isku-durbaridka iyo hirgelinta tartannada ka qabsoomay Hargeysa ee caalamiga ah haddii ay ahaan lahayd Darlington Foundation, aasaasayaasha wareeagga tartan ee sannadlaha noqon doona ee Somaliland International Marathon Run (www.somalilandmarathon.com, Wasaaradda Ciyaaraha iyo Xidhiidhkeeda Ciyaaraha Fudud, ganacsatada oo Dahabshiil Group ka mid ahaa, iyo dhammaan mutadawiciinta suurtageliyey qabsoomidda tartankan oo isugu jira muwaadiniin iyo ajaanib.

Mudane Cabdirashiid, oo laf ahaantiisu ku lebisnaa iskujoog luwa ciyaaraha ah, waxa uu mid-mid u gacan qaadayey, ulana sheekaysaneyey dhallinyaradii soo buux dhaafisay garoonka ciyaaraha ee qaybta ka ahayd tartankii subaxnimada, isaga oo ka tarjumaya aragtida Dahabshiil ee dhiirrigelinta dhallinyarada iyo taageerada daryeelka bulshada. Shirakada Dahabshiil Group waxa ay door muuqda ka qaataan mashaariic kala duwan oo door lixaad leh ka qaata amuuraha caafimaadka, waxbarashada, biyaha, nabadgelyada, ciyaaraha, waddooyinka, iwm.

9(444)Tartankii Jimcaha ee 42 Kilometre waxa Kaalinta 1aad galay David Hallard (2:55:27), Kaalinta 2aad Guuleed Cabdullahi Maxamuud (3:01:45) iyo Kaalinta Saddexaad Robert Michalski (3:16:44).

Dhinaca 10ka kun ee mitir ama tobanka kiloomitir ee ragga waxa kaalinta kowaad ku guuleystey Siciid Farxaan Cumar 34’ 12”, Kaalinta labaad Xamse Haybe Adan 34’32” iyo kaalinta 3aad Maxamuud Ibraahim Muumin 34’ 33’.

11494Hablaha tartankan 10ka kun ee mitir ka qayb galay waxa kaalinta 1aad gashay Vicky Burford(, 2aadna Shaylene Tomarty iyo saddexaad oo ay qaadatay Fawziya Axmed Cumar.

Waxa abaalmirannada guddoonsiiyey guuleystayaasha, bogaadin iyo ammaana u jeediyey dhammaan ka-qaybgalayaasha iyo abaabulayaashaba Wasiirka Arrimaha mudane Maxamed Kaahin Axmed iyo Wasiirka Ciyaaraha iyo Dhallinyarada Boos Mire Maxamed.

Tartan orodada ama isboortiga guud ahaanba ah oo heer caalami ah waa markii u horreysey ee lagu qabto carro Soomaaliyeed intii ka dambeysey 1991.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories