HomeMaamul-goboleedka Puntland oo Mar kale Dalbaday in laga Qayb-galiyo Wada-hadallada Somaliland iyo...

Maamul-goboleedka Puntland oo Mar kale Dalbaday in laga Qayb-galiyo Wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya

Date:

Related stories

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

 

Garowe (SLpost)- Maamul-goboleedka Puntland, ayaa sharci-darro ku tilmaamay wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya oo aanay iyagu qayb-ka ahayn, waxaanay ku gooddiyeen inaanay maamul ahaan aqbalayn inay dowladda Soomaaliya gasho wada-hadalladaas haddii aan laga qayb-gelin Puntland.

blank
Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamul-goboleedka Puntland

Guddoomiyaha baarlamaanka Maamul-goboleedka Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, ayaa sheegay inaanay aqbaleyn wada-hadallada Soomaaliya iyo Somaliland oo aanay ku jirin Puntland, isla markaana ay sharci-darro tahay.

Guddoomiyaha oo ka hadlayey Shirweynaha wada-tashiga ee Maamul-goboleedkaas oo maanta ka furmay magaalada Garowe, waxa uu sheegay in loo baahan yahay in lagu dadaalo sidi shirka uga soo bixi lahaa go’aan ku taxaluqa mowqifka maamulkooda ee ku wejahan wada-hadallada Dowladda Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Somaliland.

“Waxaan rabaa inaan ku baraarujiyo Madaxda iyo shacabka reer Puntland inaan wax iska weydiinno Soomaaliyada cusub iyo reer Puntland meesha ay ka geli doonaan iyo kaalinta ay ku leeyihiin isbeddellada dalka ka socda iyo Soomaaliyada cusub iyo meesha aan u dhaqaaqeyno, sidaas ayuu yidhi Mr Cabdirashiid Jibriil.

Isagoo hadalkiisa sii watay, waxa uu intaas ku daray oo yidhio, “Waxaa jira wada-hadallo dowladda federaalka Soomaaliya oo ay ku baaqday oo ay leedahay waxaan la galeynaa Somaliland. Wada-hadalladaas iyo ergooyinka ay dowladda federaalka samaysatayba waxaan u arkaa inaanay sax ahayn xaaraanna yihiin.”

“Halka lagu wado waxaa la rabaa in wadahadallaas loo dhigo in Koonfur iyo Waqooyi wax loo wada qaybsado, Puntland xaggey markaa ku dambaynaysaa,” sidaas ayuu yidhi Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland.

Cabdirashiid Yuusuf Jibriil ayaa loo doortay Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntand bishii November ee sannadkii hore, kaddib markii xilka laga tuuray guddoomiyihii hore Cabdixakiin Maxamed Axmed (Dhoobo Daareed) oo ay dhanka siyaasadda isaga hor yimaaddeen Madaxweynaha maamul-goboleedka Puntland.

Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, ayaa dhalasho ahaan ka jeeda gobolka Badhan ee Somaliland.

Hadalka ka soo yeedhay maamul-goboleedka Puntland, ayaa noqonaysa markii labaad ee ay dalbadaan in laga qayb-geliyo wada-hadallada u dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya, waxaana hore arrintan loogaga hadlay war-murtiyeed ka soo baxay shir ay yeesheen Golaha wasiirrada maamul-goboleedkaas oo soo jeediyey in laga qayb-galiyo wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya, waxaana arrintan dabada ka riixayey madaxweyne ku-xigeenka maamul-goboleedkaas Axmed Karaash oo isaga laftiisu dhalasho ahaan ka soo jeeda degmada Taleex ee gobolka Xaysimo ee Somaliland.

Somalilandpost.net
editor@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories