HomeMA WAX TARBAA MISE WAA WAXYEELO Qalinkii Liibaan Xaaji Fagadhe

MA WAX TARBAA MISE WAA WAXYEELO Qalinkii Liibaan Xaaji Fagadhe

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

 

Waa hogol-tusaaleyn ,uhiilisa dadka loo awood sheegto,waa hub aan ka horgeynaayo qofkastoo ku howlan heyb kalsooc,waa holac lagu gubaayo dulmiga,waa mid hareer taagan halyeyga ,waa mid u hadleysa hooyadii hanadkeeda weydey ,waa mid hal u odhaneysa umadan la heerey ,waa mid halgamayaasha ubadkii ay dhaleen hanti aan ugu deeq.

Qormadii 7aad

Saddex Laab Bad Iyo Webi
Lagu Yidhi Sabbeeyee

Dabadeed La Sahanshay
Qofba Meel La Siiyee
Saldhigeedu Qaybaha
Cidi Uma Sinnaynoo
Dadku Ruux Sabooloo
Saranseer Ku Raagiyo
Guryo Samu Nin Yaalloo
Sidka Dhalay Ku Haystoo
Helay Seer-Ma-Weydiyo
Laba Kala Sad Roon Baa
Subax Noolba Joogee

Markii la keenay Idaacadda Cusub, oo runtii isbeddel weyn ku keentay hawl-qabadka mashiinnada sababo la xidhiidha baaxadda dabka ay qaadanayso, waxa soo ifbaxay muranno iyo kala-shaki ka dhex abuurmay masuuliyiinta warfaafinta iyo farsama-yaqaannada oo ka dhashay baahi dheeraad ah oo ku timi xaddiga shidaal ee mishiinnada dabka dhaliyaa u baahan yihiin, waxaana dhacday inay dhowr jeer shidaal la’aan u bakhtiyaan Mishiinnadaasi ka dib markii madaxda hay’addaasi ku kacan Saydheen dalab uga yimi shaqaalaha ka hawl-gala qaybta Mishiinnada oo ku wargeliyey in la kordhiyo xaddiga shidaalka dab-dhaliyeyaasha wasaaradda.

image

Arrintani waxa ay sababtay in shaqada laga joojiyo dhowr ka mid ah farsama-yaqaannadii ka hawl-galayey qaybta mishiinnada oo lagu tuhmay inay iyagu ka dambeeyaan isla markaana ay leexsadaan shidaalka loo qoondeeyey mishiinnada, waxaana beddelkooda la hawl-galiyey shakhsiyaad kooban oo Agaasime-waaxeedka Farsamada ee Warfaafintu kalsoonidooda u gudbiyey masuuliyiinta sarsare ee Warfaafinta. Waxaana shaqaalihii shaqada laga joojiyey la ogeysiiyey inay ka war-sugaan natiijada baadhitaanno lagu qiimaynayo arrinta ay cabashada ka muujiyeen.

Haseyeeshee, muddadii baadhitaanka iyo qiimaynta lagu jiray, dhibaatadii jirtay sidaas kuma joogsan, waxaana halkii ka sii socday ciladihii iyo hakadkii ku imanayay baahinta Idaacadda iyo hawl-qabadkii mishiinnada Dabka.

Iyada oo ilaa maanta Arrintaasi u taagan yahay farsamo xumo iyo masuuliyiinta wasaaraddaas oo ka caga-jiidaya kharashka shidaal dheeri ah oo loo isticmaalo mishiinnada dabka dhaliya, waxa ay arrintani saamaysay isla markaana shaqadoodii ku waayey xubno ka mid ah farsamayaqaannadii hawshooda shaqo hakadka la galiyey, iyada oo qaarkoodna lagu soo celiyey shaqadii ka dib markii la tixraacay iyaga lagu soo caliyey shaqada oo agaasimaa farsamadu hab qabiil kusoo celiyey halka ay labana ilaa hada aan la soo celin.

Ahaan mayso dundan

Sidaad aad moodeenoo

Shaqaaluuna murugo iyo

Ciil ku idleysan maayaane

Waxa iman ayaantey

Eebe ay ka sugayeen

image

Tan iyo markii xukuumada siilaanyo ay talada dalka la wareegtay ayaa waxay noqotay wasaarada warfaafintu tan ugu hadal haynta badan bulshada dhexdeeda iyada oo mar marka qaar la maqlo in khilaaf ka dhex oogmo masuuliyiinta iyo shaqaalahooda, hadaba waxaa dhacdey in qaar ka mid ah warbaahinta dalku qorayeen in khilaaf cakirani soo kala dehx galay masuuliyiinta wasaarada warfaafinta iyo qaar ka mid ah shaqaalaha taasi oo keentay inay masuuliyiinta qaarkood iyo shaqaaluhu is bahaystaan arintaasi oo keentay inay masuuliyiintu qaar ka mid ah shaqaalaha ay u ogalaadaan inay wasaarada ku dhex haystaa hub taasi oo ah meel ka dhac hanaanka dawladnimo, waayo arimahaasi waxay sabab u noqdeen inay shaqaalaha wasaaradu xiligan la joogo ay kala shakiyaan oo qaarba dhan u shiraan halka qaar kale xafiisyada masuuliyiinta ay iska fadhiyaan dhamaan toodna ay yihiin dad lagu qorey hab qabiil iyo xigto nimo waana ta manta wasaarada ku cusub cudurkaasina ma baxayo ilaa labadalo maa mulka sare ee xumaanta ka dhex abuurey hadii aan laga qaban wax waxaa dhicikarta in wax yaalo aan la filayn iyo wax yaabo hadhow laga qeylyi doonaa iman doonaan.

Waxaan kaga tagyaa baaqan oo aan Xukuumada kula talinlahaa inay soo gaadhaan shaqaalahan dulman hadii maalin ayaa iman doonta talo far aka haado. Gunaanadka qormooyinkaygana waxaan kusoo gaba gabeeyey

Ma na dhawa oo maan dhameystirin dhibaatooyinka ka socda wasaarada warfaafinta iyo wacyigalinta ee jamuuriya Somaliland balse waxaan inta kale ku soo qaadan doonaa qormooyin kale oo soo socda aan waxyaabo badan iyo mustuqbalka Somaliland kaga sheekeyndoono iyo dhibaatooyinka horta le ee soo food saarey dadka reer Somaliland kuwaas oo aan marnaba aanan ka aamusayn.

Hanfi iyo dabaylbaan

Dhex hadaafayaayoo

Howl aan dhamaanbaan

Kadhex heesayaayoo

Hiil waxaan ka doonaa

Hooflahaa libaaxiyo

Gidi habar dugaagoo

Hami iyo walaacbaa

Hurdadii idhaafshee

Halkaad iga xigtaanbay Dhaxantu iga haysaa tolaay bahdii saxafiyiintaay.

DHAMAAD

GUUL ALLE………………

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories