Home“Ma jirto Meel ay Muuse Dhariyo ku Tidhi Isaaq baanu la Dagaalameynaa”

“Ma jirto Meel ay Muuse Dhariyo ku Tidhi Isaaq baanu la Dagaalameynaa”

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

UntitledHargeysa (SLpost)-  Suldaan Maxamed Muuse Nuur (Abu Sufyaan) oo ka mid ah madax-dhaqameedka Beelaha Gabooye, ayaa bulshada Somaliland raali-gelin ka siiyey hadal ka soo yeedhay Suldaan Naasir Suldaan Cabdi Ismaaciil oo ka tirsan madax-dhaqameedka Beeshaas kaas oo maanta warbaahinta maxalliga ah ee dalka mariyey farriin xamaasad ka dhex abuurtay bulshada.

Suldaan Abu Sufyaan waxa uu Shacbiga Reer Somaliland, Madax-dhaqameedka iyo Xukuumaddaba raalli-gelin ka siiyey wax uu ku tilmaamay hadal fool-xumo weyn iyo fidno huwan oo ka soo yeedhay Suldaankaas, waxaanu dhinaca kale dar-daraan u jeediyey bahweynta saxaafadda dalka oo uu u soo jeediyey inay iska hubsadaan shakhsiga ay wax ka gudbinayaan.

Suldaanku waxa uu sidaas ku sheegay qoraal uu arrintan kaga hadlayo caawa soo saaray kaas oo u dhignaa sidan: “Ugu Horeyn waxaan xaal iyo xushmad halkan ka huwinayaa dhammaan inta ku abtirsata magaca Saldanad ee reer Somaliland iyo shicibkooda, Anigoo aad iyo aad ugu damqanaya hadal fool xumo weyn iyo fidno huwan oo ka soo yeedhay nin yidhi waxaan ahey sudlaan, waxaan leeyahay shacabka, xukuumadda, salaadiinta, iyo dhamaan bulshada Gabooye ka raali ahaada waxa ka soo yeedhay wadaadkaas sidoo kalena waxaan halkan dar daaran adag uga soo jeedinayaa dhamaan saxaafada Somaliland oo aan leeyahay iska fiiriya cidda aad wax ka qoreysaan iyo waxa aad ka tabineysaanba.

Aniga oo kamid ah Salaadiinta beesha muuse dhariyo ee ka tirsan beelaha gabooye ugu horeyn garan maayo meel beesha cuqaasheeda iyo salaadintuba ku shireen oo ay yidhaahdeen Isaaq aanu kula dagaalanno Somaliweyna anu tageerno ka waxas yidhina isaga ayaa looga fadhiyaa cadeynteeda waxaanan farayaa xukumada iyo waaxaha amniga in ninkaas la horkeeno Maxkmad sharci ah maadaama oo uu ku xadgudbay milgihii saladaneed iyo maqaamkeediba.

Beesha Muuse dhariyo waa beel kamid ah beelaha gabooye kuwaado ugu qiimaha badan, waa beel sharaf leh, waa beel waxgarad iyo waayeel leh, maah beel magaceeda iyo masiirkeeda qof qeyral masuulnimo ka muuqato isaga hadli karo.

markaan u imaado dhanka saamiqeybisa siyaasada wadanka waanu ka madhannahay oo lama dafriri karo, Xaquuq badan oo siyaasi ahi way naga maqan tahay, balse xigmad iyo xilkasnimo ayaanu ku raadsaneynaa wixii aanu tabaneyno ee dagaal iyo dadka oo la isku diro ku heli mayno ayaan qabaa suldaan ahaan,

Dhicina mayso in la idhaahdo Gabooye ayaa Qaranimada Somaliland xasad ku ah, Dawladanimada dalka iyo jiritaankeedaba waanu taageersannahay waanan kuqanacsanahay, Qaranimada Somaliland balse hoos hanaloo eego, dagaal aanu galno waxaa ka xun cuqubadayada oo qaraxda.

waxaanu nahay dad farsamo yaqaano ah oo dalka ugu jira kaalin muuqta, waxanu kamid nahay bulshada somaliland. waxaanu tirsanaa takoor iyo hab dhaqan xun oo dhanka guurka ah oo nagaga imaada bulshada somaliland, waxaanu ka madhanahay siyaasada somaliland haddii ay tahay Goolaha Wasiirada, Agaasimayaasha, Isu duwayaasha gobolada,

Marka laga reebo Mudane, Liban ismacil oo nugu jira Komishanka Xuququl Inskanka oo ah nin fir fircoon , Lataliyaha Madaxweynaha Barkhad Jama oo isna ah Xubin aad uga cad cad somalland oo aanu ku faano, Xildhibaan jirde oo isna noogu jira goolaha guurtida oo sna ah masuul aanu ku qanacsanahay, balse xubinta cadaalada ee hadda laga hadlayo waxay khuseysaa Goolaha Barlamaanka Somaliland iyo Xukumada, iyagaan xaq u leh sida ay ka yeelaan laakin anagana waxaa nala gudboon inaanu xubintayadii soo badalano haddii ay shaqadeedii gudan kari weydo ama wakhtigeedii ka dhamaaday hadi anay wax loobadala jirina halkeedi loodayo.\

Waxaan Madaxda Barlamanka ka codsanayaa iney hoos u eegaan baahiyaha bulshadayada oo aad uga madhan muuqalka siyaasadeed ee wadanka, Anigu idinku odhan maayo qabyaaladeystayaal ayaad tihiin laakin madaxdii wadanka ayaad tihiin ee cadaalada ilaliyodadkan hoos u eega wax cuquba leh ba jire ugu danebyntii waxaan leeyahay bulshada somaliland dadwalal ayeenu nahay dad xaqdhawr isku leh baynu nahay, mana jirto meel muuse dhariyo ku tashaday oo uu ku idhi isaaq ayaanu la dagaalameynaa somaliweyna waanu tageynaa

Suldaan Maxamed Muuse Nuur(suldaan abusufyaan) .

abusufyaan1@hotmail.com

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories