HomeMaamulaha Guud ee Dahabshiil Group oo ka Xog-warramay Qodobada lagaga Hadlay Shir...

Maamulaha Guud ee Dahabshiil Group oo ka Xog-warramay Qodobada lagaga Hadlay Shir Caalami ah oo Jaamacadda Oxford ku Martiqaaday

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

London (SLpost)- Maamulaha Guud ee shirkadaha Dahabshiil Group Mr. Cabdirashiid Maxamed Siciid Ducaale, ayaa ka xog-warramay qodobada lagu falanqeeyey shir caalami ah oo Jaamacadda Oxford u qabatay in lagu ogaado heerka isticmaalka tiknoolajiga ee Soomaalida.

Shirkaas oo ay ka qaybgaleen aqoonyahan iyo khubaro caalamka iskaga timi, waxa khudbad ka jeediyey Maamulaha Guud ee shirkadaha Dahabshiil Mr. Cabdirashiid Maxamed Siciid oo kelidii laga martiqaaday shirkadaha Soomaalida, taas oo uu si ballaadhan ugu faahfaahiyey horumarka Soomaalidu ka gaadhay isticmaalka tiknoolajiga casriga ah oo qalabka ay adeegsadaan shirkadaha ay ka mid yihiin Dahabshiil ay kaga horreeyaan shirkado badan oo Afrika iyo meelo kale oo adduunka ka mid ah.

Mr. Cabdirashiid Maxamed Siciid oo waraysiyo kala duwan ay shirkan kala yeesheen Idaacadaha BBC iyo VOA-da oo luuqadaha Soomaaliga iyo Ingiriisigaba ku baxay, waxa uu ku sheegay inuu shirkaasi dadkii isugu yimi ugu sharraxay heerka uu gaadhay horumarka tiknoolajiyada Soomaalida iyo siyaabaha kala ee ay u isticmaalaan, isla markaana dadkii shirkaasi ka qaybgalay ay si weyn ula yaabeen horumarkaasi Soomaalidu gaadhay oo ay bogaadiyeen.

Abdirashid Duale, CEO Dahabshiil Group of Companies (600x400) “Shirkan oo hal maalin socday Jaamacadda Oxford oo ka mid ah jaamacadaha adduunka ugu waaweyn, ayaa markii ugu horreysay u qabanqaabisay in ay fahmaan tiknoolajiga ama qalabkan casriga ah iyo sida looga faa’iidaysto dhulka ay Soomaalidu degto, waxaanay noo ahayd sharaf in shirkadaha Dahabshiil iyo SOMTEL ay ku soo cusuunto oo aannu ka hadalno Soomaalidu halka ay maanta marayso.

Runtii caalamku inta badan lama socdaan Soomaalida halka ay tiknoolajiga ka gaadheen, laakiin warar xun ayuun baa inta laga maqlaa sida dagaallo, abaaro ama waxyaabo ka sii daran. Anigu waxaan shirka kaga warramay guud ahaan Soomaalidu sida ay tiknoolajiga u isticmaasho oo aan tusaalayaal ku bixiyey sawirro aannu ka soo qaadnay dad isticmaalaya tiknoolajiga gobollada Soomaalida meelo ka mid ah, waxaan ka muujiyey in Geeska Afrika ama waddamo badan oo Afrika ku yaal inay Soomaalidu ka horreeyaan marka laga hadlaayo tiknoolajiga iyo qalabka casriga ah, waxaan ka sheegay in meelaha qaar shirkadaha telefoonnada ee Dahabshiil, Somtel iyo kuwa kale ee Soomaaliduba ay ka horumarsan yihiin shirkado badan oo caalamka jira marka la eego qalabka casriga ah ee ay isticmaalayaan, waxa kale oo aan xusay in tamarta dabka laga dhaliyo iftiinka qorraxda dhulka Soomaalida meelo badan laga isticmaalo oo ay telefoonnadooda ku dabaystaan ama si kale uga faa’iidaystaan oo aannu caalamku ka war hayn, waxaan ka hadlay mashiinno iyo farsamooyin kaloo adduunka badankiisa aan lagu isticmaalin oo ay ka mid tahay dhuxusha laga isticmaalo dhulka Soomaalida oo haddana lagu sameeyo kofeegii u dambeeyey (Coffee) meelo badan. Waxa kale oo aannu sharraxnay qalabyada casriga ee shirkadda Dahabshiil gobol kasta oo Soomaalidu joogto kaga shaqayso,” ayuu yidhi Mr. Cabdirashiid Maxamed Siciid.

Maamulaha Guud ee Dahabshiil Group waxa uu sheegay in waqtigan magaalo walba oo Soomaalidu degto  laga helayo nooc ka mid ah qalabka isgaadhsiinta ee tiknoolajiga casriga ah, isla markaana Jaamacadda Oxford ku baaqday in la dhiirigeliyo horumarkaasi, waxaannu yidhi, “Internetka oo ka mid ah waxyaabaha qaybta ugu wayn ka qaata tiknoolajiga casriga ah oo iminka u muuqda mid sii xoogaysanaya, labaatan sanno ka hor dhulka Soomaalida adeegsigiisa iyo tiknoolajiga kale mabuu jirinba ayaa la odhan karaa, maantana magaalo iyo tuulo walba siday doontaba ha noqotee waxa yaal dhish si toos ah Internetka u soo jiidanaya, telefoon ama moobil, kuwaas oo ay gaadhsiiyeen shirkadahaa ay ka mid yihiin Dahabshiil iyo kuwa kale ee isgaadhsiinta Soomaalida.

Jaamacadda Oxford si weyn ayey horumarkaasi u soo dhawaysay oo ay ku sheegtay in meel lagu faani karo Soomaalidu maanta joogto,  runtiina shirkadaha Soomaaliya ka hirgeliyey tiknoolajigii u dambeeyey waxay dad badan ku ahayd war cusub oo ay maqleen, waxaannay jaamacaddu mar walba ku celcelinayeen in la dhiirigeliyo shirkadahan oo ay helaan fursado ay ku sii ballaadhiyaan.”

Waxa kale oo uu tilmaamay in shirka lagu soo hadal qaaday waxyaabaha ka khaldan isticmaalka tiknoolajiga, “Dad badan oo jaamacadda ka hadlayey waxay xaqiijiyeen inay jiraan adduunka dad badan oo tiknoolajiga siyaabo khaldan ama sidii loogu talogalay si ka duwan u isticmaala, laakiin marka la eego dhinaca wanaagsan tiknoolajiga casriga ahi qabanayso waxa runtii la muujiyey in Soomaalidu ka mid tahay waddamada sida xorriyada ah uga faa’iidaysda tiknoolajiga marka laga hadlayo adeegsiga xagga waxbarashada, caafimaadka, ganacsiga ama dhinaca nabaddaba. Waxyaabaha kale ee lagu soo hadal qaaday waxa ka mid ah in aanay shirkadaha isgaadhsiinta ee Soomaalidu isku xidhnayn oo aanay telefoonnada laba shirkadood wada hadli karayn,” ayuu hadalkiisa ku soo gunnaanaday Maamulaha Guud ee Shirkadaha Dahabshiil Group Mr. Cabdirashiid Maxamed Siciid.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories