HomeMA LA AAMINI KARAA SIYAASIGA MAANTA JOOGA? Qaybtii labaad

MA LA AAMINI KARAA SIYAASIGA MAANTA JOOGA? Qaybtii labaad

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Xaqiiqdu waxay tahay umadkasta oo koonkan ku nooli waxay ku dhisan tahay kuna kala hormartaa, jiilkooda soo kacaya hadaba waxaa lagamamaarmaan ah in la helo maamul hufan oo umada jiheeya, si loo hago, loona maamulo si ay midhaha soo go,ayaa u noqdaan qaar waxtarleh  waxaana laga maarmaan ah in jiilkaa soo kacayaa ay hellaan waxbarasho tayaysan haday noqoto barbilow (base) ilaa bar dhamaad (end) si ay u noqdaan qaar fikirkooda iyo awoodooda maskaxeedba  u noqoto mid ay umada waxkaga badali karaan, uguna hogaamin karaan kagana  midho dhalin  karaan horumarka iyo hiigsiga umada sugayso, laakiin ma dhacdo manaynu helin hogaamiye sidaa u fikira.

ssSiyaasiga manta joogaa marka uu u rumoobo hamigiisa hogamineed, maha qaarka shaqeeya danaha bulshada ay kalsoonidooda ku fahdiyaan, kamana shaqeeyaan adeegyada bulshadu ka sugayso, markaad eegto adeegyada aas aasiga ah ee ay bulsho u bahantahay haday noqoto, mid waxbarasho, amni, cafimaad,iyo kuwa kalaba, bal aynu eegno adeega waxbarasho iyo dayaca ka muuqda.

Bulshada Somaliland waxaa hore uga dhintay wixii la odhan jiray waxbarashada hoose (basic education) manta waxa iyana baabay waxbarashadii sare (highereducation ) nidaamka maamul ee bulsho hadii uu dhinto oo ay dayacaan dadka umada masuuliyada u hayaa bulshadasi waxay noqotaa qaar baabay oo aan ahdaafta nolaleed ee dunida lajanqadi Karin jiilkooda soo kacayaana wuxuu noqdaa qaar fadhiida oo guuldaraystay oo aan waxba umad ku soo kordhin Karin.

Bal muwaadin qiimee adigu shaqsi ahaan, isna waydii waa sidee jamacadaha manta dalka ka shaqeeyaa, tayadoodu se maxay tahay, sideebay muwaadiniinta ugu adeegaan, maxay se bixiyaan, waa maxay hamigooda ay u aas aasan yihiin, shaqsiga aynu ka sugayno inay soo saraan waa mid nooceeya muxuuse bulshada ku soo kordhin karaa, lakiin ma leenahay habmaamul oo hufan oo daba gala kana shaqeeya una dhaxeeya muwaadiniinta iyo  habwaxbarasheedka jamacadeed ee maanta dalka ka shaqeeya?

Su,aashu waa maya dhamaan jamacada dalka ka shaqeeyaa gaar ahaan kuwa gaarka loo leeyahay waxa hamigooda fog iyo kooga gabanba uu yahay sidee ay ku heli lahaayeen macaash (profit seeking) isla mar ahaantaan aan lahayn nidaam tayaysan waxa ay bulshada ka iibinayaana ma aha mid tayaysan  adeegooda shaqo ee muwadiinta ay u qabtaana maaha mid wanagsan waa mid ay uga dan leeyihiin uun wixii iyaga danahooda ah.

Ardaygu waxbarashada uu bilaabaa iyada oon loo eegayn wax shuruudo ah ma bilaabi karaa jamacad mise ma bilaabi karo, waanu qalinjabiyaa isagao oo aan cilmigiisa iyo caqligiisaba aanay waxba iska badalin, dhamaan bulshadadeena wax dhigataa waywada qalinjabisaa uun, wali aduu muwaadin maad aragtay arday la yidhi ma qalinjabinkaro oo awood uma laha inuu qalinjabiyo.

Aqoonyahanada cilmiga nafsiga wax ka yaqaan waxay iswaydiiyeen barashooy maxaad tahay? Waxay yidhaahdaan (learning is permanent change of hehaviour and attitude) taas oo micnaheedu tahay qofkani shaqsi ahaan isagu ma isu badalay si uu bulshada u anfaco qofkii hadaan isaga waxba u soo kordhin cidna waxba kuma kordhin karo.   lasoco

 

Sacad Jibril Ahmed

sacad446@hotmail.com

Hargeisa, Somaliland

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories