HomeMAALI: Howlgalkii Hudheelkii la Weeraray oo la soo Afjaray iyo Xaalad Deg-deg...

MAALI: Howlgalkii Hudheelkii la Weeraray oo la soo Afjaray iyo Xaalad Deg-deg ah oo la Geliyay Dalka

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

 

 

Bamako(SLpost)-Ciidamada amniga dalka Maali iyo kuwo caawinayay ayaa soo afjaray howlgalkii weerarkii Radisson Blu Hotel oo ku yaalla magaalada Bamako ee xarunta dalka Maali, waxaana ku dhintay Sideed iyo labaatan qof oo ay ku jiraan qaar ka mid ah kooxihii weerarka qaaday.

Maanta oo Sabti ah ayaa waxaa Maali ka billowday saddex casho oo loogu baroor-diiqayo dadkii weerarkaas lagu dilay oo ay ku jiraan saddex qof oo u dhashay dalka Shiinaha, nin Mareykan ah iyo nin u dhashay dalka Belgium.

Weerarka oo ay mas’uuliyadiisa sheegatay kooxda Al-Murabitoun ee xidhiidhka la leh ururka shabakadda Al-Qaacida, ayaa kooxihii waxay muddo sagaal sacaadood ah ay gacanta ku hayeen hoteelka iyo dad ay ku afduubeen.

Xukuumadda Maali ayaa ku dhawaaqday toban casho oo xaalad deg-deg ah uu ku jiri doono dalkaas, taasoo ka billlaabanaysa maanta oo Sabti ah; taasoo ay ku sheegtay xukuumaddu in lagu sugayo amniga guud ee dalka.

Sidoo kale, saddex ka tirsan kooxihii weerarka qaaday ayaa la sheegay in la dilay, inkastoo aan la ogeyn in intii kale ay baxsadeen iyo in la dilay halka ay aadeen intii kale, waxaana tani ay kusoo beegmaysaa iyadoo toddobaad ka hor la weeraray Paris.

“Howlgalkii Hoteelka waa dhamaaday. Waxaa socda qorshe lagu adkeynayo Ammaanka,” ayay yidhaahdeen ilo wareedyo dhanka ammaanka ah. iyagoo xusay in la nadiifinayo gudaha iyo hareeraha hoteelka.

Madaxweynaha Maali, Ibrahim Boubacar Keita oo kasoo laabtay shir muhiim ah sabab la xidhiidha weerarka ayaa sheegay in ciidamada geesiyaasha ah ee Maali ay ku guuleysteen inay ka adkaadaan argagaxisada, isagoo sidoo kale u mahad-celiyay ciidamadii ajnabiga ahaa ee howlgalka ka qaybgalay.

Wasiirka gaashaandhigga dalka Faransiiska Jean-Yves Le Drian ayaa sheegay in Mokhtar Belmokhtar oo ah hoggaamiyaha jabhaddii Weerartay Radisson Blu hotel uu yahay ninkii loogu doonista badan yahay caalamka, kaasoo ka dambeeyay weerarro badan oo ka dhacay Galbeedka Afrika iyo Waqooyiga Afrika.

Dhanka kale, heesaaga u dhashay dalka Gini, Sekouba Bambino Diabate ayaa ka mid ahaa dadkii laga soo badbaadiyay hoteelka, isagoo markii uu dibadda u soo baxayna u sheegay Warbaahinta. “Gudaha hoteelka ayay rasaas badan ka ridayeen, waxayna u ridayeen dhinac walba.”

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories