HomeMa Xor baad Tahay mise Xayirane?

Ma Xor baad Tahay mise Xayirane?

Date:

Related stories

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Adoonsi iyo adoonimo waxey si cad oo aan caad saarneyn u jireen wakhtiyadii hore ee lasoo dhaafay, imika way tirtirmeen oo wax aad odhanaysid waa hebel adoonkiisi amaba adoontiisi majirto oo sheekona kuma maqal shaahidna kuma arag suuq lagu kala gato adoomaha wakhti xaadirkan oo laysla aqoonsanyahay way dhacdaa in suuq madaw jiro.

 

 

Taa badelkeeda waxa yimi adoonsi siyaasadeysan oo aanay duulbadani dhaadaneyn, qaaradiba qaaradbay adoonsata amaba guumeysataa, wadanba wadanbuu adoonsadaa, qofba qofbuu adoonsadaa, miyaad yaabtey aankuu faahfaahiyee bal hadda u fiirso oo bal adna ka dheego inaad ciduun u xidhantahay.

 

 

Asalkeedaba aadamuhu wuxuu dhashaa isagoo xor ah balse deegaanka ku gadaaman ayaa ka dhiga mid la adoonsado/guumeysto amaba isagu wax adoonsada/guumeysta, waxa laysku adeegsada maskax iyo qorshe dadka quluubtooda, caqliyadooda iyo jidhkoodaba lagu hanto ilaa ay gaadhay heer aad amarada kasoo baxaya hadba cida aad u xadhko xidhantahay aad ugu dhago nuglaatid.

 

 

Aduunyada horumartey sida ay ku andacoonayaan weeyaane, waxey guud ahaanba saameyeeen aduunyooyinka saddexaad amaba wadamadda soo koraya waa siday iyagu wax ukala qaad qaadane waxey usameysteen godad badan oo ay subixii mudh soo yidhaahdaba kasoo abaabulaan kagana baqaan wixii ay doonistoodu tahay. Waxey maxkamadeeyaan madaxdooda waa dunida saddexaade, kii kayara leexda ujeedadoodana xabsiyabay u taxaabaan, waxey ay yagleeleen barnaamijyo iyo aalado cidaa iyo camaarka ka badan oo qofka ka ilaalinaya inuu maskaxdiisa ka shaqaysiiyo tusaale dhalinyartii waxa kala goostey kubbad, faceboog, whatsapp, musalsalo, filimaan iyo taar-gacmeedka looyaqaan xariifka (Smart-Phones) oo aan marnaba fooda laga qaadeyn cajaaib!!! waa heer ay gaadheene waxba yaanan ku fogaan duulkaase aan ujeedada abaaro.

 

 

Waxa foolxumo iyo wax laga wiswiso ah in aad u rarnaato amaba aad dabaqableeye u ahaato ruux kale oo kula siman oo maskaxdaadi iyo jihadaadiiba isagu gacanta ku dhigay oo sidii uu rimuud kugu wadwado ama kombiyuuter wax lagu shubtay hadba siduu doono iyo dhankuu doono kuu leexleexsado, markaan taa leeyahay uma jeedo in gabi ahaanba in aanay habooneyn in qof aad la aragti noqoto, oo halka aad mabda,aaga u garato inaad ku hirgalineysid haybtiisa inad raadiso way kula gudboontahay.

Waa inaad xor u ahaata cid aad dooranaysid iyo cida aad diidaysid, maankana aad ku haysaa sidii aad ugaadhi laheyd hankaaga, afkaaguna waa inuu intaanu wax aanad kasoo kabsan ku dhawaaqin aad ka fiirsata waxkasta oo uu ereyga afkaaga dhaafayaa ku jihaysanyahay iyo xikmada u xambaarsanyahay ileen watii horeba laynooga digey midhaase “hadal afdhaafey albaab dhaaf” oo daaraduu doonu iyo kambal doonu ka caweynayaaye.

 

 

 

 

 

Qalinkii Hibo Ciise Maxamed (basbaaso)

hibafaakhir@gmail.com

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories