HomeMaalinta AIDSka Adduunka oo Hargeysa Lagu Xusay iyo Madaxweynaha oo Bulshadda ugu...

Maalinta AIDSka Adduunka oo Hargeysa Lagu Xusay iyo Madaxweynaha oo Bulshadda ugu Bushaareeyay in Cudurkani Hoos u Dhacay

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Hargeysa(SLpost)-Sannad kasta Kowda Bisha December, waxa Dunida oo dhan laga xusaa Maalinta La Dagaallanka Xanuunka HIV/AIDS-ka. Sidoo kale, Bulshada Caalamku waxay xog-waraysi iyo wada-tashiba ka yeelataa waxa ka qabsoomay dedaalka loogu jiro la dagaallanka iyo cidhib-tirka xanuunka HIV/AIDS-ka iyo waxa hadhay ee u baahan in si wadajir ah wax looga qabto. Dalkeena Jamhuuriyadda Somaliland wuxuu Bulshada Caalamka kala midaysan yahay la dagaallanka iyo xakamaynta cudurka HIV/AIDS-ka.3blank

Taariikhdu markay ahayd 25/8/2013-kii, waxaan Xafiiska Komishanka Qaranka ee La Dagaalanka Xanuunka HIV/AIDS-ka kaga dhawaaqay siday Madaxweyne ahaan, iiga go’an-tahay la dagaallanka iyo xakamaynta HIV/AIDS-ka. Xukuumaddaydu waxay wakhtigaa yool ka dhigatay in lagu dedaalo sidii xanuunkan loo xakamayn lahaa, si aanu u dhaafin marxaladda uu xilligaa taagnaa, una gaadhin Heerka Labaad ee loo yaqaanno Marxaladda Baahsan.

 

Mudanayaal iyo Marwooyin,

Maanta oo ah 01-da December, 2015, waxaan jecelahay inaan idinku wargaliyo in ku talo-galkaasi uu fulay, oo xanuunku Waddankeena hoos ugu soo dhacay Marxaladda Koowaad, halkii uu markii hore madaxa la sii galayay Marxaladda Labaad (Marxaladda Baahsan). Labo sanno ka hor heerka uu xanuunkani Dalkeena ka marayey wuxuu ahaa %1.1, halka uu maanta hoos ugu soo dhacay %0.6, taasoo ah horumar aad u weyn oo Qarankani gaadhay, una dhiganta in Xanuunkani uu %54.6 hoos uga dhacay heerkii uu maalintaas taagnaa.

 1

Mudanayaal iyo Marwooyin,

Waxaan idinla socodsiinaya in guud ahaanba Gobollada iyo Degmooyinka Jamhuuriyadda Somaliland uu ka muuqdo hoos u dhacaasi. Mahadda Kowaad Ilaahay baa leh, mar labaad, waxaan halkan mahad-naq iyo ammaanba uga soo jeedinayaa guud ahaanba cid kasta oo isku hawshay wax ka qabashada iyo xakamaynta xanuunkan ama wax-tar, iyo teegeero u fidisay dadkeenna la nool xanuunkan. Gaar ahaan waxaan aad ugu mahad-naqayaa Maayarka Degmada Berbera siduu wax ula qabtay Komishanka Qaranka ee La Dagaallaanka HIV/AIDS-ka iyo taageerada uu siiyey dadka xanuunkaa la nool. Waxaan ku boorrinayaa masuuliiyinta kala duwan ee Qaranka inay si hagar la’aan ah uga qayb qaataan dedaalka loogu jiro la dagaallanka iyo xakamaynta xanuunkan, daryeelna ay u fidiyaan dadka xanuunkan la nool.

 

Fadliga iyo gar-gaarka Rabbi ka sokow, hoos u dhaca cudurka HIV/AIDs-ka ee dalkeenna ka muuqda, wuxuu ku yimid dedaalka Xukuumaddan aan Madaxweynaha ka ahay oo Komishanka Qaranka ee la Dagaalanka HIV/AIDs-ku wakiil uga yahay. Iyadoo hoos u dhacaasi jiro, haddana waa inaan loo qaadan in khatartii xanuunku meesha ka baxday.

 

Waqtigan xaadirka ah, hiigsiga Bulshada Caalamku waxa weeye in dedaal badan loo galo sidii cudurka HIV/AIDs-ka loo cidhib tiri lahaa sannadka 2030-ka, haddii ALLAH idmo. Haddaba, si loo gaadho yoolkaa Caalamiga ah ee lagu cidhib-tirayo xanuunkan, waxa lagama maarmaan ah:

 

In %90 dadka xanuunka la nool ee aan iyagu is ogayni ay is ogaadaan.

In %90 dadka xanuunka la nool ee is ogi ay daawada qaataan.

In %90 hoos loo dhigo dadka cusub ee xanuunka qaada sannad kasta.

 Mudanayaal iyo Marwooyin,

Anigoo isku xidhaya gar-gaarka ALLAH, isla markaana kaashanaya kuna kalsoon aqoonta, khibradda iyo waayo-aragnimada durugsan ee ku duugan bulshada Jamhuuriyadda Somaliland, gudo iyo dibedba, waxaan halkan ka ballan qaadayaa inaan dedaal u sii geli doono cidhib-tirka xanuunkan iyo xakamaynta waxyaalaha uu ka dhashaba.

 4 5

Ugu dambayntii, waxaan halkan codsi uga dirayaa dhammaanba hay’adaha ku shaqada leh la dagaallanka cudurkan HIV/AIDs-ka inay intii awoodooda ah ee wax la qabasho ah, ay Komishanka Qaranka la Dagaallanka HIV/AIDs-ka ka caawiyaan sidii xanuunka looga cidhib tiri lahaa dalkan Jamhuuriyadda Somaliland.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories