Home“Maamul waliba markuu shaqada la wareego inuu wax ku sii daro, ayaynu...

“Maamul waliba markuu shaqada la wareego inuu wax ku sii daro, ayaynu wax ku noqonaynaa, laakiinse haddii uu…” – Cawl Cilmi Cabdalle

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

HARGEYSA (SLpost)- Maayirkii hore ee Caasimada Hargeysa Cawl Cilmi Cabdale, ayaa markii ugu horaysay sawir ka bixiyey aragtidiisa ku aadan bilicda, qorsheynta iyo qaabka Magaaleedka xilligan Casriga ah ee Caasimada Hargeysa oo uu muddo dheer Maayir ka ahaa xilligii dib u dhiska dalka, laguna soo laabtay magaallooyinka waaweyn oo lagu xasuusto dejintii dadkii ka soo laabtay Xeryaha Qaxoontiga ee gudaha Waddanka iyo dalalka Jaarka.

cowl cilmiCawl Cilmi Cabdalle oo Maayirka Caasimada Hargeysa uu kala Wareegay Eng. Xuseen Maxamuud Jiciir oo muddo toban sannadood ah isaguna ahaa Duqa Magaalada oo lagu doortay Golihii deegaanka ee u horeeyey ee sanadkii 2002-kii, ayaa daboolka ka qaaday in horumar fiican ka muuqdo Magaalada Hargeysa wakhtigan. Hase ahaatee hadana waxa uu sheegay inay jiraan waxyaabo ka mid ah waxqabadkiisii oo halkii uu kaga tegay ku baaba’ay oo aan xataa dayac-tir lagu samayn sida Inshaarooyinkii Baabuurta kala hagi jiray ee Magaalada uu u sameeyay xilligii Duqa ka ahaa, Caalamadihii Taalooyinka ahaa uu ka dhisay meelaha qaar iyo Diyaaradda uu Badhtamaha Magaalada saaray ee astaanta u ahayd xasuusta Halgankii Dalka loo soo maray iyo Xasuuqii shacbiga.

Cawl Cilmi Cabdalle, waxa talooyin u soo jeediyay Golaha Deegaanka ee Magaalada Hargeysa, kuwaas oo ku saabsan qurxinta Magaalada, dayactirka goobaha Taariikhiga ah, hogaamintooda maamul iyo xogogaal u noqoshada baahiyaha Bulshada ay xukumaan.

“Ninka doonaya inuu wax qabto ee aanay Dadkuna doonayn wuxuu qabtay feejignaan badan ayaa looga baahanyahay, markaa horta magaaladu taan xukumi jiray maaha hadda,” ayuu yidhi Cawl Cilmi Cabdalle oo u warramay wariye ka tirsan GNA.

Isaga oo hadalkiisa sii watay, waxa uu intaas ku daray, “Magaaladu waxay u baahantahay Laydhkii Waddooyinka, Diyaaraddii Magaaladii Khayriyada Saarnayd waxay u baahantahay in la rinjiyeeyo.” Maayirkii hore ee Hargeysa waxa uu sheegay in Magaalada lagu horumarin karo oo qudha marka uu Maamulba Maamulka uu xilka kala wareego wixii uu qabtay wax-tar ku sii daro oo aanu xagal-daacin “Maamul waliba markuu shaqada la wareego inuu wax ku sii daro, ayaynu wax ku noqonaynaa, laakiinse haddii uu wixii hore dumiyo waxba hagaagi maayaan. Iminka Golaha Deegaanka ee joogaa waxba may xumayne Maayirkii Jiciir ayaa dumiyey wax badan oo aanu Magaalada ka dhisnay, cid allaale iyo cid kala xisaabtantayna ma jirto, laakiin kuwan cusubi wali wax lagu canaanto may xumayn,” ayuu yidhi.

Geesta kale Cawl Cilmi Cabdalle, waxa kale oo uu waraysigan ku saxay hadallo Warbaahintu baahisay oo uu sheegay in la khalad tafsiiray waraysi todobaadkan uu siiyey Warbaahinta qaar ka mid ah, kaasoo Wargeysyada ka soo baxa Caasimada Hargeysa qaarkood ku sheegeen inuu dhaliilay Maamulka Duqa Caasimada Hargeysa iyo Cabdiraxmaan Soltelco iyo Golaha Deegaanka ee uu madaxda u yahay.

Waxa uu arrintaasi ku tilmaamay arrin la khalad turjumay, “ Nin Wariye ah ayaa laba qodob i waydiiyey afar maalmood ka hor oo aan uga jawaabay, maamul dawlad hoose maan dhaliiline wixii khalad dhacay ayuunbaan tilmaamo ka yara bixiyey. Magaalada Laydhkeedii goor ugu dambeysay la garan mayo, Diyaaradii rinji goor ugu dambeysay la garan mayo, haddii la mariyeyna mid iska caadiya mooyaane kii ay u baahnayd lama marin, markaa wixii markii qoraal laga dhigay ayay si kale u muuqdeen, markaa haddii wixii khaldan sidii loo sheegi lahaa tafsiir khaldan loo micneeyo anigu si wax loo sheegaba garan maayo, dadkeena ayuunbaa wixii si kale u sheegaya oo duwaya” .

Ugu dambeyn Cawl Cilmi Cabdalle wuxuu kula dardaarmay Golaha Deegaanka ee cusub, “Golahan Deegaanka waxaan kula dardaarmayaa hogaamintiina iyo xogogaalnimadiina kordhiya,” ayuu yidhi Cawl Cilmi Cabdalle.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories