HomeMaamul cusub oo loo soo magacaabay Xafiiska Cashuuraha Barriga Berbera oo maanta...

Maamul cusub oo loo soo magacaabay Xafiiska Cashuuraha Barriga Berbera oo maanta xilka la wareegay

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Berbera (SLpost)- Waxaa maanta si rasmi ah xilkii ula kala wareegay mamulihii hore ee cashuuraha Barriga ee magaalada Berbera iyo mamulaha cusub ee dhawaan  wasiirka maaliyada Somaliland u soo magacaabay Cawaale Maxamed Guuleed, waxaana kasoo qaybgalay munaasibada Xilwareejinta ahayd oo ka dhacday xafiiska cashuuraha bariga ee magaalada Berbera Taliyaha qaybta Booliska Mamulaha Wasaarada Maliyada Xisaabiyaha Gobolka iyo saraakiil ka tirsan haayadaha laamaha dawlada ee  Berbera

Waxaan halkaasi hadal kasaoo jeediyey mamulihii hore ee cashuuraha Bariga ee Magaalada Berbera Maxamed Ismaacil (Kanadiid) oo kawramay xaalada guud ee Xafiiska cashuuraha bariga iyo sida ay hawlihiisu usocdaan taasi oo uu tilaamay inay hada meel fiican marayaan dhamaan hawlaha dakhli ururinta xafiiskaasi taasi oo uu tilmaamay inay waxyaabo badani iska badaleen mudadii ay xilka hayeen hawl socdsiinta shaqaalaha iyo hawlaha dakhliga ,

blankWaxa Isaguna halkaasi hadal Mamulaha Cusub ee Xafiiska Cashuuraha Bariga ee magaalada Berbera Cawaale Maxamed Guleed Waxaanu tilmaamay inuu si wayn ugu faraxsan yahay magacaabid xilkan isagoo bulshada reer Somaliland ka codsaday inay xilkaasi ugu duceyaan in (ilaahay ku asturo)waxanu sheegay inuu ku dadaali doono dardargelinta hawlaha xafiiska iyo guud ahaanba ururinta dakhliga isagoo intaasi ku daray inay bulshaduna ku dadaasho taageerida iyo bixinta cashuuraha ku waajibay isla markana ay la shaqeeyaan mamulka cusub isagoo sidoo kale shaqaalahana ka codsaday inay is garab tagaan si hagar la,aan ahna ula shaqeeyaan ,

Waxa kale oo isaguna xafladaasi xilwareejinta ahayd ka hadlay Taliyaha Ciidanka Booliska Ee Gobolka Saaxil Cabdi Ibraahim Maxmuud Oo kawaramay xilka dawladimo iyo sida uu maartada u yahay isla markan ay markasta waajib tahay in laysku badalo shaqaalaha dawlada oo kuwo cusub la keeno waxaanu taliyuhu intaasi ku daray inay mar kasta muhiim tahay in laysku badalo oo laysku shaandheeyo shaqaalaha dawlada ,waxaana uu si wayn usoo dhaweyey mamulaha cusub ee xafiiska cashuuraha bariga ee magaalada Berbera ,isagoo sidoo kale halkaasi amaan balaadhan uga soo jeediyey maamulihii hore ee xafiiskaasi mudada soo waday ,

Waxa kale oo iyaguna halkaasi hadlay xubno ay ka mid ahayeen xisaabiyaha G/saaxil Iyo Mamulaha kastamka Berbera oo iyaguna halkaasi hadalo soo dhawayn iyo talo isugu jira usoo jeediyey mamulka cusub hadalo sii sabootin ahna uga soo jeediyey Mamulihii hore ee cashuuraha Bariga ee magaalada Berbera Maxamed Knadiid

Hadaba waxaa soo badanay isku shaandhaynta iyo isku bedelka shaqaalaha wasaarada maaliyada Somaliland iyagoo wasaaradu ka duulaysa ama ahmiyada siinaysa sidii ay dakhliga iyo miisaaniyada qaranka kor ugu qaadi lahayd waxanay ku dadaalaysaa sidii ay fursad usiin lahayd da,yarta aqoonta leh ee iyagu qaadi kara xilalkaasi ay usoo magacaabayso ,

Waxaana hada uu Mr cawaale Uu noqnayaa masuulkii labaad ee dhalinyaro ah ee wasaarada maliyadu usoo magacawdo haayadaha wasaarada maliyada iyadoo uu hore kastamka Berbera ujoogay Mamule Gurxan Oo kamid ah shaqaalaha ugu dhalinta yare e wasaarada maliyada Somaliland .

blankMasuulkan cusub ee xafiiska cashuuraha Bariga Berebera  ayaa kamid ahaa shaqaalaha wasaarada maaliyada Somaliland mudana ka soo hsaqaynayey xarunata wasaarada maliyada ee hargaysa iyo waliba laamaha degmooyinka caasimada Somaliland sida 26june oo ka mid ahaa shaqaalahi joogay sanadkan horaantiisi waxa uu sidoo kale oo ka mid ahaa Aradaydii jamacada Hargaysa ee ka qaybgashay Itixaankii (Puplic examkii)wasaarada maliyada isagoo ka mid noqday Afar iyo labatan araday oo ku guulaysatay inay ka mid noqdaan shaqaalaha wasaarada maliyada Somaliland kadib markii ay soo baxeen itixaan laga qaaday ilaa 130 boqol iyo sodon qof uu ,utartamay inay ka mid noqdaan shaqaalaha wasaarada maliyada ee Somaliland.

Somaliland post

Berbera ~ Somaliland

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories