HomeMaalgeshato u dhashay Dalka Sucuudiga oo Booqday Mashruuca Beeraha Banka Wajaale

Maalgeshato u dhashay Dalka Sucuudiga oo Booqday Mashruuca Beeraha Banka Wajaale

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Wefti ballaadhan oo ah maalgashadayaal u dhashay dalka Boqortooyada Sucuudi Carabiya, ayaa booqday Mashruuca Dhul-beereedka Banka Wajaale ee Gobolka Gabiley oo ay danaynayaan inay maalgashadaan.

Weftiga ganacsatada Sucuudiga oo ay horkacayeen Wasiirrada Wasaaradaha Beeraha iyo Maalgashiga Jamhuuriyadda Somaliland, xubnana ka ahaayeen Maareeyaha Komishanka Tamarta Somaliland Axmed Faarax Cadarre iyo Maareeyaha Mashruuca Banka Wajaale ee Wasaaradda Beeraha Eng. Mowliid Xasan Cabdi, waxa halkaas ku soo dhoweeyey maamulka degmada Gabiley oo uu hoggaaminayey Maayar Maxamed-amiin Cumar Cabdi.

Weftiga ka socda Sucuudiga oo ka kooban 16 maalgeshade, waxay sidoo kale wasiirrada iyo xubnaha kale ee dawladda Somaliland soo mariyeen magaalo-ganacsiyeedka Tog-wajaale, gaar ahaan suuqa magaaladaas, si ay eegaan fursadaha maalgashi ee ka bannaan.

Wasiirka Horumarinta Beeraha JSL Md Maxamed Xaaji Cismaan Jaamac, Wasiirka Maalgashiga Cabdillaahi Cabdiraxmaan, ayaa markaa kadib waxay weftiga maalgashadeyaasha Sucuudiyaanka geeyey Mashruuca Banka Wajaale ee Wasaaradda Beeraha.

Waxa halkaa weftiga ku soo dhoweeyey Maareeyaha Mashruuca Banka Wajaale Mowliid Xasan Cabdi, waxaanu u sharraxay dalagyada Wasaaraddu ku beerto noocyadooda, xilliyada la beero iyo dedaalka ay Wasaaradda Beeruhu ugu jirto inay sii ballaadhiso wax-soo-saarka ay halkaa ka samayso.

Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maalgeshiga Cabdillaahi Cabdiraxmaan oo isaguna halkaa ka hadlay, ayaa bogaadiyey dedaallada Wasaaradda Beeraha ee dhinacyada badan leh, sida Mashruuca Banka Wajaale oo sannad walba dhowr jeer la beero.

Sidoo kale, Wasiirka Wasaaradda horumarinta Beeraha JSL Maxamed Xaaji Cismaan Jaamac oo isaguna weftiga la hadlay, ayaa u sharraxay ahmiyadda dawladda Somaliland siinayso maalgashi lagu sameeyo dhul-beereedkeeda, sidaa darteed ay weftiga ka socda dalka Sucuudiga ku soo dhoweynayaan dalka, maaddaama oo ujeeddada socdaalkoodu tahay inay eegaan fursadaha ka bannaan dhul-beereedka Somaliland, si ay maalgashi ugu samaystaan.

Wasiir Maxamed Xaaji Cismaan, ayaa weftiga u tilmaamay inay Somaliland soo dhaweynayso cid kasta oo danaynaysa inay dalka maalgeshi ka samaysato, gaar ahaan dhinaca beeraha, maaddaama Somaliland leedahay dhul hodan ah oo ku habboon beerashada.

Gebogabadii, waxa weftig hadhimo-sharafeed soo dhaweyn ah u sameeyey Maayarka Gabiley Maxamed-amiin Cumar Cabdi.

blankWeftiga oo dorraad dalka soo gaadhay isla markaana joogi doona muddo shan maalmood ah, waxa ay dalka ku soo dhaweeyey Wasiirka Maalgeshiga iyo agaasimaha Guud ee Wasaaraddaas, waxa kulan casho sharaf ah loogu sameeyey magaalada Hargeysa, iyadoo munaasibadaasi ay ka qaybgaaleen xubno kamid ah golaha Wasiirrada iyo masuuliyiinta hay’addaha madaxabanaan ee xukuumadda. waxaana madaxda ka qaybgashay kamid ahaa Wasiirrada wasaaraddaha Arrimaha Gudaha, Arrimaha Dibadda & Iskaashiga caalamiga ah, Horumarinta Gaadiidka & jidadka, Horumarinta Biyaha, Gudomiyaha Komishanka Tamarta, Gudomiyaha rugta ganacsiga iyo xubno ka socday ganacsatada Somaliland.

Dhinaca kale, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maalgashiga Mr. Maxamed Cismaan Siciid ayaa xafiiskiisa ku qaabilay maalqabeeno warshado ku leh dalalka Geeska Afrika.

Agaasimaha Guud iyo maalqabeenada oo hore ugu kulmay caasimada Addis Ababa ayaa la sheegay inay qorsheynayaan sidii ay warshado Wax-soo-saar dalka uuga hirgelin lahaayeen.

 

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories