HomeMaalinta Afka Soomaaliga oo si Wayn looga Xusay Somaliland

Maalinta Afka Soomaaliga oo si Wayn looga Xusay Somaliland

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

HARGEYSA (SLpost)- Xukuumadda Somaliland ayaa si wayn u xustay maalinta loo aqoonsaday afka Soomaaliga oo ku began 21 February oo ku astaysan waqtigii la qoray afka luuqaddan hooyo.

Xaflad ballaadhan oo lagu maamuusayey maalintan afka Soomaaliga, si wadajir ahna ay u soo qabanqaabiyeen Wasaaradda Warfaafinta, Wacyigelinta iyo Dhaqanka Jamhuuriya Somaliland iyo ururka qallinlayda Somaliland Pen oo maanta lagu qabtay huteelka Maansoor ee Hargeysa, waxa ka qaybgalay Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaacil (Saylici), wasiirrada Warfaafinta iyo Waxbarashada, wasiir-ku-xigeenno, agaasimayaal ka tirsan xukuumadda, masuuliyiinta sarsare ee Wasaaradda Warfaafinta, abwaanno iyo fannaaniin, bahda qallinayda iyo qoraayaasha Somaliland iyo dadweyne badan.

xuska afka soomaaligaAgaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta Mr. Maxamed Cilmi Aadan (Ilka-case) oo furitaankii xafladdaasi ka hadlay, ayaa sheegay in xuska maalinta afka Soomaaligu yahay mid qaali ah oo ka turjumaya ilaalinta iyo jiritaanka afka hooyo, isagoo marti sharafta xafladda ka qaybgashayna u mahadceliyey.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Md. Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cakuse), ayaa shacabka ugu baaqay in la gacan-qabto, lana taagero cid kasta oo ku hawlan ilaalinta afka hooyo, “Waxaynu isku deyi doonaa inaga iyo ururrada ku mashquulsan hawshan ee doonaya inay u adeegaan baahida loo qabo afka Soomaaliga, waana in aynu gacan-qabano, isla markaana dib loo soo ceiyo afka Soomaaliga,” ayuu yidhi Md. Cukuse.

Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland Md. Saylici oo gunnaanadkii xafladda hadal ka jeediyey, ayaa isna shacabka ugu baaqay in la ilaaliyo luuqadda hooyo, lagana hormariyo afafka kale ee ajnabiga ah, waxaannu yidhi; “Ummad waliba waxay ku faantaa afkeeda hooyo iyo dhaqankeeda iyo weliba diinteeda, waxaana marka hore mahad leh ciddii qortay afkeenna hooyo oo aan leeyahay intii dhimatay Ilaahay ha u naxariisto, inta kalena Ilaahay ha ilaaliyo. Waxaan jecelahay in aan halkan iidinka caddeeyo in cid kasta afkeeda ilaalintiisa waajib ka saaran yahay,” ayuu yidhi Md. Saylici.

afka soomaaligaWaxa kale xafladda hadallo ka jeediyey weriyayaasha ruug-caddaaga ah ee Yoonis Cali Nuur iyo Maxamed Cali Xasan (Weji), Abwaan Aaden Tarabi, Abwaan Xildhibaan Maxamed Maxamuud Dheeg, Abwaan Hurre Ibraahim Warsame, Sacdiya Muuse Axmed oo ku hadlaysay afka ururka Somaliland Pen iyo xubno kale, kuwaas oo dhammaantood taariikhda iyo hodanimada luuqadda Soomaaliga, iyagoo weliba soo bandhigay walaaca ay ka qabaan inay dabar-go’do mustaqbalka, maadaama da’yarta waqtigani ka door-bidaan luuqado shisheeye, isla markaana uu yaryahay dadaal lagu ilaalinayo ama lagu horumarinayo afka hooyo.

Xafladda waxa lagu soo bandhigay ciyaaraha hiddaha iyo dhaqanka kala duwan ee dhaqanka ay u leeyihiin reer Somaliland iyo majaajilo ka hadlaysay dhibaatada luuqadaha shisheeye ku hayaan afka Soomaaliga ee isticmaalkoodu caadiga ka noqday bulshada dhexdeeda.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories