HomeMa-hadhooyinka Xukuumadda iyo Maalmihii Tegay - W/Q: Sayid-Maxamed C/laahi ~ Qaybtii 7aad

Ma-hadhooyinka Xukuumadda iyo Maalmihii Tegay – W/Q: Sayid-Maxamed C/laahi ~ Qaybtii 7aad

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Waa qormooyin taxane ah oo aan ku iftiimin doono ma-hadhooyinka xukuumada ee 913kii maalmood ee la soo dhaafay kuna beegay 27/januarey/2013 oo ay 2 ½ sano jirsatay xukuumadani

 

5- Ka qayb-galkii shirarka sayid-MaxamedSomaliya

Tan iyo intay dhacday dawladii dhexe ee cadaalad daradu burburisay ee somaaliya innana (Somaliland) aynu dib-ula soo-noqonay madax-bannaanidii, waxaa somaliya loo qabtay 19 shir oo laga arinsanayay sidii nabad looga dhalin lahaa iyo sidii maamul dawladeed loogu samayn lahaa.waxaa kulanadaasi ka qayb galayay hogaamiyayaal ka taliya xaafado, degmooyin ama gobolo waxaase markii danbe kusoo biiray tiro maamul goboleedyo ah.

Dhamaan shirarkaasi loo qabanayay somaliya marnaba may dhicin inaynu ka dawlad iyo maamul ahaanka kaga qayb galno,maadaama aanay jirin wax xidhiidha oo derisnimo dhaafsiisan oo inaka dhaxeeya.waxa golaha wakiiladu meel-mariyay xeer ay ku jiraaan qodobo xakamaynayay ka qeyb-gelista shirarka loo qabto Somalia iyo ka qeyb- qaadashada dawlad loo dhisaba,si looga hortago inay ka dhex muuqdaan xubno reer Somaliland oo aan ku qanacsanayn aftidii dastuurka ee lagu xalaaleeyay gooni-isu-taaga  iyo si looga dhaga adaygo yeedhmada caalamiga iyo mid gudeedba. Laakiin waxaa jiray hindise ah in marka somaliya ay u dhalato dawlad si dhaba u hanaqaada matalina karta shacabkaasi, wada hadal lala furi karo iyadoo gooni-isu-taagu lama taabtaan yahay.

 27/July /2012 Intii kadanbaysay ayaa si lama filaana waxa isubadalay mawqifkaas aynu kataagnayn shirarka somalida.

Kadib markii xukuumadu laashay qodobkii xakamaynayay ka qayb-gelista shirarka loo qabto Somalia iyo dhismaha dawladahooda,iyadoo fasax u heshay inay dhex muquurato fadhiyadooda.Waxaana masuuliyiinta xukuumada siilaanyo lagu arkay fagaarayaasha kulana loogu qabanayo maamul goboleedyada somaliya.sida shirkii Shaffield, London, Nairobi, Istanbul iyo Seychelles .dhamaan shirarkaas waxay si isku meeqaam ah miis la fadhiyeen maamul goboleedyada Puntland, Galmudug,ururka Ahlu-sunna wal-jamaaca  iyo DKM. Waxaana laga soo saarayay go’aano isdba jooga iyo baaqyo.Manta haddii masuuliyiinta xukuumadeena lawaydiisto inay sheegaan hal faa’ido ama hal qodob oo kamida go’aanadii kazoo baxayay shirarkaasi oo dhaxal gal u ah ummadan ma helayaan, sababtoo ah dhamaan shirarkaasi waxaa lagu lafa gurayay arimo ugaara Somaliya.

Waxayse afgobaadsi ka dhigtaan “qadiyada gooni-isutaageena ayaanu kusoo bandhigaynaa meelaha lay sugu yimaado” ‘baroortu orgiga kawayn’xaalku sidaa maaha, tusaale ahaan shirkii Nairobi ee 12- April-2011laga wada hadlay soo gebogabaynta road map-kii maxaa Somaliland uga cabayay? soo macneheedu maaha in si toosa aynu uga mid noqonay koonfurtii dawlada loo samaynay? !

Jawaabta su’aashani waxaa laga dhex heli karaa muuqaalka shir ay isugu yimaadeen Puntland,Galmudug,Ururka  Ahlu-sunna wal-jamaaca,Somaliland (oo aan weli aqoonsi caalamiya dunida ka haysan) iyo dawladii ku meelgaadhka ahayd oo kaligeed ee laga aqoonsanaa Somaliya.caqliga badqabaa wuu dareemi karaa in Somaliland laga mid dhigay maamul goboleed-yadaas. Laguna qanciyay xoogaaga lacagta ah ee shandaha lagu soo qaado.shirarkani waxay badaleen ra’yul caamkii ama aragtidii dunidu inaga qabtay, waxay sii fogeeyeen rajadii aqoonsiga aynu mudada dheer sugaynay ka midho-dhalintiisa iyo taabo galinta dal cusub oo kadhasha mandaqada geeska afriaka.

“Haki Maxamed Geenyada

 Hasha Goray u yeedh-yeedh

 Godol oo u gaal-gaal

Gabatana kayara celi”

 Aynu dib u jaleecno waqtigii halgankii qadhaadh lagula jiray xukuumadii madaxa adkayd ee Max’ed Siyaad,waxaa hogaamiyaashii dhaqdhaqaaqii SNM  ee hirgaliyay midhahan aynu badh ka goosanay kamid ahaa Mr. siilaanyo oo mudadii xilka gudoomiyanimada uu hayay  SNM gaadhsiiyay hantaaqooyin dhib u dhigay inay gaadhaan higsigoodii mar horeba. Waxaa soo baxay aamin darro ay kaqabaan hogaamiyahoodii (siilaanyo) ee mudada dheer wasiirka ka ahaa xakuumada ay la dagaalayeen. Waxayse cadaatay sanadkii 1988kii markii Max’ed Siyaad iyo Mingiste heshiis ku gaadheen magaalada Jabuuti kaasoo ahaa in la iska saaro labadii jabhadood SNM Iyo TPLF oo fadhiisimo ku kala laha labada dal.

Heshiiskaasi waxa uu qudhgooyo ku ahaa mujaahidiintii duurka ku jirtay waxaana  gudoomiye siilaanyo laga sugayay qorshe lagu badbaadin karo dalkii iyo ciidankiisaba ,kadib xidhiidho qarsoodiya oo dhexmaray Max’ed Siyaad iyo isaga waxa uu layimi fikir ahaa in la is dhiibo isna landon uu qabto. Waxay ku noqotay ciidankii qoomo xiska ka gaadhay oo xasuus-reebkooda leh.waxaa si geesinimo ah uga diiday saraakiishii ciidanka (Inta dhimatay alle ha u naxariisto inta noolna alle ha dhawro). Bal hadda u fiirso sida uu u gabagabeeyay geedigii lasoo waday mudada 9 sano ah iyo khiyaamada uu ka galay ummadda. Waa taariikh cadaana.……..Lasoco……..

 Sayid-maxamed C/laahi Xasan

Burco, Somaliland.

Sayidmaxamed22@gmail.com

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories