HomeMaamul-goboleedka Puntland oo Somaliland ku haysta Lahaanshiyaha Taariikhda Halgankii Daraawiishta

Maamul-goboleedka Puntland oo Somaliland ku haysta Lahaanshiyaha Taariikhda Halgankii Daraawiishta

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Garoowe (SLpost)- Madaxweyne ku-xigeenka Maamul-goboleedka Soomaaliya ee Puntland Axmed Cismaan (Karaash) ayaa sheegay in Puntland iska leedahay Taariikhda Daraawiishtii uu hoggaamin jiray Sayid Maxamed Cabdalle Xasan.

blankAxmed-Karaash ayaa arrintan kaga hadlay hadal uu maanta ka jeediyey magaalada Garoowe ee Xarunta maamul-goboleedkaas oo uu xaflad kaga qayb-galay, iyadoo hadalkiisani daba-socdo hadal uu Wasiirka Warfaafinta Somaliland Saleebaan Yuusuf Cali (Koore) ku sheegay in Taariikhda Daraawiishta ay Somaliland leedahay.

Axmed-karaash oo deegaan ahaan ka soo jeeda gobolka Buuhoodle ee Somaliland oo ku abtirsada taariikhda Daraawiishta waxa uu ku dooday in sheegashada Wasiirka Warfaafinta Somaliland aanay waxba ka jirin.

“Nin baa halkaa ka yidhi oo sheegtay Taariikhda Sayidka, Ninkaasi Afkaan ku ballaadhinayaaye wuxuu yidhi Taariikhda Sayid Waxa leh Hargeysa. Ninkaa waxaanu leenahay ‘Iska hadlow ina igarre”, ayuu yidhi Axmed Karaash.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Somaliland, Saleebaan Cali Koore ayaa dhawaan sheegay in Somaliland leedahay Taariikhda Daraawiishtii Sayid Maxamed Cabdalle Xasan, sidaas awgeedna ay xukuumad ahaan muhiimad weyn siinayaan soo-nooleynta iyo xuska taariikhdaas.

Dhanka kale, maamulka gobolka Sool iyo ka Degmada Laascaanood ee Xarunta gobolkaas, ayaa todobaadkii hore soo bandhigay qorshe magaaladaas lagaga dhisayo Taallo lagu weynaynayo taariikhda Daraawiishta.

Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa lagu xusay qiimaha uu leeyahay Halgankii Daraawiishta oo qayb weyn ka soo qaatay ololihii lagaga soo horjeeday Guumaystihii Ingiriiska ee gacanta ku hayn jiray Maxmiyaddii Somaliland.

Somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories