Home"Ma Waafaqsani Madax-dhaqameedku in ay Wada-hadalada Labada Dal ka Qaybgalaan” Suldaan Maxamed...

“Ma Waafaqsani Madax-dhaqameedku in ay Wada-hadalada Labada Dal ka Qaybgalaan” Suldaan Maxamed Sul. Cabdiqaadir

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

 

 

 

“Madax Dhaqameedka Waa La Siyaasadayn Karaa Khiyaamooyin Fara Badanina Wada-hadalladan Way Ka Soo Socdaan Aniguna Sideedaba Ma Waafaqsani Arrintan Madax-dhaqameedku in ay shirka ka qaybgalaan”

“Dawladda Soomaaliya Ka Taagan Iyo Dawladda Somaliland Ka Jirtaa Wey Kala Dimuqraadi San Yihiin, Dimuqraadiyaddana Waxaa U Dhaw Ta Somaliland Ka Jirta”

 

Hargeysa (SLpost)- Suldaanka guud ee beellaha Somaliland Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir Suldaan Cabdillaahi ayaa ganafka ku dhuftay hadal haynta in Turkigu uu wada xaajoodkii Somaliland iyo Soomaaliya u soo wareejinayo dhinaca madaxda dhaqanka ee labada dal, taas oo uu ku tilmaamay in aannay Somaliland ahaan aqbali doonin haddii xataa Caalamka oo idili isugu yimaado qaddiyada wada hadalka. Suldaanku waxaa uu qorshahan jiritaankiisa ku maseeyey dhacdo ku taxan sooyaalka colaaddo muddo hore dhex maray dadka Turkiyiinita ah iyo dawladaha carabta, taas oo uu wada hadalka Xamar iyo Hargeysa ku dhereriyey.

“Wallaahi waxaan u arkaa arrintaasi (wada hadalka madaxda dhaqanka Somaliland iyo Soomaaliya) arrin qaldan in ay tahay, sababtoo ah wada hadalladani cid bay u socdeen oo xukuumadda ayaa waday, xukuumaddiina markay quus ka gaadheen ayay damceen inay ku soo dhex noqdaan madax dhaqameedka, madax dhaqameedkuna dee siyaasiyiin maaha, ee waa  waa niman dhaqan soo jireen ah haysta,” sidaasi ayuu yidhi Suldaanka guud ee beellaha Somaliland Suld. Maxamed Suld. Cabdiqaadir Suldaan Cabdillaahi

Waxa uu suldaanku intaas ku daray “Berigii ay Turkiga iyo Carabtu colloobeen ayaa waxay carabtu yidhaahdeen ninkii Turki ah  madaxiisa qofkii noo keenna intaas maalliyad ayaanu ugu bedelaynaa, Anigu waxaan arrintaas odhan lahaa dee waa tii oo kale tanina, annaguna markaanu Koonfur ka hadlayno waa ninka reer waqooyi ah madaxiisa qofkii keenna ee kurka ka soo gooya dabadeed ciddii ka soo goysana la siiyo qiimo. Marka kolley arrintani arrin fudud maaha, waana qalad in Turkigu ay isku qasbaan laba arrin oo aan is geyin oon shaqo isku lahayn weeye, waayo maanta cidi  naguma khasbi karto Xamar innaanu raacno, sababtoo ah dawladda Soomaaliya ka taagani iyo dawladda Somaliland ka jirtaa wey kala dimuqraadisan yihiin, dimuqraadiyadana waxaa u dhaw ta Somaliland ka jirta waayo dalka waad aragteen waanad soo marteen, xamar waxa ka dhacayana waa la arkayaa oo waa la og yahay , markaa annagu Turkigaad sheegaysaaye dawladaha waaweyn ee dunidu hadday isugu yimaadaan naguma qasbi karaan waxaan dadkayaga iyo shacbigayagu rabin, arrintanna shacbi baa goostay oo gooni isu taaggeeda madax dhaqameed umuu goyne shacbigay ka timid, wixii shacbigu doonayana la isma hor taagi karo” sidaa ayuu Suldaanka guud ee Beellaha JSL yidhi.

 

 

Mar la weydiiyey su’aal nuxurkeedu daarnaa in madax dhaqameedka Somaliland ay ku kala jabaan arrintan amaba qaar kamid ahi ay ajiibaan baaqaas oo wada hadalka ay ka qayb galaan, mawqifka uu suldaan ahaan aaminsan yahay maadaama oo uu suldaankii guud yahay, waxaa uu ku jawaabay “wallaahi arrintaas anigu sideedaba ma waafaqsani, madax dhaqameedkana waa la siyaasadayn karayaa, khiyaamooyin fara badanina meesha way ka socdaan, waxaan leeyahay bal horta intaan la tegin in ay madax dhaqameedku naaqishaan wixii ay ka yeellayaan oo ay talo midaysanka yeeshaan ka hor intaan albaabkaas la furin oo la is weydiiyo in ay faa’iido leedahay iyo wixii ay khasaare leedahay” ayuu suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir hadalkiisa ku soo xidhay.

 

 

Somalilandpost, Hargeysa

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories