HomeMa inagaa iska damaashaadna 18 May, mise aduunweynaha ayaynu gaadhsiinaa Qadiyadeenna? –...

Ma inagaa iska damaashaadna 18 May, mise aduunweynaha ayaynu gaadhsiinaa Qadiyadeenna? – W/Q: Ali Dhinbil

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...
Ali Abdi Dhimbil
Ali Abdi Dhimbil

Runtii 22kii sano ee ka soo wareegtey xornimadii Somaliland waxay isaga badnayd damaashaad iyo is xasuusin ku saabsan gooni isu taageena iyo inaynu la soo noqonay xornimadeena. Laakiin dadaal fiican ulamaynaan iman sidii maalinta xornimadeena iyo aqoonsi doonkeena aynu aduunka ugu soo bandhigi lahayn. Metalan saxaafada aduunku waxba kama qorto, madax kale oo ka socota Africa amaba Arab league amaba Europe na lama soo casuumo, xitaa haday yihiin kuwo low ranking aan jago ka hayn wadamadooda. Weliba waxay ahayd in la soo casuumo masuuliyiinta qadiyadeena tageera ee ku jira xisbiyada ka jira UK iyo wadamada la midka ah.
Waxaan maqli jirey sheeko ah, in berigii isticmaarka ingiriisku ina heystey inuu odayaal reer Somaliland u qaaday wadanka Cadan si u soo tuso quwada iyo awooda ingiriiska ee ciidan iyo gawaadhi dagaalba leh. Wax kalena ma hay nee wuxuu doonayey si markay ugu soo noqdaan Burco Iyo Hargeisa aay ugu sheekeeyaan quwada ingiriiska ee aay soo arkeen, oo markaa uu yahay quwad aan loo babac dhigi karayn, oo markaa halkaa sheekadu ku fidi lahayd dadka hamigu ka hayo inay daandaansadaan isticmaarkii ingiriisku. Waxaan uga danleeyahay, bal inakuna aynu caalamka soo casuuno si aay u ogadaan isku duubnaanteena iyo xornimo doonkeena inaga dhabta ah .
Horta way iska cadahay inaan madax sare u imanayn dawlada yar oo aan la ictiraafsanayn, laakiin taa macnaheedu maaha inaanayn soo casuumi Karin ‘’low ranking officials’’ oo ka kala yimaada xisbiyada xukunka haya amaba kuwa mucaaradka ah ee dawladaha Europe.
Runtii Dawladeenu waxaad moodaa beryahan inay dadaal ugu jirto sidii qadiyada Somaliland loo fahansiin lahaa aduunweynaha, khaasatan Europe, USA, iyo Middle East, waxaana taa ku tusaysa markay kiraysteen lobbying and communications firm Glover Park Group, oo runtii ahayd inaynu sanado ka hor samaysano shirkad qadiyadeena inoogu lobby garaysa si international level ah. Runtiina waxaa mahad naq badan leh our foreign Minister Honourable Mohamed Omar, oo runtii ah nin wax garad ah, oo ka adag hawshiisa, oo weliba ah a well spoken markay timaado shirarka aduunka ee lagaga doodayo qadiyada Somaliland. Waana nin aad iyo aad ugu munaasab ah inuu noqdo future Somaliland President.
Waxaan kaloo aad iyo aad ugu faraxnay hadaanu nahay Somaliland diaspora warqadii uu Madaxweynaha Somaliland ku soo qoray The Guardian Newspaper, isagoo ka hadlaya waxa ay dawladiisu uga soo qayb geli weydey shirkii Somalia ee lagu qabtay London 7th of May. Iyo weliba isagoo for the first time, sidaan u malaynayo madaxweynuhu u soo bandhigay dicision makers of the world khaasatan wadankan UK, arin ku saabsan Somaliland, oo runtii xili munaasabana ku soo qoray jariiradan caanka ah ee siyaasiyiinta iyo waxgaradka wadankani akhristaan. Waxaanaan filyaa inaanay arintani suurta gasheen hadaynaan lahayn shirkad sida Glover Park Group, oo arimaheena aduunka u gaadhsiisa, khaastan dhinaca Media, oo aynu aad ugu danbeyney marka loo eego dawlada federalka ee Somalia.
Hadaba hadaan dib ugu soo noqdo, su’aashaydii ahayd maynakaa cidla ka boodboodna mise maalinta xoriyadeena aduunweynaha ayaynu gaadhsiinaa jiritaankeena iyo gooni isu taageena; waxay aniga ila tahay in laba waxba la sameeyo, waa mida horee waa in siyaasiyiinta reer Europe iyo Gulf States, iyo weliba kuwa qadiyadeena taageera lagu soo casuumo maalinta xuska ee inaguu soo food leh. Waa ta labaade waa inaynu aad ugu dadaalnaa dhinaca ka soo qayb gelinta International Media, khaasatan Al Jazeera, oo dhinaca arigtada carabta inaga caawinaysa iyo UK Channel 4, madaama aay wararkooda ku soo qaataan wadamada third world ka ah ee aan badiyaaba ahmiyada badan aduunku siinin in warka lagu soo qaato.

Hadii shirkada Glover Park Group firm ay inaga caawinayso sidii loo soo casuumi lahaa some decent world newspapares iyo international televisions, dee taasina kaba sii wanaagsan, oo qaar live news uga soo daaya dabaaldega 18th of May, iyo qaar wax ka qora maalinta ku xigtaba runtii waxtar weyn ayay inoo yeelan lahayd. Waxaa kaloo jira programmes bil amaba weekly ah oo aay leeyihiin televisionada aduunku sida CNN, BBC, Al jazeera amaba Channel 4, oo aay ku soo qaataan waxyaabo farabadan oo aduunka ka dhaca. Waxaa markaa fiican in Shirkadan dawladu soo kiraysatey ee Glover Park Group aay aad isugu taxalujiso inay special programme ka sameeyaan Wadankeena Somaliland, khaasatan ayaamo ka dib markaynu u dabaal degno sanad guuradii 22 aad ee la soo noqodka xornimadeena.

Markaa haday shirkada shaqadeedu tahay in aduunweynuhu fahmo qadiyada Somaliland, aay markaa dawladu aad ugu pressure garaysaa inay dhinaca newsmedia iyo weliba shirarka aduunka amaba international forums, including the UN general assembly, aay inaga caawiyaan si aay u hor dhigi lahaayeen qadiyadeena. Runtii anigu shaksi ahaan waxaan jeclaa in shirkad aad caan u ah, oo lacag badan qaadanaysa laynoo soo kirayn lahaa si aay sucmada somalialand kor ugu qaadaan. Runtiina hadaanay dawladu amaba xitaa shirkadaha waaweyni aanay lahayn lobby firms arimahahooda iyo qadiyadooda u dooda, dee markaa waynu iska wada ognahay inaanay wax ala wax ukala soconayaa ma jirayaan.
thousands-somaliland-nationals-lobby-uk-parliament_694981Waxaan ku soo gabagabeynaynaa mansha’allah xaaladeenu meel fiican ayay inoo maraysaa, marba marka ka sii danbeysana arimaheenu waay inoo sii hagaagayaan, laakiin waa inaynu samir iyo dulqaad aynu la nimaadna, oo markaa qofwalbaaba uu ka shaqeeya nabada iyo danta guud ee inaga dhaxaysa, si aynu maqaam sare u gaadhno. Ummad kasta oo burburtana waxa kala burburiya sida quraankuba inoo sheegay marar badan isku xidhnaan la’aanta iyo fusuqa aay dadku sameeyaan. Waxaan kaloo Reer Somaliland kula talin lahaa waar fidnada shayga la yidhaahdo iska ilaaliya, waayo sida quraanku inoo sheegay fidnadu iyada dilka qof ama dad la dilo ka xun, waayo qof la dilay waa la xalili karaa lakiin hadii umadau isku rogmato masiibadu qof walba gurigiisa ayay ugu imanaysaa, oo cidina ka badbaaadi mayso halaaga iyo xumaanta ku kala dhacda umada ku walaalowdey diinta islaamka.

Ali Abdi Dhinbiil
Current Affair editor
Ali.dh@hotmail.co.uk

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories