HomeMaalmihii Jabuuti iyo Maansada Masayr - W/T Siciid Maxamuud Gahayr (Hargeysaawi)

Maalmihii Jabuuti iyo Maansada Masayr – W/T Siciid Maxamuud Gahayr (Hargeysaawi)

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...
Abwaan Siciid Maxamuud Gahayr
Abwaan Siciid Maxamuud Gahayr

Tixdan Masayr waxa ay soo baxday 20/Disember/2012-ka oo aan ku sugnaa magaalada Jabuuti oo aan kaga qaybgalay afartan-guurada qoraalka farta Soomaaliga…. Waxa ay ka warramaysaa waayo iyo dhacdo martay shakhsi ummadda ka mid ah..

Waa kuwan meerisyadii maansada Masayr:

Mafsuuska gobeed kashkaa mahadshoo

Mudeeca haween naftaa muhatee

Markaan ku bartaan muquurtay dhiboo

Intaan haftay mawjad baan mur dhamoo

Milgii adigaa maamuuska nacoo

Walaac maskaxdayda mashquul ku ladhoo

Tabtii mudacaad garaadka muddoo

Kolkaad maqalkii madluufisay baan

Ka maarmay inaan miciin ku bidee

Majiire xunbaad masayr hirdidoo

Adoo minan qoys masuul dhan ahbaad

Muraad dhagareed u mayrac tagtoo

Mamnuuc Alle diiday baad miratee

Waxaad midig saari midhaheedee

Maalmaa hadhay milicsandoonneeyey

Qacdaan milyan jeer masaalix unkeed

Jawaabta mayaa dhab soo mutuxday

Qalbiga murugadu ku meersantayoo

Sidaan milil cudur la jiifay mudduu

Dharaar midabkaygi muuqu libdhoo

Samii an mudnaa imaad marinoo

Macaanki darraad marwaan ahaydii

Shirqool mug lehbaad ku hoos macmashoo

Lurtaan maray maanso tirin maysee

Majiire xunbaad masayr hirdidoo

Adoo minan qoys masuul dhan ahbaad

Muraad dhagareed u mayrac tagtoo

Mamnuuc Alle diiday baad miratee

Waxaad midig saari midhaheedee

Maalmaa hadhay milicsandoonneeyey

Anoo madi geel ku maala gu’yaad

Malkooyin naqloo man daawada’oo

Xilkii madaxeedna maanka gashoo

Riyaaq la mushaaxa baad mudh tidhoo

Illaa meherkii mashaakiil dhacaa

Dhammaan muruq jiidh hankii murdiyoo

Dartaa magac dumar mas buu igu yoo

Inaan martiyaan ka maagaayoo

Midhkaad ku kacdaa macquul ka fogbee

Majiire xunbaad masayr hirdidoo

Adoo minan qoys masuul dhan ahbaad

Muraad dhagareed u mayrac tagtoo

Mamnuuc Alle diiday baad miratee

Waxaad midig saari midhaheedee

Maalmaa hadhay milicsandoonneeyey

Siciid Maxamuud Gahayr (Hargeysaawi)

Hargeysa

saedmgahair@hotmail.com

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories