HomeMaalinta Biyaha Adduunka oo Maanta laga Xusay Somaliland wakhti Biyo la'aan ka...

Maalinta Biyaha Adduunka oo Maanta laga Xusay Somaliland wakhti Biyo la’aan ka jirto meelo badan oo dalka ah + [SAWIRRO]

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa, 22 March, 2012 (SLpost)- Xuska maalinta biyaha adduunka oo sannad walba la xuso 22 bisha March, ayaa maanta si weyn looga xusay Somaliland, gaar ahaan caasimadda Hargeysa. haku dhaga sanadkan oo ah (ilaalinta biyaha cuntada ).

Xuskan oo qabanqaabisay Wasaaradda Macdanta iyo Biyaha, laguna qabtay xarunta wasaaradda, waxa ka qaybgalay dhammaan hay’adaha caalamiga ah ee gacanta ka siiya arrimaha macdanta iyo biyaha, ururrada bulshada, masuuliyiin ka kala socda hay’adaha kala duwan ee dawladda.

blankMareeyaha-ku-xigeenka Wakaaladda Biyaha Hargeysa Md. Cali Ibraahin Cabdi oo munaasibadaas ka hadlay, ayaa sheegay in wakaaladda biyuh ku hawlan tahay sidii biyo ballaadhin loogu samayn lahaa caasimadda Hargeysa, isaga oo xusay inay dhawaan dayactir ku sameeyeen ceelal farabadan oo wax badan ka tari doona baahida biyaha loo qabo.

“Magaalada Hargeysa waxa ku nool hal milyan oo qof, kuwaas oo dhammaantood u baahan inay biyaha si fiican u helaan. Biyuhu imika kuma filna magaalada oo waxa caadi u caba inta dhexda ku jirta ee aan darafyada magaalada ahayn. Waxaana noo diyaar ah laba mashruuc oo aannu hirgelinayno, kuwaas oo aannu filayno inay wax badan ka tari doonaan biyo yaraanta ka jirta magaalada Hargeysa, sidoo kalena waxaannu samayn doonaa inaannu afarta koone ee magaalada ka hirgelino ceelal, iyagu ka qaybqaadan doona sidii magaalada biyo ku filan loogu heli lahaa,” ayuu yidhi Md. Cali Ibraahim.

blankAgaasimaha Guud ee Macdanta, Biyaha iyo Tamarta Mr. Siciid Axmed Jibriil, ayaa u mahadnaqay hay’adaha caalamiga ah oo uu tilmaamay inay wax kala qabtaan arrimaha biyaha iyo macdanta, waxaannu yidhi; “Marka hore waxaan u mahadcelinaynaa hay’adaha UNICEF, FAO iyo UNHABITAT oo wax badan nagala qabtay dhinaca biyaha.”

Waxa iyaguna halkaas ka hadlay masuuliyiin ka socday hay’adaha FAO iyo UNICEf, kuwaas oo soo bandhigay hawlahay wasaaradda wax kala qabtaan, isla mafrkaana waxay sheegeen inay door laxaad leh ku leeyihiin mashruuca biyo ballaadhinta loogu samaynaayo caasimadda Hargeysa.
Hay’adda FAO waxa kale oo ay shahaadooyin guddoonsiisay qaar ka mid ah shaqaalihii kala qaybqaatay sahamintabiyaha ku hoos jiradhulka.

blankSidoo kale ururka dhallinyarada ee SOCSA waxay halkaas ku soo bandhigeen riwaayad ka turjumaysa faa’iidada biyaha, waxaanay riyaawadaas oo ka qaybgalayaashu si weyn uga heleen gudbinaysay farriin ah in dadku ka faa’iidaysgaan biyaha dabiiciga ah.

Xuska munaasibadan oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Macdanta iyo Biyaha, isla markaana ay fuliyeen ururka SOCSA, ayaa maalgelisay hay’adda caalamiga ah ee UNICEF.

Dhinaca kale, waxa munaasibaddo noocan oo kale ah lagu qabtay Magaalooyinka Bebera, Boorame iyo Burco.

SOMALILANDPOST.NET

webmaster@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories