HomeMa Isbedel weyn ayaa ku yimi siyaasaddii Arrimaha dibadda ee Somaliland Mise...

Ma Isbedel weyn ayaa ku yimi siyaasaddii Arrimaha dibadda ee Somaliland Mise waxayba soo hoysay guul weyn siiba? – Faallo: Adan Yusuf Elmi

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

adan Yusuf 2013Siyaasada Arimaha debadu waa qaybta ugu weyn ee dhismaha Wadan kastaa leeyahay isla markaana waa koofiyada sharafta wadanka , hadaan si kale u dhignana waxayba qaybka tahay amaanka Qaranka iyo madaxbanaanida wadankaasi ,foreign policy waa Ergeyga Qaranka waana meesha ugu daran ee qadiyada aqoonsi raadinteenu u baahantahay in laga hago iyo Tiirka Fariinta qadiyada shacbiga oo ah Siyaasada arimaha debada

Hadaba Madaxweyne Md,Axmed Siilaanyo  isagoo ah Masuulka qarankan ugu sareeya ama sida somalidu ku maahmaahdo  aanay jirin madax meel ka sareeya oo la taabtaa , ayuu cadeeyey hadafkii qarankani u baahnaa sida ku cad distoorkeena ee ku salaysan aftida dadwenaha somaliland in aanay marnaba gorgortan geli karin gooni isu taaga iyo midnimada somaliland, Mucaarad iyo Muxaafid aad ayaa loo soo dhaweeyey talabooyinka horumarka leh ee sida xawliga ku dhacay , ujeedadeeduna ku qotantay mid lagu cadeeyey  siyaasada arimaha dibada ee Somaliland , oo qof kasta oo muwaadini dareemi karo sida cilmiyeysan ee wax loo wado.

Safarkii bishii u danbeysay weftiga  madaxwayne siilaanyo ay ku mareen Wadamada turkiga Iyo Ingiriiska ama kan ay ku joogaan iminka dalka maraykanka ayaa waxtar weyn  u keenay qadiyadii shacabka Somaliland, iyadoo madaxwayne Md, Axmed Siilaanyo goobo badan sida Shirkii Turkiga , Kulankii raysarwasaaraha Ingiriiska iyo weliba xarunta Atlantic Council iyo goobo kale oo cariga maraykanka ku yaal , ka jeediyay khudbado dhamaantood taariikhi ahaa islamarkaana ka waramayey waayihii kala duwanaa ee ay soo marteen umadda Somaliland, isla markaana qadiyadiina kor u qaaday laguna xaqiijiyey.

Dadka Somaliland ayaa qadiyadoodu iminka 22 Sano baarka ka jartay ,isla-markaana waxay ka soo gudbeen marxalado kala gedisan , Madaxweyne Md, Axmed Siilaanyo ayaa noqday madaxweynihii afraad ee xilka, hadaba iyadoo ay heerar kala duwan soo martay siyaasadaeena arimaha debadu , ayaa dadka sida weyn uga faaloodaa waxay qireen in sanadkan 2 0 1 3 siiba bishan aan weli ku jirno uu isbedel aad u lixaad weyni ku yimi siyaasadii arimaha debadda ama qadiyadii Somalilandba ,iyagoo ku sababeeyey arimo badan oo iskaashaday, Sida :’-

(A) Kulankii 13-kii bishan wadanka turkiga siiba Magaalada Ankara ku dhexmaray Xukuumadaha Somaliland iyo Somaliya, kaas oo ay qalinka ku duugeen heshiis ka koobnaa toddoba qodob ee warbaahintu badankoodii  ay qireen inay ahaayeen 7 qodob oo lagu aqoonsaday jiritaanka Somaliland.

(B) Kulankii 16-kii bishan Madaxweyne Md,Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo la yeeshay Raysal wasaaraha Dalka Ingiriiska David Cameron, kulankaasi oo ku qabsoomay  xafiiskiisa ku yaala Number 10 Downing Street

© Madaxwaynaha Somaliland Md, Axmed Maxamed (Siilaanyo) ayaa la Kulmay Madax sar-sare oo dowlada mareykanka, siiba State Department-ka , oo ay ka mid ahayd haweenayda magaceeda la yidhaahdo Wendy Sherwin oo ah Ku xigeenka Wasiirka Arrimaha Dibada ee Maraykanka Mr. Kerry.

Wada-hadaladii ka dhacay turkiga ayaa dadka siyaasadda ka faalooda ku macneeyeen mid taariikh ama  lama ilaabaana u ah umadda Somaliand ,islamarkaana ay guusha ugu wayn ee wadahadaasi ay gaadheen dhinaca Somaliland.

Ugu danbeyn Safarkan iminka uu markale  uu Madaxwayne Md, Axmed Siilaanyo ku joogo dalka Maraykanka ayaa iyagana lagu sheegay inay waxtarbadan u leeyihiin shacabka Somaliland, iyadoo madaxwayne siilaanyo xarunta Atlantic Council ee cariga maraykanka ka jeediyay khudbad taariikhi ahayd islamarkaana ka waramaysay waayihii kala gedisnaa ee ay soo mareen umadda Somaliland

Ugu danbeyna Codsi ayuu Madaxweynuhu u soo jeediyay in dawlada Maraykanku ay Somaliland ka caawiso sidii Somaliland uga heli lahayd xubin sharafeed ururada caalamiga sida IGAD, AU, UN Iyo Kuwa kaleba

Dawladda ingiriiska ayaa iyaduna dhankeeda shalay ku dhawaaqday inay wadahadalo kale u bilaabayso Somaliland iyo Somaliya inkastoonay dawladda ingiriisku cadayn mudadda ay bilaabayso wadahadaladaasi.

Guntii iyo Geba-Gebadii : Siyaasadda Arimaha Debadda ee Xukuumada Md , Axmed Siilaanyo Wakhtigan Waxay Maraysaa Heer Aad U Fiican,isla-markaana waxayna soo hoysay guul weyn siiba dhinaca  Haykalkii, Hanaankii , Karaamadii iyo Quruxdii Dawladnimo..

Waxaana hagaaya  Tayadii iyo Aqoontii lagu Tuhmi jirey Xukumadan ,Isla-markaana  siyaasada Arimaha debaduna waxay leedahay Policy iyo Istiraajiyad Siyaasadeed oo Qeexan oo Qaranka loogu talo-galay, . Waxaa la isku Raacey, in ay wasaarada arimaha debadu leedahay meel ay ka duusho. iyo weliba Baalal ay ku-duushaba, Waxaana maanta umadda S/land isku waafaqsanyihiin in xukuumada Somaliland shacabkeeda u  soo bandhigay Siyaasad  cad oo hufan oo kala haadsan iyo weiba Mowqif wanaagsan u-cuntama una-adeegaya danaha iyo Duruufaha haysta  Shacabka reer Somaliland oo u-Haraadey in ay mar uun Ictiraaf Buuxa Caalamka ka helaan.

Waxa Aan Ku Soo Gunaanadayaa Hadalkayga, Madaxweyne Waxaad Qaranka u soo hoysay guulo waaweyn , oo dhinaca  Xagga Siyaasada Arimaha Debadda Ee Ay Somaliland Ku Talaabsatay, Waxaan aan odhan karnaa waa  Farxad balaadhan , Dhamaan Shacabka Reer Soomaaliland Gaar Ahaan Kuwa Aannu Isku Aragtida Ka Nahay Sida haboon ee Loo hagay  Siyaasada Arimaha Debada Ee Dalka Somaliland In Laga Jebiyay Qufulkii Iyo Koontaynarkii Ay Ku jirtay .

Waana Guul ay Soo Hoysay Xukuumada Md, Madaxweyne Axmed Siilaanyo Iyo Gaar ahaan Wasiirkiisa Arimaha Debeda Md, Maxamed Cabdilahi Cumar, isla-markaana u soo hoyatay Dhamaan Shacbi-weynaha  Reer Somaliland Ee Dalkooda Horumarka La Jecel.

Ilaahay Ayaa Mahad Leh.

Waa-Bilaahi Taw-Fiiq

By , Adan Yusuf Elmi /UK

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories