HomeMa Inay Cawdaan-baa Mise Waa Inay Cod Ku Ciil Baxaan?

Ma Inay Cawdaan-baa Mise Waa Inay Cod Ku Ciil Baxaan?

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

blankLaga soo bilaabo 27-kii Julay 2010-kii maalintii uu xulka la wareegay madaxweyne Axmed Maxamed Silaanyo, waxa isa soo tarayay cabashooyin tiro badan oo salka ku haya saluugyo ku qotoma saami-qaybso xileed iyo kuwa siyaasadeed. Iyada oo tabashooyinkaasi noqdeen wax marba marka ka danbeeya soo xoogaysanayay, isla markaana sababay in dhaleecooyin lala miciinsado Madaxweyne Silaanyo iyo xukuumaddii uu soo dhisay. Cid waliba waxay danaynaysay inay iska dhex aragto xukuumadii uu madaxweynuhu dhisayay, hasayeeshee may suurta gelin oo waxa meel-maray qorshihii madaxweynaha u dejisanaa.

Markiiba waxa bilawday gufaacooyin mucaaradad ah oo lagu bilaabay xukuummadii uu dhisay Madxweyne Silaanyo. Waxa qaylo la oogsaday qaar ka mid ah beelaha Somaliland oo ku gar-naqsaday inaan saamigoodii la siin. Waxa la aloosay dadaallo lagu abaabulayo shirar beeleedyo ay dabada ka riixayeen siyaasiyiin cadhooday iyo madax-dhaqaneedyo. Waxa la adeegsaday dhaleecayn warbaahinta loo marinayo Madaxweyne Silaanyo. bal ogaada oo dadka ugu badan ee madaxweynaha iyo xukuumaddii uu dhisay ka hor yimi waxa ugu fara badnaa dadkii taageeray ee markii danbena waxay filayeen waayay.

Waxay soo socotaba, waxa hadda la marayaa meelihii ugu xasaasisanayd. Waxa la adeegsanayaa af-xumadii ugu adkayd ee madweyne loo adeegso, dhaleecaynta iyo cayda iyaga hadalkooda daa. Kollayba sunnaha madaxweynenimo ayay ka mid tahay in eedayn iyo canbaarayn-ba yimaadaan haddii uu marin-habaabo hannaanka hogaamineed ee madaxweynaha la doortay. Laakiin waxa jira siyaabo loo cabsi geliyo oo looga aarsado hogaamiyaha taladiisa loo bogi waayo ee laga soo hor jeesto.

Marar badan waxay dhegahaagu maqlayaan: “Madaxweyne Silaanyo waa danayste, waa abaal-laawe, dalkuu baabinayaa, dadkuu isku dirayaa, awooddu gacanta ugama jirto, wuu asaasaqay…wuu…wuu.” Dhammaan odhaahahani waxay soo shaac-baxeen intii ay xoogaysatay mucaaradada lagaga soo horjeedo madaxweyne silaanyo.

Hore ayaa loo yidhi: “Af-xumo nabadna way kaa kaxaysaa colaadna wax kaagama tarto.” Ciddii ciil u qabta madaxweyne Silaanyo, waxa la gudboon ilayn cod ayuu ku yimiye inay cod kaga ciil-baxdo, isla markaana ay lala sugo waqti dhammaadkiisa xileed, haddii aanu amar ilaahay ku dhicin.

Cabdishakuur Xaaji Muxumed Muuse [C/Heersare].

cabdiheersare01@hotmail.com  

Hargeysa, Somaliland 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories