HomeMa Reer Gabiley baan Maamulka Aqoon, Mise Gabiley baa ah Ninkeed Cuna?...

Ma Reer Gabiley baan Maamulka Aqoon, Mise Gabiley baa ah Ninkeed Cuna? Maxaa Xubno Ku Marti Ah Ka Wada Dhigay Masuuliyiinta Laamaha Dawladda Ee Gabiley? – FAALLO: Weriye Cabdikariim Muxumed Cadde

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Inkastoo gabiley ay ka mid tahay gobolada dalka ee ugu bulshada badan isla markaana ay ka soo jeedaan aqoonyahan aad u tiro badan  oo  caan ka ah dhulka soomaalidu dagto  iyo ardayda ugu badan ee jaamacadaha dalka dhigata ama ka qalinjabiyay  hadana waxay tahay ayaandarada ka jirtaa waxaa madax ka ah dhamaan laamaha dawlada ee gabiley masuuliyeen marti ku ah gobolka  oo ka soo shaqo tagey deegaano kale oo ka durugsan gobolkan gabiley ku darsoo aqoonyahankii tirada badnaa iyo dhalintii ka soo qalin jabisay jaamacadaha dalka ee gobolka u dhalatay waa wada bilaacamal .

Bulshada ku dhaqan gabiley ayaa noqotay mid la qabatintay arintan oo hadiiba aad booqato magaalada waxaa dhegahaaga ku soo duulaya  waar ninku waa madax oo marti ayuu inoo yahay ee ha la daayo

Uma socdo ama kuma abaarni badhasaabka cusub ee dhawaan loo magacaabay gobolka maxaa yeelay tani waa mida kaliya ee ay gabiley kala simantahay gobolada dalka ee madaxweynuhu isku bedalay badhasaabadooda balse waxaan ka hadlayaa madaxda laamaha dawlada ee gobolka .Arintani inkastoo ay jirtay maamuladii iyo xukuumadihii tan maanta ka horeeyay hadana haatan waxay gaadhay heerkii ugu sareeyay waxaana intii xukuumada xisbiga kulmiye talada haysay  ku soo batay gabiley  masuuliyiinta loo soo magacaabayo laamah dawlada gabiley ee ka soo jeeda beesha madaxweyne siilaanyo iyo marwadiisa

GabileyAKHRISTE: ha u qaadan inaad akhriyayso qormo uu qalinka u qaatay Nimaan ogolayn isdhex-galka bulshada ama ruux cunsiri ah balse akhriste adigaba aan ku waydiiyee dhaqan soo jireen ah ayaynu leenahaye wali sheeko iyo shaahid miyaad ku maqashay marti sooryo mooyee iyadii talo laga martiyay??  Hadaba  waa kuwan liiska laamaha dawlada ee gabiley ee ay martidu madaxda ka tahaye bal adba!! :

  1. Badhasaabka gobolka gabiley
  2. Taliyaha qaybta booliska bobolka
  3. Taliye xigeenka qaybta booliska gobolka  gabiley
  4. Taliyaha taraafikada gobolka  gabiley
  5. Taliyaha laanta socdaalka gobolka  gabiley
  6. Taliyaha saldhiga gabiley
  7. Maamulaha baanka gabiley
  8. Xisaabiyaha guud ee gobolka
  9. Maamulaha kastanka kalabaydh
  10. Maamule ku xigeenka kastanka kalabaydh
  11. Qasnajiga kastanka kalabaydh

Inkastoo ayna intaa ku koobnayn balse qormooyinka dambe ayaan ku faahfaahin doonaaye hadaan maanta halkaa ku joojiyo akhriste! Kumaa ii sheegaya gobolka kale ee somaliland ku yaala ee intaaasoo laamood ay suurto gal ka tahay inay martiyi madax ka noqoto?

Arintani waxay guud ahaan gobolka gabiley dhaxalsiisay dib u dhaca weyn ee ka jira xaga horumarka iyo hoos u dhaca ku yimid xaga amniga gobolka iyo dhaqaalaha faraha badan ee gobolka ka soo baxa oo aan wax saamayn ah ku lahayn suuqyada gobolka maxaa yeelay madaxdan martida ah ayaa u badan rag solane ah oo  inta badan adeega zaad uun isticmaala

Sikastaba ha ahaatee isku soo wada duuboo  miyaanay reer gabiley qabanayn baydkii hadraawi ku lahaa  MARTI ADIGU HA U NOQON,MADASHAAD KA  TAHAY ODEY  sababta keentay arintan ayaan wali jawaab sax ah loo hayn xukuumada madaxweyne siilaanyona waxayba u noqtay fursad waxaana gabiley madax looga soo dhigaa hadba ninka beesha madaxweyne siilaanyo ah ee dib udajin lagu samaynayo oo ku soo dhogor gooya gabiley gebogebada waxay tahay su,aasha iswaydiinta mudani ma reer gabileybaan maamulka aqoon mise gabiley baa ah ninkeed cuna maxaa madax uga dhigay marti? Mooyi! Bal adba!!!!

WERIYE:CABDIKARIIM MUXUMED CADDE (QAAMUUS)

GABILEY

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories