HomeMaamul-goboleedka Puntland oo sheegay inaanu jirin wada-hadal Dhexmaray Madaxweynahooda iyo Wasiirro Somaliland...

Maamul-goboleedka Puntland oo sheegay inaanu jirin wada-hadal Dhexmaray Madaxweynahooda iyo Wasiirro Somaliland ah

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Garowe (SLpost)- Maamul goboleedka Soomaaliya ee Puntland, ayaa sheegay inaanay jirin wax wada hadal oo dawladda Somaliland ku dhex-maray magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, waxaanay waxba kama ku jiraan ku tilmaameen hadal dhawaan wasiirro xukuumadda Somaliland ka tirsan ku sheegeen inay magaalada Addis Ababa kula kulmeen madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

cabdiweli gaasWasiirada Arrimaha dibadda iyo Gudaha Somaliland Maxamed Biixi Yoonis iyo Cali Maxamed Warancade oo dhowaan ka soo laabtay socdaal shaqo oo ay ku tageen dalka Itoobiya, ayaa sheegay inay magaalada Addis Ababa kula kulmeen Madaxweyne Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, isla markaana ay ka wada-hadleen arrimo la xidhiidha nabad-ku-wada noolaanshaha shacabka deriska ah ee isla markaana ay iska kaashadaan adkeynta dhinaca amniga.

Wasiirka Waxbarashada maamul-goboleedka Puntland Cali Xaaji Warsame oo ka mid ahaa wefti Madaxweynaha Puntland u raacey dalka Itoobiya, ayaa sheegay inaanay wax kulan ah oo arrimo siyaasadeed lagaga hadlay la yeelan weftiga Somaliland.

“Wakhtiga la fadhiyo ama shaah la cabayo ama qaxwaha loo fadhiyo waa lays arkayaa waana la isa salaamayaa dad Soomaali ah baa la yahay, mase ogi wax kulan ah oo rasmi ah oo dhexmaray Puntland iyo Somaliland,” ayuu yidhi wasiirka waxbarashada Puntland oo maanta la hadlayey warbaahinta maxalliga ah.

Sida ka muuuqata hadalka wasiirka Puntland, meesha kama madhna kulan dhexmaray labada wefti, balse waxa la dareemi karaa inuu maamulkaasi oo markii hore aqbalay marti-qaadka dawladda Itoobiya, inuu ka maagayo shaacinta inay kulmeen madaxweynaha Puntland iyo Wasiirrada Somaliland oo magac ahaan kala meeqaam sarreeya.

Haseyeeshee, ilo-wareedyo la xidhiidha safarrada labada wefti ku tageen dalka Itoobiya, ayaa ka dambeeyey marti-qaad dawladdaasi u fidisay labadooda, iyada oo dhinacyada kala hadashay ilaalinta xasiloonida iyo nabad-ku-wada noolaanshaha labada shacab.

 

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories