HomeMa Xuma In Wax Khalday Dib Loo Saxo...

Ma Xuma In Wax Khalday Dib Loo Saxo…

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

 

blankAan ku ibo furo, qormadan kooban tuducyo ka mid ahaa Gabaygii Galangal ee Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame Hadraawi:-

“Anigiyo garaadkay haddaan, idin guddoonsiiyo
geestayda waa iga dhanyahay, galangalkaygiiye
gadaashay ninkii odhanayow, gacanta ii haadi.”

Indhawaale, waxa baraha bulshada dhex mushaaxaysay, afkaar ku wajahan sixitaan iyo toosin lagu sameeyo arrimaha siyaasiga ah ee dalka, kuwaas oo ay ka hadlayeen dhallinyaro wiilal iyo gabdhaba leh oo ku abtirsada Jamhuuriyadda Somaliland.

Haddaba, markaan inta badan akhristay afkaarahaa kala duwan ee ay dhallintaasi qabto, waxa igu dhashay, in aan dareenkayga shakhsiga ah ku cabbiro sida ay arrimahaasi iigu muuqdaan, isla markaana aan dhallinta dalkayga la wadaago waxa aan talo ahaan u soo jeedinayo.

Wixii innaga khaldamay ha la saxo ma xuma, laakiin waxa muhiim ah in la helo, Xog cilmiyeysan oo si cad u tibaaxaysa halka qaloocu ka jiro, habbka iyo hannaanka sharci ee loo mari karo sixitaanka khaladaadka jira, iyo qaabka lagu heli karo cudduda iyo maskax dhalinyaro midaysan oo xor ka ah maanka, isla Isla markaana ay midaysay hal ujeedo oo ah dal jacayl iyo waddaniyad, kuwaas oo ka fayow, nin jeclaysi iyo iyo xigtaysi laga horumarinayo danaha masiiriga ah ee qaranka.

Inta badan ma jecli, in aan arrimaha siyaasiga ah ka hadlo. waayo, waxan ku diidaa ka hadalka siyaasadda, marka aad fakarkaaga cabbirto ayey dad maangaab ahi kugu qoonsanayaan oo ay kugu shaabadaynayaan qabiili amma Gobol heblaayo, anna waxa i deeqa qaranka Somaliland ee qoys ima deeqo.

Haddana, uga aamusimayno baylahda iyo fongoraha ka jira qaranka iyo guud ahaan bulshada dhexdeeda, hebel baa kugu shaabadayn, waxanad raali ka ahayn.

Markaa hadda ba, si wax loo saxo ha laga shaqeeyo dhalinyaro ku midaysan lexejeclo waddaniyadeed, kuwaas oo aanay hoosta ugu laabnayn dano shakhsiyadeed, amma ujeedooyin kale.

Qaar ka mid ah Dhallinta afkaartan wada waxa iiga muuqda shakhsiyaad muddakar ah oo ay dhab ka tahay qaranimada somaliland. Waxa se jira, wejiyo badan oo marka horeba mugdi kaga jiro mabda’a qaranimada somaliland. Markaa kuwaa sidee loo arki karaa, dhalliishoodu se ma tahay mid sax ah.

Marka ay bulshadu aragto dhallinyarada qaarkood oo maanta wax la saxo ka sheekaynaya, Su’aalaha ay is weydiin karaan waxa ka mid ah; “afkaartan Dhallinyarada wadda, ma ku soo dhuuman karaan dad xambaarsan afkaar la soo waariday oo lid ku ah qaranimada dalka. Way dhici kartaa, markaa si gunn-dheer ha loo derso habka iyo hannaanka wax loo sixi karo, iyo cidda sixitaankiisa la qaadan karo.

Maalin baa waxa dhacday, laba dhallin yaro ah oo arrimahan oo kale ka doodayey ayaan isku dhegaystay. Mid baa dawladii xilligaa jirtay ee somaliland dhalliilay. Wiilkii kale ayaa ugu jawaabay; goorma ayey caddaalad daradu dhacdaa?… isagii baa hadalka sii watay oo yidhi; ma marka reerkiinu aanay madax ka ahayn bay kuu muuqataa maamul xumada iyo caddaalad daradu. Waxan uga socdaa, yaanay arrintu sidaa u eegaan.

Dhallinyarada aqoon yahanka ah ee marwalba fikirkooda waddaniyada iyo lexejeclada leh ee ay wax ku saxayaan la soo garab taagnaa dawladihii kala danbeeyey ee dalka soo maray, iyaga waan ammaanayaa, in afkaartooda ay tixgeliyaan masuuliyiinta qaranku ayaa loo baahan yahay.

Laakiin, dhallinyarada weli uu qoyan yahay qalinkoodii ay ku ammaanayeen xukuumad dalka soo martay iyaga oo ku difaacayey xigtaysi amma gobolaysi waxan odhan lahaa, xataa haddii uu sax yahay khaladaadka aad tilmaamaysaan, waxa qumman in aad iska aamusto oo aanad sacabka dhabqin. Sababta oo ah, marka jaraha shaxdu kaa oodan yahay waa laga muquurtaa.

Waayo bulshadeenu waa shacab ay biyo dhigtay qabyaaladu, waxay kuu arkayaan uun nin jibo reer wado, markaa adigu ciyaartu way kaa xidhan tahay fakarkayga gaaban.

Gunnaanadkii, waxan dhallinyarada iyo aqoon yahanka Jamhuuriyadda Somaliland u soo jeedinayaa, in aan mar walba soo jeedino afkaar waxa dhisi karta oo aan ugu nasteexaynayno hadba cidda masuuliyada qaranku gacanta ku hayso, Isla markaana aan ka fogaano hadalada naca iyo kala faquuqa bulshada dhexdeeda keeni kara.

Kursigu hal shakhsi baa fadhiista ee laba qof mar qudha kuma wada fadhiistaan. Markaa dhalliisha iyo canaanta wax lagu toosinayo aan ku koobno cidda hadba midida daabkeeda haysa.

Waxan qormadaydan kooban ku soo illo-xidhayaa beydad ka mid ah maansadii Gurmad ee Alle ha u Raxmee Abwaankii Maxamed Xaashi Dhammac Gaariye:-

“Haddaad gorod diidan tahay
Ku koob dirirtaada gorod
Ha nicin gobolkuu ka yimid
Ha Giijin Xadhkaha ha jarin.
Ha goynin Waxa la isku yahay”.

 

W/Q. Mowliid Cumar Kibaar

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories