HomeMA HUBSADE WAA ADOO KALE!

MA HUBSADE WAA ADOO KALE!

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Sabtidii toddobaadkan ee habeenimadii Axadda, ayaa waxan daawaday barnaamij wareysi ahaa oo TV-ga la yidhaa KALSAN uu la yeeshay Muuse Faarax Jaambiir oo ah mulkiilaha Wargeyska Ogaal ee ka soo baxa Jamhuuriyadda Somaliland, magaalo madaxdeeda Hargeysa, waxanu ku saabsanaa wareysigaasi oo cinwaankiisu ahaa SAXAAFADDA SOMAALIDA.

blank

 

15.2pt; vertical-align: baseline; text-align: justify; background-image: initial; background-attachment: initial; background-size: initial; background-origin: initial; background-clip: initial; background-position: initial; background-repeat: initial;”> Horta Muuse kamuu warramin marna Saxaafad Somaalidu leedahay oo ku salaysan mawduuca cinwaanka looga dhigay, balse waxa uu si khaldan oo gurracan uga warramay oo kaliya saxaafadda Somaliland oo uu weliba dhulka si milgo la’aan ah ujiid-jiiday. Waxa uu sheegay MUUSE Jaambiir in aanay Saxaafadda ka hawl gasha Jamhuuriyadda Somaliland haysan wax madaxbannaani ah, waxase uu Muuse malahayga il-duufay in Wargeyskiisa OGAAL, uu maalin maalmaha ka mid kusoo baxa qoraal ayna cidna faafiseen xataa kuwa dunida qaarkeed ee lagu sheego inay madaxbannaan yihiin iyo xataa  kuwa kale ee ceebaha faafiya ama loo yaqaan[Tabloid], waxana ka mid ahaa weedhihii ku jiray [ninkaasi waxa uu aaminsan yahay, Labaatan jir aan wax wasin isagaa la wasaa!!]

Haddaad xusuusan tahay Muusow markaan akhriyey maqaalka weedhahaasi ku jireen oo qof muwaadin ah sidaa u fadeexadaynayey,kuna soo baxay Wargeyskaaga, waataan kugula soo xidhiidhay Telefonka ee aan ku idhi, waar cudurdaar ka bixi berri waxa ku soo baxay maanta Wargeyskaaga. Marka ay sidaa  tahay, cadad kasta oo Wargeyskaaga ahna ku soo baxaan waxa aan soo sheegay iyo wax ka darran, bal aan ku su’aalee markaa ma adigaa darkii Dimoqraadiyadda jebiyey, mise waa madaxbannaani la’aan sida aad sheegtay? Su’aasha kale ee aan ku weydiinayaa waxa ay tahay markaad tidhi, saxaafadda Somaliland badhna Xukuumadda ayaa leh, badhka kalena dadka lacagta leh, bal noo sheeg Wargeyskaaga OGAAL cidda leh eek u shaqeysata?

Ma jecli inaan aad usii faaqido Saaxiibkay Muuse, waxanse ku soo xidhayaa jawaabtan kooban oo aan ka wada jawaabeyn khaladaadkii ka soo yeedhayey Muuse, waxa ku kellifay inuu taariikhda ka been sheego oo ku celceliyo marar badan in Wargeyska kaliya ee jiray waqtigii marxuum Cigaal uu ahaa Wargeyska Jamhuuriya ee uu intii kale ee uu ka midka ahaa kii ugu horreeyey ee ku soo daray xerada Suxufiyiinta ee la odhan jiray CODKA HARGEYSA IYO Wargeyskii XORRIYA? Aan kuu idhaahdee adigoon ka been sheegin taariikhda waxa kaaga fiicnaa inaad tidhaahdo Wargeyska Jamhuuriya waa ka qudha ee ka soo hadhay Wargeysyadii ugu horreeyey ee ka soo baxa dalka, saaxaddana aan laga waayin ilaa maanta oo Jamhuuriyaddu rubuc qarni jirsatay,kana soo wada shaqeeyeen dhammaan Suxufiyiinta waaweyn ee magaca ku leh dalka, isla markaana ahaa Wargeyskii ugu horreeyey ee Madbacad lagu daabaco, taasoo ilaa maanta lagu xuso Marxuum Maxamuud Cabdi Shide oo hantidiisii ugu deeqay inuu ugu soo iibiyo MadbacadWargeysyada,  si ay ula tartanto ta deriskeeda, sidoo kalena kaalinteeda uga qaadato horumarinta dimoqraadiyadda iyo xorriyatul qawlka. Weligaa iska ilaali wax kale oo dhan haddaad doonto ka been sheegoo, inaad taariikhda ka been sheegto, waayo waa dhaxal taariikheed oo jiilba jiil u sii dhiibayo. Midna waa iga dardaarane, had iyo goor isku day inaad wax kasta oo lagu su’aalo inaad kaga jawaabto intaad hubto ee aad aqoonteedana leedahay, ceebna ha moodin odhaahda ah waxaa ma garanayo ee bal iyana xusuusnow wixii hadda ka dembeeya..

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories