HomeMaalqabeennada iyo Ganacsatada Ingiriiska oo loo soo bandhigay Fursadaha Maalgeshi ee ka...

Maalqabeennada iyo Ganacsatada Ingiriiska oo loo soo bandhigay Fursadaha Maalgeshi ee ka jira Somaliland

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Hargeysa (SLpost)- Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa ganacsatada iyo maal-qabeennada dalka Ingiriiska ugu baaqday inay maal-qabeennada iyo Shirkadaha Ingiriisku ka faa’idaystaan kheyraadka iyo suuqa dihin ee Somaliland, gaar ahaan Dekedda Berbera.

Danjiraha Somaliland u fadhiya Kenya, Md. Baashe Cawil Xaaji Cumar, ayaa ka qayb-galay shir ay soo qaban-qaabisay Waaxda Ganacsiga Dibadda ee UK oo Arbacadii toddobaadkii hore ay iskugu yimaadeen Dawladda iyo Maal-qabaeennada Ingiriiska iyo Ganacsatada Afrika si loo daraaseeyo fursadaha maalgashi ee ka jira Qaaradda Afrika.

blankWarbaahinta East Afrika Business Week oo ka soo baxa dalka Uganda ayaa lagu daabacay waraysi ay la yeelatay Safiirka Somaliland ee dalka Kenya Md Baashe Cawil, kaas oo sheegay inuu shirkaas uga qayb-galay sidii ay Maalqabeennada iyo Shirkadaha Ingiriiska ah ugu guubaabin lahaa inay xidhiidh ganacsi la yeeshaan Jamhuuriyadda Somaliland.

Danjire Baashe Cawil waxa uu sheegay in casriyeyntii iyo ballaadhintii Dekedda Berbera gebo-gebo ku dhow dahay, isla markaana la filayo inay qayb laxaad leh ka qaadato Isu-socodka Ganacsiga mandaqadda Geeska Afrika.

“Fursad weyn bay noo ahayd inaan kaqeyb-qaato shirka oo ujeeddadiisu ahayd isku-xidhka ganacsatada Ingiriiska iyo kuwa Afrikaanka ah oo diirada lagu saaray abuuritaanka fursado maal-gashi ee mustaqbalka oo ay ka mid yihiin kaabayaasha dhaqaalaha, beeraha iyo tikniyoolajiyadda lagu kobciyo,” sidaas waxa yidhi Baashe Cali.

Danjire Baashe Cawil wuxuu u soo jeediyey dawladda Ingiriiska inay ka faa’iidaystaan fursadaha maalgashi iyo ee ka jira Jamhuuriyadda Somaliland iyo dekedda Berbera maadaama oo labada dal ay ka dhexayso cilaaqaad taariiheed oo soo jireen ahi.

“Ingiriisku ugama baahna inay Somaliland is-barto, way ka war hayaan muhiimadda Somaliland leedahay iyo meelaha ay ku fiican tahay marka laga hadlayo fursadaha maalgashi, ” ayuu yidhi Danjire Baashe Cawil.

Waxa uu Safiirku ku dooday inay Somaliland kaalin wax ku ool ah ka qaadan karto isku xidhka iyo si xoojinta ganacsiga Ingiriiska iyo Afrika.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories