HomeMa ogtahay Mudane Madaxweyne?

Ma ogtahay Mudane Madaxweyne?

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Mudane Madaxweyne mala socotaa jahawareerka siyaasadeed iyo abaabulada qabiilaysan ee mucaarad iyo raaciyad ba leh una jihaystay inay burbur kii aan kasoo kaban la’nahay 30ka sano oo kale ay ka ridaan dalkan curdinka ah.

Mudane Madaxweyne ma ka war heshey shaqaaqooyinkii dhimashada, dhaawaca, xadhiga iyo jidhdilkuba uu ka dhashay ee gobolada dalka ka dhacay xalse ma uraadisay.

Mudane Madaxweyne Ma Ogtahay in ay fooda inagusoo hayso maalinkii laguu doortay madaxweyne nimada somaliland heshiiskuna uu ahaa inaad maalinkeeda banayso ama lagusoo doorto.

Mudane Madaxweyne ,  Ma ogtahay mase laguu sheegay in Magaalada Hargaysa  iyo Dhammaanba Dhulkeeni kumannaan Caruur ah iyo Waalidiintoodii ay baahi lajiifaan ilmaduna ka hibitiqayso?

Mase Ogtahay Mudane Madaxweyne Xataa in  La,la’yahay cid u qaylo dhaamisa, sababtuna ay tahay  NGO yadii magaca masaakiinta ku Shaqaysan jirey oo haatan  helay magacyo kale oo lagu qaraabto.

Intaa kuma Eka’e Mudane  Madaxweyne ma maqashay in kuwii magaca bulshada rayidka ku hadli jirey in iyana markey siyaasiyiin noqdeen ama ganacsato ay  iska aamuseen  qaar kalana ay cabsi iyo wel-wel  la argagaxsan yihiin.

Mudane Madaxweyne, Ma lasocotaa Sicir bararka ka jira Gebi ahaanba Dalkeena Somaliland Gaar ahaan Magaalada Hargaysa oo miskiin koriso ahaan jirtey in Hargaysa iyo Meelo badan oo kaleba ka dhigay Miskiin  Caydhiso?

Ma Ogtahay Madaxweyne in Waqti Xaadirkan Hargaysa lagu Tilmaamo in ay ka mid noqotay Magaalooyinka Afrika ugu Qaalisan Xaga Nolosha waxaasoo dhamina ay dhaceen mudadii xilhayntaada.

Ustaad Muuse’ Mudane Madaxweyne, Ma ogtahay in Magaalada Hargaysa uu ka socdo boob laboobayo  dhulkii dowladdu lahayd oo ay boobayaan Ganacsato iyo Mas’uuliyiin aad adigu  wareegto ku magacowday?

Mudane Madaxweyne, maqiyaasi kartaa baaxadda uu gaadhsiisan yahay  argagaxa, Cabsida, Xorriyad la’aanta iyo Caddaalad darrida ka jirta Hargaysa oo Xadhig Sharci Daro ah iyo Mandheera layskugu hanjabo gaar ahaan madaxdu ay shacabka iyo dadka danyarta ah ugu hanjabaan kolka hawli dhexmarto Waa Caasimadda Somaliland’e?

Hadaba Mudane Ma Ku Xisaabtantay in Dhibbane kasta adiga uu ku soo eegayo Masuuliyadina kaa saaran tahay,?

Maxaa yeelay Amaanadii Cirka iyo Dhulku Diideen Ayaad Doontay Tar-Tan ugashay una Dhaaratay Kolkii Eebe kugu SImay, Mudane Madaxweyne Iminkaba Yaqiinso oo Ogow Xisaabteeda adduun iyo Aakhiraba in ay adiga kuu Taalo.

FG:- Mudane Dhibbane Xilside Anigu Fariinta Keliya ee aan kufarayaa Waa  ku Dhaqanka Shareecada Islaamka iyo isku Xukminteeda, ilaalinta Cadaaladda iyo Fulinta Garsoor Xaqa, Saraynta Sharciga, Waa in Qof walba Adigana ku Dhahe Sharcigu Ka Sareeyo, iyo Inaad Dhex ka Ahaato Muranka Siyaasadeed ee Golayaasha Dowladda Mararka Qaar ka Dhex kaca oo Aadan Garabsiinin Kooxda kuu Dhow ama Dano Siyaasadeed oo Gaari kaala Dhexeeyaan , Mudane Waa Inaad Sharciga Latiigsataa Cidkasta oo Burinaysa ama ka Hor Imaanaysa Shuruucda iyo Dastuurka Dalka u yaala, Adoo ku Daraya Fayjignaan,Fiiro Dheer iyo Dadaal…

Mudane Madaxweyne Allah (-SW-) Waxaan Kaaga Baryayaa in uu kuu Fududeeyo Gudashada Ammaanada Culus ee aad Sido iyo Dhammaanba Waajibaadka Ku Saaranba.

Qalinkii Eng, Mohamoud Salleban Eidle

Laascaanood, Somaliland

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories