Home“Ma tabaaladii aan qabay, ayay tanina iiraacday!?” - Boqor Cali Xuseen Kaahin,...

“Ma tabaaladii aan qabay, ayay tanina iiraacday!?” – Boqor Cali Xuseen Kaahin, Boqorka Ayuub Sheikh Isaxaaq

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Umadda Somaliland meel kasta oo jogaan Salaan baan u dirayaa kii xanuusanaya inuu Alle siiyo caafimaad sareecana siiyo, kii caafimad qabana u siyaadiyo.

Madaxwaynaha jambuuriyadda Somaliland madaxwayne ku blankxigeenka, marwada koowaad iyo marwada labaadba Salaanbaan u diriayaa Xilka aad haysaanna Alle ha idinku guuleeyo Caafimaad qabna waan idiinku ducaynayaa.

Dawladda qaranbaa soo diirtay ee qabiil ma soo dooran boqolkiiba konton markuu ku guulaystay 15 nin ayuu u xil saaray inay soo dhisaan dawladda, 15 kii ninna afar qabiil oo reer sheikh isaxaaq ah iyo beelha laga tiro badanyahay ah ayay qadiyeen, taasi hadaba wadanka iyo umadda may qabtaa, 15kaa nin maanay dambiilayaal ahayn madaxwaynuhu se muxuu uga yeelay. Sinaaniyo cadaalad ayuu madaxwaynuhu ugu balanqaaday umadda kuna helay xilkay kuna dhaartay.taasi dalka iyo dadkaba may qabtaa.

Intaa waxa ii raaca 21 sanadood oo aanu dawladda Somaliland ka maqnayn oo aanan wasiir qudha ku lahayn hadaanu nahay Ayuub iyoToljecle labadii curad ee reer sheikh isaxaaq marka la isku qaadona toljeclaa u ah curad marka la kala qaadana ayuub magaaduu u yahay curad. Ayuub 12 jilib weeyi saddex meeloodna magtay u bixiyaan. Shqaalaha dawladdana waxaanu ku leenahay ma jiro. Wasiir waliba wuxuu shaqo geeyaaa dadkiisa. Bal wasiiradaada soo waraysoo shaqaalaha imisaa ayuub ah. Sida adarteed waxanu mudane madaxwayne kaa codsanaynaa inaad wasaard walba naga siiso laba hablood iyo sadex inamood ilayn dadka waanu la simanahay oonu curadkoodii nahaye. Arimahaasi waxay ka mid tahay dulmiga iyo inkaaraha ka dhacaaya waddanka

Hadaba madaxwayne maalintii aad dawladda dhistay waataanu beel ahaan kuugu nimid eenu ku odhan jirnay ‘maxaad noo qadisay?’ aad noogu jawaabtay ‘idinkooo qudha maan qadinine afar qabiil baan qadiyay,’ ee aan kugu idhi, ‘afartaba maxaad u qadisay eed waxooga u siin wayday? Waxaad noogu jawaabtay, “Haddaad Ayuub tihiin wana anigaa magacaabaya waxna waan idinkala tashanayaa.’

Hadaba adigoo ku mahadsan waxaad noo magacawday gudoomiyaha maxkamadda sare Yuusuf Ismacil kuna faraxnay isagoo ah nin u qalma xilka  ahna nin adag oo is hortaagay wixii musuq ka socday dalka aanu jecelnahay inuu wixii jira kula socodsiiyo. Markaad na siinaysayna anaka na sii iyo anaka na sii lagu yidhi eed tidhi ‘reerkaa Ayuub waa la xumeeyoo iyakaan siinayaa,’ taana waad ku mahadsantahay. Wadaad iyo waranleba waxay u soo xayteen si ninkaa xilka looga qaado. Tii hore iyo tu dambana taasi wax uu Ayuub gayo maaha ninka taas ku socdana waxaanu leenahay mana suuro galayso madaxwaynuhuna ma yeelayo. Somaliland markaanu ku macsuunnay gudoomiyaha SNM ayuu ahaa waxaasina maaha waxaanu gayno. Taasaanan wasiirna kaa sugaynaa inaad na siiso ood dagaalka inaad nagu dartaan doonaynaa, Dagaal ayuub ka maqanyahay dagaal maaha.

Dadka xaasidka  ah ee kuu soo qoraya waraaqaha inaanad waxba ka dhagaysan eed wixii cadaalad ahna isaga ka waraysato, Xilkaa aad na siisayna aad sidiisaa noogu dayso.

Geelaan darka u horay

Hormada laguma sii dayn

Anna kiisa kale diiday

Oo dumiyay ceelkii

Maxaa loo daraan dari

Hadaan dawliskaba gooyo

Waa gabaygii Xaaji Cabdi Ismaciil Guul Alla

Hadaba, dawliska goyn maynoo dadka iyo dalkaba waanu u ducaynaynaa

Markab laba musbaar maqantahay, Ayaan meel ka kabayaa

Maroodaan u cawsaynayaa maango yuurura

Maqalbaan hangoolka u sidaa maalin iyo layle

Anna kama maqnaan karo iyana igama maarmaane

Martida waxaan ka sooraa xagii maalkayagu yaalo

Ninna ima malayn karo markaan mawjadaa galo

Aduunbaan maqaar kula ahaye meel sarana ahaye

Waa gabayadii Xaaji Cabdi Ismaaciil Guul Allah

Sidaa iyo nebed gelyo caafimaad qab iyo cimri dherer ayaan kuugu ducaynayaa tiirbaad qabsatee tiirkaa hayso

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories