HomeMA SAXIIB MISE SAXARIIR.....?

MA SAXIIB MISE SAXARIIR…..?

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

“QOFKII QOON SAMEEYAA MARBUU QOORTA GALIYAA”

saxiibtinimadu waa shay aad u qaaliya taasi oo ka dhaxaysa labo qof oo bil’aadam ah haday tahay labo lab ah iyo labo dhadig ah: hadaba dareenkaa saxiibtinimo waa mid kasoo go’a quluubta kaasoo xadhkihiisuna ku xidhanyihiin dhamaan xubnaha jidhka, dareenkaasi wuxuu kalsooni galiyaa labada qof ee saxiibka ah kaasi oo ku abuura inuu si weyn ugu tiirsanaado saxiibkiisa kale ee garabka u ah. inta badan dadka saxiibka ahi waxay iskaga dhawyihiin xataa markaad eegto dadka wada dhashay, taasina waxaa cadayn u noqonkarta markaad eegto habka ay u HAASAAWAAN macnaha kaftan wadaaga, habkay iskula DHAQMAAN haday ku suganyihiin xaalad adag iyo tu sanba, markaad eegto habka WAXQAYBSIGA oo sal u ah wanaaga iyo jiritaanka saxiibtinimo iyo waliba kalsoonida, markaad eegto habka UDHIBIRSANAANTA oo ah saxiibku kolba halka uu kaa joogo inaad ku qiimayso iyo tan ugu danbeyso oo ah JACAYLKA waana kan u ah saldhiga isku boholyawga iyo iska warhaynta.

laakiinse hadaad intaaba saxiibkaa ka weydo maaha saxiib ee iskaga dheerow waayo waxay iila muuqataa aniga inuu ka talinayo jabkaaga iyo waliba siduu adiga kuu wiiqi laha.
dadka qaar ayaad arkaysaa adoo adigu jecel saxiibtinimada iyo walaaltinimada la garab taagan inay hadan meel kale ka miisayaan. dadkaasi hal weedh ayaan u hibaynayaa oo ah “KA IL BAXAY WALAAHIDA AFKA AH IYO WALALAC BEENAAD”

haduu saxiibka aad markasta isleedahay wax wada qaybsada wuu jecelyahay inaanad lasii waarin kaasina hal weedh ayaan u hibaynayaa oo ah “WALEE QAAF U JEEDO LEH QIIMAHAYGA KUMA RIDO”

haduu saxiibka aad markasta u dhibirsantahay ee aad jeceshay uu u qaato inaanad ka maarmi karayn kaasina hal weedh ayaan u hibaynayaayoo ah “QOFNA KABAHA UMA TIRO”

haduu saxiibka aad markasta xumaantiisa is dhaafiso ee aad is tidhaahdo waxba maaha ee iska dhaaf wuu isna kusii wado, ogow saxiibkaasi inuu kuu haysto qof aan waxba fahmayn kaasina waxaan u hibaynayaa hal weedh oo ah “HADAAD QAAFIL II HAYSATANA DHAWR QARNAAN JIRAY”

haduu saxiibka aad markasta u bandhigto arimaha nolashaada wuu isagu isku dayo inuuna kaa qayb galin waxkastoo nolashiisa ku saabsan, hadaad weydiisatana qalbiga madoobeeya, waxaan qabaa saxiibtinimadaa waxaa ku jirta cuqdad iyo cilad. isagana waxaan leeyahay hal weedh oo ah “CILADII LA QARIYAABA DIB BAY KUUGU QARAXDAA”

ugu danbeyntii waxaan leeyahay saxiibada nocaasi ah “MARKAY GARASHADII SABOOSHAY WAXAA GAMASHIYEY WANAAGII”

 

by Maxamed Cabdi Cabdilaahi “Indha yare”

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories