HomeMaamul-xumada ka Tis-qaadday Wasaaradda Warfaafinta iyo Cadaalad-darrada lagu hayo Shaqaalaha kala Duwan...

Maamul-xumada ka Tis-qaadday Wasaaradda Warfaafinta iyo Cadaalad-darrada lagu hayo Shaqaalaha kala Duwan ee Ka hawl-gala (SAWIRRO)

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Waa Qormooyin Taxane ah oo ku soo tebin doonno nidaamka cadaaladeed iyo maamul ee wasaaradda warfaafinta wehelka u noqday, kuwaas oo saamayn ku yeeshay gudasha waajibaadka iyo habsami u socodka hawl-maalmeedka shaqo ee waaxyaheeda kala duwan.

Shaqaalaha kala duwan ee ka hawl-gala Waaxaha Wasaaradda Warfaafinta  oo ay ka mid yihiin Farsamada Idaacadda iyo Telefishanka Qaranka, Farsamada Qaybta Mashiinnada, Wariyayaasha Idaacadda, Telefishanka, Wakaaladda Wararka ee SOLNA iyo Qaybta Online-ka ee Wakaaladda Wararka iyo Idaacadda.

RADIO HARGEYSA (7)Shaqaalaha wasaaradda warfaafinta ee ka howl-gala qaybaha aynu kor ku soo xusnay, ayaa maray imtixaankii qiimaynta hay’ada shaqaalaha ku kala saartay shaqaale-weynaha hay’adaha Dawladda qaarkood. Sidaa darteed, intii ka dambaysay Qiimayntii shaqaalaha Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyi-gelintu waxa wasaaradda ku soo biiray shaqaale tiradoodu ku dhowdahay kala badh howladeenadda guud ee ka howl-gala qaybahaa wasaaradu ka koobantahay. Marka ay noqoto shaqo-fulinta hawlaha waaxyaha wasaaraddu ka kooban tahay, waxa ay hawsha baaxaddeedu ku dhacdaa shaqaale tiro-yar, isla markaanna ah shaqaalaha ugu daryeelka liita oo aan qaadan wax gunno.

RADIO HARGEYSA (2)Waxa kale oo Wasaaradda Warfaafinta ka mushahar ku qaata dad sida la sheegay wasaaradda ugu qoran dhinaca ilaalinta amniga iyo xuuraanka balse aan ka tirsanayn Ciidanka ilaalada u ah Wasaaradda. Dadkan waxa xaynaabka wasaaradda lagu arkaa oo qudha marka uu mushaharkooda yimaaddo oo si gaar ah loogu soo Qaado.

RADIO HARGEYSA (4)Shaqaalaha guud ahaan wasaaradda ka hawl-gala qaybaheeda kala duwan ayaa inta ugu badani shaqadda ay qabtaan tahay inay Diiwaanka xaadirinta shaqaalaha oo subaxa hore la saxeexo, iyada oo qofka shaqaalaha ah ee aan buugga saxeexin marka bishu dhammaato lagu ganaaxo loo xisaabiyo inta maalmood ee aanu buuga saxeexeen, ganaax ahaanna looga jaro, maadaama ay xisaabsan tahay inuu shaqada ka maqan yahay haddii aanu saxeexin Diiwaankaas.

RADIO HARGEYSAShaqaalaha farsamada ee Radio Hargeysa qaybta ka howl-gasha War-Laliska, ayaan iyaguna helin daryeelkii ay sharciyan ugu lahaayeen Masuuliyiinta Wasaaradda oo ah in Qof kasta oo ku jira Xilli kasta oo baahineed la siiyo Hal Litir oo Caano lo’aad ah, taasi oo ka difaacadda RF-ta ay sii daayaan War-laliyaasha oo ah shucaac halis ah oo waxyeello u geysanaya qofka caafimaadkiisa, taasi oo aanu shaqaalahaasi helin kuna jirta miisaniyadda wasaaradda.

Qaybta Mishiinnada Dabka Dhaliya ee Wasaaradda Warfaafinta, waxa ka hawl-gala farsamo-yaqaano shaqada u gala Shift-yo kala duwan, kuwaas oo la socda isla markaana ilaaliyo xaaladda mishiinnada muddada ay idaacadda iyo telefishanku hawada ku jiraan.

RADIO HARGEYSA (11)Markii la keenay Idaacadda Cusub, oo runtii isbeddel weyn ku keentay hawl-qabadka mashiinnada sababo la xidhiidha baaxadda dabka ay qaadanayso, waxa soo ifbaxay muranno iyo kala-shaki ka dhex abuurmay masuuliyiinta warfaafinta iyo farsama-yaqaannada oo ka dhashay baahi dheeraad ah oo ku timi xaddiga shidaal ee mishiinnada dabka dhaliyaa u baahan yihiin, waxaana dhacday inay dhowr jeer shidaal la’aan u bakhtiyaan Mishiinnadaasi ka dib markii madaxda hay’addaasi ku kacan saydheen dalab uga yimi shaqaalaha ka hawl-gala qaybta Mishiinnada oo ku wargeliyey in la kordhiyo xaddiga shidaalka dab-dhaliyeyaasha wasaaradda.

RADIO HARGEYSA (6)Arrintani waxa ay sababtay in shaqada laga joojiyo dhowr ka mid ah farsama-yaqaannadii ka hawl-galayey qaybta mishiinnada oo lagu tuhmay inay iyagu ka dambeeyaan isla markaana ay leexsadaan shidaalka loo qoondeeyey mishiinnada, waxaana beddelkooda la hawl-galiyey shakhsiyaad kooban oo Agaasime-waaxeedka Farsamada ee Warfaafintu kalsoonidooda u gudbiyey masuuliyiinta sarsare ee Warfaafinta. Waxaana shaqaalihii shaqada laga joojiyey la ogeysiiyey inay ka war-sugaan natiijada baadhitaanno lagu qiimaynayo arrinta ay cabashada ka muujiyeen.

RADIO HARGEYSA (8)Haseyeeshee, muddadii baadhitaanka iyo qiimaynta lagu jiray, dhibaatadii jirtay sidaas kuma joogsan, waxaana halkii ka sii socday ciladihii iyo hakadkii ku imanayay baahinta Idaacadda iyo hawl-qabadkii mishiinnada Dabka.

RADIO HARGEYSA (5)Iyada oo ilaa maanta Arrintaasi u taagan yahay farsamo xumo iyo masuuliyiinta wasaaraddaas oo ka caga-jiidaya kharashka shidaal dheeri ah oo loo isticmaalo mishiinnada dabka dhaliya, waxa ay arrintani saamaysay isla markaana shaqadoodii ku waayey xubno ka mid ah farsamayaqaannadii hawshooda shaqo hakadka la galiyey, iyada oo qaarkoodna lagu soo celiyey shaqadii ka dib markii la tixraacay baadhitaan iyo qiimayn Waaxda Farsamada ee Wasaaraddu samaysay.

LA SOCO……….

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories