HomeMaamulaha Dahabshiil Group oo Aqalka Cad iyo Hay’adda Maaliyadda Maraykanka kala Hadlay...

Maamulaha Dahabshiil Group oo Aqalka Cad iyo Hay’adda Maaliyadda Maraykanka kala Hadlay Xawilaadda Lacagaha

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Washington (SLpost)- Maamulaha guud ee shirkadaha Dahabshiil Group Cabdirashiid Maxamed Siciid, ayaa kala hadlay Aqalka Cad iyo waaxyaha kale ee ku shaqada leh arrimaha la xidhiidha lacagaha dadka Soomaalidu dibadaha ka diraan ee xawilaadaha.

Mr. Cabdirashiid oo kulamo kala duwan la yeeshay masuuliyiin ka tirsan Aqalka Cad, Waaxda maamusha lacagaha ee Maraykanka, xildhibaanno ka mid ah Golaha Wakiillada iyo weliba Bangiga Adduunka, waxay ka wadahadleen sidii meesha looga saari lahaa caqabadaha soo wajaha lacagaha qurba-joogta Soomaalidu u diraan eheladooda baahida wayn u qaba, isagoo u tilmaamay muhiimada lacagta la dirayaa ugu fadhido nolosha dad Soomaali ah oo fara badan oo ku tiirsan dhinac walba adeegyada aasaasiga ah sida maciishada, caafimaadka iyo waxbarashada.

Duale with White House“Waxa jira shirar badan oo ay wadeen World Bank iyo beesha caalamkuba oo ku saabsan lacagaha dadka Soomaalidu diraan (xawaaladaha). Anigu shakhsiyan dawladda Maraykanka waan la kulmay waaxyaha kala duwan ee xiiseeya lacagta loo diro Soomaalida sida waaxda maamusha Maaliyadda ama lacagaha ee Maraykanka (Treasury Department) iyo Aqalka Cad ee Maraykanka, waxaan u arkayey in dhammaantood ay aad u xiisanayaan arrintan oo ay raadinayaan in xal loo helo caqabadaha hadda jira. Runtiina shaqo badan ayaa loo baahan yahay si loo xaqiijiyo xal waara,” ayuu yidhi Mr. Cabdirshiid Maxamed Siciid oo shirarkaasi kadib waraysiyo kala duwan ay la yeesheen qaybaha luuqadaha Soomaaliga, Ingiriisiga iyo Sawaaxiliga ee idaacadda VOA.

Maamulaha guud ee Dahabshiil waxa uu sheegay in shirkaddiisu si buuxda oo caadi ah uga shaqayso dirista lacagaha Maraykanka, inkastoo culaysyo bangiyada dalkaasi saareen lacagaha Soomaalidu dirto ay saamayn ku yeesheen qaar ka mid ah shirkadaha xawilaadaha.

Duale with US officialsIsagoo arrintaa ka hadlayeyna waxa uu yidhi, “Sidaynu la socono weli Soomaalidu lacagta way ka diraan Maraykanka, inkastoo ay jiraan culaysyo guud. Markaa aad baan ugu faraxsanahay in dawladda Maraykanku xiisaynayso in Soomaalidu is caawiyaan oo aanay lacagtoodii istaagin oo ay si toos ah u socoto. Xayiraadda Maraykanka ee la maqlay waa mid xagga bangiyada ah ee maaha xagga sharciga, weli Dahabshiil wuu ka diraa lacagta Maraykanka oo caadi ayaa lacagta looga diraa xarumaha Dahabshiil ee gobollada Virginia, Ohio Columbus, Minnesota iyo kuwa kaleba Dahabshiil shaqadiisii Maraykanku way socotaa, shirkado kaloo Soomaali ah oo lacagta diraana way jiraan.”

Waxa kaloo uu ka hadlay tallaabada dawladda Kenya ku xidhay shirkadaha lacagaha dira iyo kuwa ganacsiga ee Soomaalida, waxaannu rajo ka muujiyey in baadhitaan kadib go’aankaasi ay ka noqon doonto Kenya.

Treasury depertment“Kenya waa nasiib-darro qaraxyadii iyo dhibaatadii ka dhacday Jaamacadda Gaarisa ee dadka masaakiinta ahi ku dhinteen in ganacsatadii Soomaalida oo dhan aan waxba loo kala reebin ilaa kuwii sharciga haystay, go’aankaasi Kenya qaadatay waa mid dad masaakiin masaariiftooda helayey ama shirkado ganacsi oo adduunka oo dhan ka shaqeeya in la yidhaa magaca Soomaaliyeed darteed liiska aynu raacinno iyadoo aan wax dami ah lagu helin, maxkamad la saarin, markaa taa dawladda Kenya waanu kala xidhiidhnay rajoweyna waanu ka qabnaa, waanan ku rajoweynahay marka dawladdu dib u eegto arrintaa in shirkadaha qaar laga saari doono liiska.”

“Dawladda Kenya shirkado Dahabshiil ka mid tahay liisan sharci ah oo ay ku shaqeeyaan ayey siiyeen, way baadhaan oo saddex bilood ka horba bangiga dhexe ee Kenya wuu baadhay Dahabshiil oo wuxuu yidhi waanu ku faraxsanahay shaqadiinna,” ayuu yidhi Maamulaha Dahabshiil Group Cabdirashiid Maxamed Siciid Ducaale.

Dahabshiil remittanceTallaabooyinkan u dambeeyey ee uu qaaday Maamulaha guud ee shirkadaha Dahabshiil Mr. Cabdirashiid Maxamed Siciid waxay qayb ka yihiin dadaallo caalami ah oo loogu jiro in aanay istaagin xawilaadaha lacagaha Soomaalida looga soo diro dibadaha, iyadoo ay ahayd dhawaan markii dhawr iyo toban hay’adood oo kuwa Samofalka ahi ay ka codsadeen dawladaha Maraykanka iyo Kenya in aan sabab la’aan loo hakin isku dirista lacagaha Soomaalida oo badiba nolosha dadka caadiga ahi ku xidhan tahay sida maciishada, biyaha, caafimaadka, waxbarashada iyo guud ahaan adeegyada baahiyaha aasaasiga ah ee bini’aadamka.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories